Barnaamijka Hello Somaliska – 12-02-2012

Caawa waa markale iyo barnaamijkeenii cusbaa ee Hello Somaliska. Barnaamijka waxaan caawa uga hadli doonaa mowduuc la xiriira tahriibka iyo qarashka aan u soo galnay Sweden iyo xaqiiqada aan kala kulanay halkaan.

Dadka qaar ayaa 20$ kun ku soo bixiyay imaashaha Sweden halka qaarna ay bada soo gooyeen iyaga oo nafsadooda halis galiyay. In badan oo naga mid ah ayaysan Soomaaliya ku haysan khatar nafsadeed marka laga reebo raadis nolol wanaagsan. Hadaba mowduuceena maanta waxa uu ku saabsan yahay Sweden ma u qalantay safarka loo soo maray iyo qarashka lagu bixiyay? Maka heshay halkaan riyadii aad raadinaysay?

Fadlan waxaa muhiim ah in qofka na soo wacaya uusan ka bixin qodobka DOODA. Waxaad kaga qeyb qaadan kartaa barnaamijka telefoonka 0734799039 (lyca) – Saacadu waa kl. 18:00.

Cilad: Waan ka xunahay in maanta cilad xaga signalka ah ku timid telefoonkii barnaamijka looga qaybqaadanaayay. Sidaa darteed ayaysan u suurto galin dad badan in ay na soo wacaan.

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. hamsa says:

    a s c jimcale aniga iyo dadkale o ila mid ah ma dhagensan karno mar ka ayado ah codsi qoral ahan nogu so gudbi barnamij ka o helloo! Somaliska wayo wan ku tixan nahay somaliska.com wayo waxa an nahay dadka daneya arimaha ku sabsan somalida swedan fadlan wa codsi shukran akhi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hodan says:

    inaan tahriibno badaha ku dhamaano hadaneh meel ilaah xaalkeeda ogyahay imaano horta waa qoraalka allah tankale wax noo keenay waxas oo dhan dawankeena bur buray alah wadankeena nabad hanooga dhigo HANTIYEEY MACAAN WAAA MID AAN HOOY LAGAA ORAN alah dhibka hanaga saaro somaliweyn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Ali-burao says:

    asc

    waa fiicantay in dadku ay il baxaan oo meel walba kasoo war helaan si aan hadhaw loogu faanin waxay soo arkeen.
    talabaad, somalidu waa bushlo curdin ah oo aan wayo aragnimo badan lahayn islamarkaanu u baahan waayo aragnimo caalamia ah.
    tusaale, maanta somalidii waxay dukaamo waweyn kuhaystaan caalamka oodhan , ilaa chena ilaa west africa ilaa carabta, ilaa europe, markaa waxaan qabaa Tahriibtu guul bay ahyd

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. raqiya says:

    somalida waa dhibbaten lakiin illahy habaryar taa ayaa dhibta lagag baxaa iyo isku xidhanan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. sahro says:

    asc
    jamcaale walaal salaan ka dib waa kuu ducaynay intayada laga maqan yahay oo aad aqbaarta siiso laakiin jamcaalo walaal iimaad soo jawaabin jawaab ayaan kaa sugauyay wixii aad wax ka hayso markii aan tooso waxaan furaa daatada waxaan eegaa somaliska wax aqbaar ah oo ka soo gashay walaalow adoo mahad san iisoo sheeg wixii aad aqbaar ka hayso dadka koriskaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      wsc Sahra. Runtii su’aalo badan ayaa la i soo waydiiyay oo aanan qaar badan oo ka mid ha jawaab u hayn. Suaashaada waxay ka mid tahay su’aalahaas waayo wali lama soo qaadin arin ku saabsan caruurta la soo korsaday balse waa socdaa wadahadal ku saabsan arintaas oo u dhexeeya dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet sidii ay noo sheegeen bisha soo socota 20-keeda ayaa la soo bandhigayaa miraha ka soo baxa mooshinka ay diyaariyeen. markaas ayaan soo qori karaa arintaas waxyaabaha laga yiraahdo.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ifka says:

    qofkan heesayo jimcalee miyaaaaaaaaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waba hees qatara walahay hore uma maqal mahadsand micale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ifka says:

    walahay wan ka xuumahay shaalay in aan ka seexdo somaliska hello aad ayaan u suugayay dadka ku xariirsan somaliska waxan rabay shaalay in aan uga sheekeyo wiixi iqabsaday quurbaha iyo qarashkii iga sobaxay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Adow says:

    Ifka ana ubuke iga sheeke abayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ahmed husen says:

    asc dhamaan bahda somaliska & inta xuriran web aniga fikir ayaa qabaa inaan sojediyo xogaa waxaan umaleynaa jimcaale mesha uuka soogalo 18:00 in xogaa asxaabta badankedu ay markaas mash qulsantahay tusaale dhalinyarada badanked waxee aadaan kubad xiliyadaas marka xogaa waxaa igula haboon 16:00 waa aniga ra yigeyga inkastoo ay waqtiga dhagestayaasha ay ugu firaaqa badan yihiin ay igaga xog ogaalsanyihiin daadihiya yaasha barnaamijka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0