Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa difaacay shuruuda ay Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida asagoo sheegay in ay shuruudaan darteed kaga hortageen ka ganacsiga dadka. "Waa in aan ka fikirnaa arinta ka gacansiga dadka inta aanan sharciga badalin" ayuu yiri Tobias Billström. Wasiirka ayaa sheegay in aysan arintu keliya ahayn Laanta Socdaalka ee xitaa Boolisku uu ku lug leeyahay, waxa uu sheegay in arintu aysan ahayn in laga hortago soo galootiga oo keliya balse ay tahay in laga hortago muqalasnimada iyo ka ganacsiga dadka. Billström ayaa qirtay in dadka Soomaalida ay ku adagtahay in ay baasaboor keenaan. Wasiirka ayaa sheegay in dowlada aysan wadan qorshe qarsoon oo ay ku diidantahay qaxootiga Soomaalida balse waxa uu sheegay ajandahooda uu yahay ka hortaga Ka gacansiga dadka. Wasiirka ayaa sheegay in aan xal fudud loo heli karin arintaan asagoo sheegay haddii la taageerayo xuquuqda caruurta in dowlada ay dhowrtay xuquuqdooda maadaama ay joojiyeen ka ganacsiga caruuta. Wasiirka ayaa marar badan ku celceliyay in shuruuda aqoonsiga ay u saareen si ay uga hor tagaan ka ganacsiga dadka qaasatan caruurta. Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jira in wasiirku uu si dhaba u aaminsanyahay in Soomaalidu ay ka gacansadaan caruurta oo ay iibiyaan caruurtooda iyo in uusan rabin qaxootiga Soomaalida ee ku soo badanaya Sweden.

Billström oo difaacay shuruuda baasaboorka

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa difaacay shuruuda ay Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida asagoo sheegay in ay shuruudaan darteed kaga hortageen ka ganacsiga dadka. “Waa in aan ka fikirnaa arinta ka gacansiga dadka inta aanan sharciga badalin” ayuu yiri Tobias Billström.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan arintu keliya ahayn Laanta Socdaalka ee xitaa Boolisku uu ku lug leeyahay, waxa uu sheegay in arintu aysan ahayn in laga hortago soo galootiga oo keliya balse ay tahay in laga hortago muqalasnimada iyo ka ganacsiga dadka.

Billström ayaa qirtay in dadka Soomaalida ay ku adagtahay in ay baasaboor keenaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada aysan wadan qorshe qarsoon oo ay ku diidantahay qaxootiga Soomaalida balse waxa uu sheegay ajandahooda uu yahay ka hortaga Ka gacansiga dadka. Wasiirka ayaa sheegay in aan xal fudud loo heli karin arintaan asagoo sheegay haddii la taageerayo xuquuqda caruurta in dowlada ay dhowrtay xuquuqdooda maadaama ay joojiyeen ka ganacsiga caruuta.

Wasiirka ayaa marar badan ku celceliyay in shuruuda aqoonsiga ay u saareen si ay uga hor tagaan ka ganacsiga dadka qaasatan caruurta. Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jira in wasiirku uu si dhaba u aaminsanyahay in Soomaalidu ay ka gacansadaan caruurta oo ay iibiyaan caruurtooda iyo in uusan rabin qaxootiga Soomaalida ee ku soo badanaya Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

42 Responses

  1. abdalle says:

    taa waa qalat ilmo lasoo gatey isku dhiig manaqdo iyo waalidka soo gatey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haa aad ayaan ula yaabanahay meesha uu ka keenay wasiirku in Soomaalidu ay caruurta iibsato. Waaba arin nagu cusub, balse waa mid uu markasta ka dhigtay hal qabsi.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Abdikarim says:

    Aawey marka warkii ahaa wasiirka socdaalka oo isha ku haya arimaha Soomaalida sow kan kaba sii daray oo sheegeyba in ay Dowladiisu ilaalisay arimaha ka ganacsiga caruurta, warkaas aad soo qorteena waa la idin kaga fadhiyaa meesha aad ka keenteen. Noqdana kuwa qora war sal iyo raad leh oo ha la jaan qaadinina Saxaafadda soomaalida oo ah jaantaa rogan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abdikarim says:

