Bikrada la iibsato iyo waxtarkeeda

Dhaqaatiir u dashay dalkaasi Holland ayaa baaritaan ku sameeyay bikrada lagu sameeyo qaliinka oo sanadihii la soo dhaafay dumar badan oo ka soo jeeda Aasiya iyo bariga dhexe ay aad u dalbadeen.

Wadamada Aasiya sida India iyo Pakistan iyo xitaa wadamada carabta ayaa waxaa dhaqan ka ah in gabadha la guursado iyada oo bikro ah oo habeenka ugu horeeya ee loo tago uu dhiig ka yimaado. Haddii ay dhacdo in uusan dhiigu ka imaan ayaa gabadha loo qaadanayaa in aysan bikro ahayn taasoo gabadha iyo reerkeeda u keeni karto cawaaqib xumo aysan ka soo kabsan.

Si ay uga fogaataan sharaf dilkaas ayaa gabdho badan oo ku nool Yurub waxay sameeyaan in ay maraan qaliin dib loogu sameynayo bikrada. Dhaqaatiir ka tirsan hospital ku yaala Holland ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen 90 haween ah oo doonayay in qaliin lagu sameeyo bikrada dib loogu soo celinayo. Qaliinka ayaa ah in xuubka bikrada dib loo abuuro si marka gabadha loo tago uu xuubkaas u dilaaco oo sidaa dhiig ku yimaado.

Dhaqaatiirta ayaa kala bar haweenka waxay ka dhaadhiciyeen in ay iska dhaafaan qaliinka oo ay ku kolsoonaadaan nafsadooda maadaama cilmi baaris lagu ogaaday in kala bar haweenka bikrada ah uusanba dhiig ka imaan marka loo tago.

Gabar ka mid ah kuwii go’aansaday in ay maraan qaliinka oo ka halaysa sababta ka dambeysa in ay doorato qaliinka  ayaa uga warantahay Radio Netherlands.

“Dhaqankeena uma sheeki garo waalidkey in aanan bikro ahayn aniga oo aan la i guursan. Hooyaday ma noolaaneyso haddii aan taas u sheego. Waxaan sharaf dil u soo hoynayaa reerkeyga. Waxaan maray qaliin xuubka bikrada dib laygu sameynayo. Hada waan faraxsanahay nin wanaagsana waan helay balse sirta qaliinku waa mid aan waligay qarin doono”.

Xitaa waxaa kale oo soo baxay websiteyo internetka oo lagu iibiyo daawo keeneysa in gabadha dhiig ka yimaado marka loo tago oo ay isticmaaleyso daqiiqado ka hor inta aysan galmadu dhicin.

WAA CAJIIB. BAL KA WARAMA BIKRO LA IIBSANAYO? FIKRADIINA KU DARSADA…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Bashir abass says:

    Wa layab,waxan umalayn somali badan gabdhahoda inay kafaidaysan doonan,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 6

  2. POSITIVE MAN. says:

    tolow maxay laga faa idayaa dhiigas markaa ka imanaya waaba dhawace, anuu ma tageersani, lakiin sida dumarka lagu doorto waata dintu sheegtay de, markaa ku dooro gabadhada afartii nabigu sheegay NNKH, si aad uga baadbaado gabadh lagaga horeyey lolz.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. mr Aniga says:

    waxaan filayaa halka somalidu uu ugu jiro gudniinka fircooniga in iyagaguna ay arinkaasi u samasyteen
    nimanka somalida iyaguba ma jecla naag furan markaa aniga ahaan lama yaabayo aran kaas inaba waa samaynaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. ka gudubto says:

    manta qurbaha a la tagay somali nin ah maba kala jeclo bekro waa ma tahay sexy ma isoo dhadhameysaa haduu ciyaarteyda ka helo maxuu bakro ka donayaa mid akale imisa nagood ayaa lagaa sooa roosay mele algu tunto kadibna sexysigeed amrkii laag helayna la aroosay iwad sheekada hadnaa iwad sheekada .

