Bilan Osman oo ku guuleysatay bilad

Bilan Osman oo ah gabar Soomaaliyeed oo si joogto ah wax uga qorta arimaha cunsuriyada iyo xuquuqda bani’aadamka ayaa ku guuleysatay bilada lagu magacaabo Elsa-priset iyadoo la siin doono 20 000kr. Bilan ayaa isbuuciiba mar mowduuc ku qorta bogga caanka ah ee Expressen, iyadoo sidoo kale macalin ka ah hay’ada Expo.

Bilada Elsa-priset ayaa waxaa bixiya urur lagu magacaabo Svenska kommittén mot antisemitism (SKMA) kaasoo ka shaqeeya hort istaaga naceybka ka dhanka ah yuhuuda. Ururka oo ka hadlaya sababta Bilan loo siiyay bilada ayay yiraahdeen “Anagoo eegayna sida xooga leh oo ay uga soo horjeesatay nuucyada cunsuriyada ee ka dhanka ah dadka Afrikaanka, Muslimiinta, romada, yuhuuda iyo dadka kale ayaa Bilan ay tahay cod xoog leh waqti ka hortaga cunsuriyda uu yahay mid aan waxtar lahayn” 

Bilan oo ka hadlaysa bilada la siiyay ayaa sheegtay in lacagta ay u isticmaali doonto in ay safar waxbarasho ku tagto xerada Auschwitz oo ku taala Poland taasoo ah goobtii uu Hitler ku gubay yuhuuda dagaalkii labaad ee aduunka

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. geeso riyaad says:

    Anagaa wax aragnay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. osman says:

    Waa war wanaagsan lkn fikrad ahaan waxaa qabaa in aad lacagtaas ku aado somaaliya o aad kuwacyo galisid kahortaga qsbiilka iyo gudniinka fircooniga iyo kufsiga gabdhaha mahadsanid ayaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0