Beenta Aduunka???

Maanta oo taariikhdu tahay 1 April waa maalinta ay dad badan ugu yeeraan Maalinta beenta Aduunka. Waa maalin ay beentu caadi ka noqotay wadamo badan.

Qaasatan wadamada reer galbeedka ayay caadi ka tahay in maalintaan been laysku sheego ama asxaabta iyo familka lagu sameeyo qiyaanooyin qosol ah ama mararka qaar aan sidaa qosol u ahayn. Maalintaan ayaa dhacda in lagu yiraahdo maanta wax tareen ah ma socdaan ama iskuulkii waa fasax.

Taariikhda Maalintaan ayaa la sheegay in ay ka soo bilaabatay qarnigii 13 iyadoo aan laga hayn taariikh dhab ah oo ku aadan sida ay ku noqotay 1 April. Balse taaariikhda qaar ayaa sheegta in asalkii maalintaan laga abuuray wadanka Faransiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Waa iska cadahay in beentu aysan habooneyn, Islaamkana ay xaaraamtahay in been laysku sheego. Sidaa darteed ayaysan Maalintaan ahayn mid ku haboon dhaqankeena. Balse xitaa waxaan arkay dadka Somalia jooga oo ku dhahaya maanta waa Maalintii BEENTA!!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Hiddo-Raac says:

    Waa wax lala Yaabo runtii Maalin BEENTA ADUUNKA .

    Laakiin haddaa nahay Muslimiin ku nool reer Galbeedka dhulkooda,
    waxaa jira FARQI wayn oo dhaxeeya . Wax walboo Islaamku WANAAG u yaqaan iyagu XUMAAN ayay u YAQAANAAN .

    Tusaale GUURKA dib u dhaceey u arkaan ZINADANA Saaxiibtinimo .Waalidka oo la xanaaneeyo , waxay u yaqaanaan In Lagu Tuuro PENSIONÄR HUS ka , Rabbi la Caabud HAWO LA CAABUDO ayay ka doorteen , Dumarkoo Xijaab , iyagoo dhar li’i socda yay ka DOORTEEN . Markaa waa DAD aanan isku jid HAYN .

    Waaba Dadkaa BEENTA Maalin u sameeyay . Lkn sheekooyin Dhab u dhacay ayaa jira oo SHILAL iyo dhimasho , iyo FURIINBA sababay BEENTA 1 da APRIL awgeed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Khadija says:

    Waxan maqalnaa oo keliya maalinta beenta ee goormaa iyada la xusi doonaa maalinta runta aduunta kkkkkkkkkkkkk.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Haykal abdi says:

    maaalinta runta aduuunka waaa gooorma taaaas ayaan u dabaaldagayaaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Yusra luza says:

    Anaga hadan nahay islamka waxba nagama khuseyan malintan galada ayey khas u tahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Abu dahir-S-al-Qarmadiyi says:

    Been april ama Maalinta WAxmagarata”april fools day!”
    been waa xaaraan;
    waan ognahay in islaam ka oow Ogol yhay been la sheego WAA HADDII BEEN LAGAMA MAAR MAAN THAY, SIDA LAGA WARIYEY : ummu kulthuum bin cuqba… waxaa Qoraan xadith-kaan BUKHAARI IYO MUSLIM,
    KASOO naskiisu yahay: in eey Gabadhaasu maqashey Niga(صلعم) oo leh:beenu ma banaana ilaa SADEX ARIN MOOYEE:
    A) في ثلاث: تعني الحرب، والإصلاح بين الناس، وحديث الرجل امرأته، وحديث المرأة زوجها.
    1) Dagaal-ka xagisa in cadowga been loo sheego
    2) in dad-ka is qilaafsan oo wax kala galeen been loo kala sheego si eey u heshiiyaan.
    3) in NINKA NAAG TIISA OO BEEN KU SA SABO SI EEYSAN ISKU FURIN
    – IYO IN NAAGTUNINKEEDA BEEN KU SAB SABTO SI AAN LOO FURIN OO REER KU U DUMIN.
    -iNTAAS MOOYEE BEEN KALE ISLAAM WAA KU XARAAN.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. disowboy says:

    maalinta beenta aduunka ku lahaa! mala moodaa iney maalmaha kale run sheegaan, lol run ahaantii waa wax lala yaabo. gaalada waaba u caado beenta marka maanta oo kaliya ma ahane maalmaha sanadka oo dhan bay been sheegaan. tan dowlada iyo MP ay soomaalida u sheegeen in dacwada 1/jul/2012 la furayana waa misaal yar oo cadaynaya halka gaaladu been kagaareen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. raaxeye says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk eber waaye maalinta runtane waa goormeee llz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. umu hani says:

    kkkkkkkkkkkk gaalada 1 april ayeey ku shegen benta in la adegsan karo lkn anaga oo ah dad islaam ah qasatan soomaali malin waliba ayaan beeen shegna marka dacada laga hadlo mid qurbo ku nol iyo mid joga wadanki marka yan lala yabin adiga xita waxa taqano runtana waa lagama restan lkn intan la caynin dad kale anaga aan isku noqono waxii khalad ah ka rali ahada dhamantiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. Runsheeg says:

    Asc asxbta waxan idiin sheegayaa so dhan in ay been sheegto taasna waxa ku ogaan kartaan ayaan hayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Nuune says:

    Beentu waa xaaraan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Nuune says:

    Walaalayaal waxaan idiin sheegayaa inay beentu xaaraan tahay nabigu wuxuu yidhi s c w (i yyaakum wal kadib. . .)oo macnaheedu yahay waxaan idiinka digay beenta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Siikaawi says:

    Subxaanallaah walxamdulillaah wa laa ilaaha illa laah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. JOOOJ george afrax says:

    Beenta 1da April waa kaftan ee maahan mid leeyskaga dhabeeyo oo wax raad ah ku yeelan karta nolosha bani adam-ka, taal waxaan dhihi karna waa HUMOR— wax is ka fariid nimo ah! oo bulshadu ku mada daalato!
    — marka soomaalaay ha u qaa da nina waxa si eeynan aheeyn.
    Caalamka gaalada waxaa ku badan Run sheegga siiba DALAL-KA reer SCANDANEVIA, YAA igu diidi kara!? NORWAY OO KALE BEENTU WAA SHEEYGA UGU XU AA QOF LAGU EEDEEYN KARO.
    sweden waa saaso kale!?
    islaam-ka SADEX BEN OOW BANEEYEY SIDA KOR AAD KU QORTEEN,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. axmed says:

    jooj goerge ana kugu diidan taas gaalo waa kuwa ugu beenta badan adduunka ilahaybaana inoo sheegay in gaalo beenayaal yihiin.
    tusale gaaban waxa kugu filan wixi iswidhen ka dhacay doorashadii dhawayn iyo balanqaadadi iyo tii kale ee somalida ku adanayd.
    laakin xadiiska u fiirso macnihisa oo fahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Yusuf says:

    K.k.k.k.k gaalo wax an laga maqleynin malahan waayo danta ey kaleyihin waxa waayo in ay khilafaan islaamka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Gurey says:

    Kk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0