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 8

  5. virgin lady says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 7

  6. Aqbaar suge says:

    Walahi waxa ku farxay gabdho badan balse xubintaas wayay qasatan gabdhaheena yurub kunool allow soo hanuuni .. Amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. somali says:

    ASC
    Anaga somali hadaan nahay diinteena wanaagsa ayuu dhaqankeenu ku saleysan yahay badi, dhaqamadaan qalafsana maba lihin waa carabtii jaahiliinta ahaa ee caadadu kala weynay diinta islamka waxa dhaqamadaan leh

    Gabdhaheena wanaagsan sidaas kama suurtowdo in ay dheel dheel ku dhiibaan canbar kooda wanaagsan kadibna is qalaan kama suurtowdo sadey aniga ila tahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. khadar says:

    asc dhaman asxaabta webka waxaan idin sheegayaa dad ka in ay lunsan yahiin waayo dumarka somalia iyo kan hada laga hadlayo isku mid mahan waxaa jira gabdhaha somalia waxay yahiin dhaman tood dad lagudo naag lagudey iyo naag aan lagudina waxaa udhaxeeya 2 farqi waayo dumarka asia waxay yahiin waa dad beeja qab ah bigrada hoose oo ilaah usamayay na waxay tahay ayaba iska yar waxay ku fur meysaa hal habeyn oo lootaga kuwa laguda na waxay qaa da taa ilaa week marka yaa laisku dalin dumarka somaliya na lagu soo mataal qadin dadkaas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Ali-burao says:

    waa sheeko cawaan maaha wax diin iyo dhaqan aynu uleeney inaga inama qusayso somali ahaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. rumeey says:

    sheekada bikro meeyba ma roosaa yaanan lagu isaalin dumarka carbeed adinkoo raali naga ah wan ka sharx badan nahay kana qiima bada nahay diina ku saleeysan tahay eeynu nahay ee naagaha jidh koda ka ganac sada yaan nagula mitaalin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. mataan says:

    yayaa xaa kusira xawaleey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. amiin says:

    KKKKK WAA CAJIIB

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ................ says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. hibo says:

    vergin lady balayoo ku qaaday kute all shabab i kufsaday dheh toloow ma iyadaa dhahday sas subxalahi see qalad aad adigaa gashay dad loo dul saraa …. anigaa wacaan dhihii lahaay gabdhaa inee dhoorsanatoo xumaantaa ka fogaato hadiiii bili adaam la siroo illah baan ka sirii kariin rag iyo dumarbaa xumaantaa ka foogada walalyaal ..asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. hibo says:

    vergin lady balayoo ku qaaday kute all shabab i kufsaday dheh toloow ma iyadaa dhahday sas subxalahi see qalad aad adigaa gashay dad loo dul saraa …. anigaa wacaan dhihii lahaay gabdhaa inee dhoorsanatoo xumaantaa ka fogaato ha xumaantaa ka foogada walalyaal ..asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. farabadane says:

    Arinkaa hadaan ka hadlo,anigu rayi ahaan waxaan qabaa gabadh waa tii alla hagaajiyaa,waxayna ku xirantahay hadba mujtamaca ay ku soo korto.dhowr arimood ayaa u sabab ah in gabadhu canbarkeeda oo ah shayga ugu qaalisan in ay hoos dhigto qof aan xalaalaysan.1.hadii ay la saaxiibto gabdho aan fiicnayn,2.aqoon daro,3.dhaqaale iyo nolol fiican raadis iyo waxii asagaa uu xirto adna xidho,4.iyo in ay isu dhiibto qof ay jeceshahay oo ka caqli badiyey oo jaakad bir ah u xidhey,hadhowna laadey.Waxaa jira wax buraash la yiraahdo oo isticmaala kuwa qaarkood,lkn buraasku wuxuu ku dambeeyaa biya dhaamis,kkkkkk.waxaa la yaab leh xubinta dareenka ma laha maxaa ku kalifey——— waa yaab,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0