    Wasiirku waxa uu ku hadley arin xadgud ku ah dadka Soomaaliyeed waxaanba taaganahay naga qaada DNA text si loo xaqiijiyo caruurteena inaan dhalney.su,aashana inuu cadeeyo ayey ahayd inuu aaminsan yahay in Soomaalidu ka ganacsato caruurta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdulahi says:

    hadiiba wasiirka ku hadlaayo hadalkaas aan dhagta urooneyn ma waxey taladiisatahay in waalid iyo ilmahiisa kala maqnaadaan alloore ha iska dhaho aniga waxaan ka mid ahay xulufada cunsuriga taas ayaa uga roon inoo dhaho

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Jimcale says:

    Abdirakiim: anaga war iska qorno, wararkeena waa suganyihiin. Warkii hore waxaa noo sheegay la taliyihiisa xaga siyaasada. Waa uu qirsan yahay in xal ay u baahantahay arinta Soomaalida waana uu ku ceebeysan yahay marka waxay u muuqataa in uu marmarsiyo raadsanayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. khalid ahmed khalid says:

    arinntan uu wasiirka ka dhawaajiyey waxaad moodaa in uu Diyaar u yahey siduu sharciga u difaaci lahaa,, marka la gaaro 30 march ee loo balan san yahey arintan mideenta reeraha,, barlamaanka dalkaana inuu ku kala Qeyb samo ayaa macquul ah.. dhinaca kale Dowlada sweden aad ayey u shakisan tahey iyadoo arinta hada u wareejisey,, in caruurta iyo dad ka lagaa beecmushtaro ,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abu Zhuheybah says:

    Ninka eedeynaayo jimcaale waxaan dhihi lahaa, warku ha fiicnaado, ku qanac ama ha ku qancin ma aha wax uu isagu sameystey, warka aad ku faraxsaneedba waa rabtaye kan aad ka naxdey maxaa ugu eedeynee danjiraha is xilqaamey ee jimcaale,
    waad mahadsantahay sxb meeshaada ka sii wad dadaalkaaga, waxaan ka mid ahay aabayaasha ilamahooda laga hortaaganyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. khalid ahmed khalid says:

    i was shock when i read this bad news,, Balse maamulka iyo Go,aanka ugu dambeeyo iyo awooda inuusan laheen ninkaan timaha cad dhahaayo caruurta ayaa lagaa beecmushtaraa,, isagoo hadana Qirtey in soomaalida ay ku adag tahey passapor iney la yimadaan,, marka xaguu noo wadaa…. hadii barlamaanka uu u codeeyo 57% in la mideeyo reeraha intaas ayaa nugu filan.. wuu iska hadley wasiirka,, food cade ,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. khalid ahmed khalid says:

    Jimcaale eed malahan ,,, wuuna ku mahad san yahey marwalba warar ka uu noo soo gudbiyo Servise fiican uu noo Qabtaa,, Balse arintu maaha inuu jimcaale aad ka sugeysid war kaa farxiyo keliya… labadaba waa lugu tashtaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Gentleman says:

    Asc soomaliyey wasirka ma wuu shegay in isbadal u sameyn doona.lks arintan ka ganacsi waa run in horey ay u jirtay dad so geliya dad aysan dhalin.hada waxa lasim noqoneysa in Dna la iska qada,dad badan aya jira hada taas nafteeda ka cararaya.mida 2aad waxa haboon in jaaliyadaha somalida ay wasirka codsi u qoran inu dadka isku qalday.maxa yeelay wasirka cid u Dna ka qaday miya jirta oo been kuso baxaday.tan kale dadka daneynaya in wax loo qabta horta parlamanka ku hor mudaaharada muujiya shucurtina.maxad somaliska.com u eedayneysan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abdulahi says:

    war ninkaan aa iska joogo maxaad jimcaale ka,eedey hee adiga ra,yimakeentid hadii laguu keeno muran maaqabtaa walaalow hada xaaladaada dhaqan wax ka badal saxibow intaas waa iga talo tobias eedey lkn jimcaale nooga leexo jimcaale sxb bahda sharafte leh ayaa ku taageyrsan ee howsha noo wad ugaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. khalid ahmed khalid says:

    Abdulahi Qofka jimcaale eedeynaya fadlan magaca noo raaci si aan u wada fahano,, teeda kale wasiirka wuxuu iloowey iney jiraan waalidiin badan oo DNA laga Qaadey oo sax noqdey,, hadii wasiirku daacad ka tahey inuu xal loogu helo si loo kala saaro dadka leesku Qalday,, wuu keeni karaa hab sharciyeysan lugu kala bixin karo,, balse hadalkiisa waxaa ka muuqda mid uu san diyaar u aheen taas war war badan aan ku heynin..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. khalid ahmed khalid says:

    jimcaale sxb waxaan ku weydiinaa Brother waxaan maqlay tiro kooban oo waxaa jirta maxkamaha ay siiyeen ogolaanshaha ilaa iyo hadana wey socotaa oo waxey ku socotaa si dadban… maxaa ka leedahey arintaas jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Khalid: Waan maqlay arintaas, waxaan maqlay in ay jiraan in dad ogolaansho la siiyay balse aysan soo bixi karin maadaama shuruuda baasaboorka ay taagantahay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. C/raxman Macalin Dhere says:

    asc. jimcale. wasiirku hadalkiisa ah waxaan ilaa linaynaa ka ganacsiga caruurta iyo muqalisiinta haday sax tahay taasi maxaa keenay in la siiyo diimo waalid iyo caruurtiis ay ka qaadeen DNA. Aniga kamid ah dadka laga qaaday DNA ga ilmahayga oo sweden joogana waa laga qaaday. Waxayna igu jawaabeen masugna somaalinamadaadu. Any way wasiirku ama ilmaheena hanagula mideeyo sweden ama hanoosoo celsho ubadkeena .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. iqro says:

    asc wallaahi waan ka naxay qoraalkaan markii aan aqriyay wasiirka wuxuu raadinaayaa mar mar siyo caruur la gadanaayo xagee ku aragnay gentelman waa adiga dhahay waa sax caruurta waa la gataa .caruurta lama gadan ee waxaa lagu keenaayay waa soo korsaday taas micnaheeda maahan in ilmahaas la gatay gentelman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Hadi says:

    Asc dhamaan jimcale waan iden salamay walaalyaal arinta uu wasirka ka hadlay mahan goaan ka soo baxay dowlada sweden lakeen waxuu cadeeyay fikradisa ku aadan somalida waana quf aragtidisa dadaalo badan ayaa sucda waaxana muheem ah en aan sugno goaanka barlamanka uu garidono 30 bish marso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Abdikarim says:

    To:Jimcaale walaal waa ku fahmay mahadsanid,dadaalkiina Saxaafadeedna halkaa ka sii wada,waana idiin hanbalyeynayaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. sabriye says:

    asc dhamaan asxabta gaar ahan madaalaha webka somaliska.com mudane jimcale salaan kadib jimcale sxb waxan rabaa inan hal su.aal kuweydiiyo madaama aa noga xogogalsantahay arimahan sweden kajira ok su.ashayda waxa waaye madaama somalibadan lodiday iney rerahoda lamidoban rajana laga qabay in sharciga laanta socdalku wax uun kabadali doonto bilaha inagu so aadan hadana wasiirki dhamaa u sidaan u hadlay asago dhahay sababta shuruudan kentay wa human traffcking rajo intee leeg baa laga qabikara in wax la ogolaado ? Mahadsanid walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Sabriye: sida uu Hadi ka dhawaajiyay wasiirku fikradiisa ayuu ka hadlay balse rajadu aad ayay u fiicantahay,

      1. maxkamada Socdaalka ayaa laga filayaa goaan kaasoo laga yaabo in uu ka soo hormaro 30 bisha maarso.

      2. mida kale 30 bisha maarso baarlamaanka ayaa ka doodaya oo goaan ka gaaraya arinta Soomaalida, marka rajadu way fiicantahay. waxaana beryahaan si weyn uga war helay arinta Soomaalida shacabta iyo siyaasiyiinta guud ee Sweden.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. ismahaaan says:

    asc dhamaan aqyareey walahi aad uga xumahay horta aniwaka niyadjabay swedan awalbadhul gaalo aheeed ….
    halxal ayaa noo banaaan bada libiya yaa naga celinaaayo libiya iyada isheesato kkkkkkkkkkk walahi waan wareernay wee nagu dheldhelayaaandaadma qadeenomee afcad noo dhahaaaaan waleee yaabwaaaye ilaahow adaa raxmaaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Massago says:

    A/C. Hadalka Tabias ula jeedkisa waxaa waaye caruur lasoo gadto oo wa dhalay lagu keeno wadanka sida koriska iwm ama dadka aan is qabin ee ways qabnaa isku keeno Airland somagarin ee intey aden ee 2 biri kadib hadeey Axado ehed Jimco lagu dhiibo 10 cunug iyo nina loo qoro isbada mariskaas ayow kahadlaa ninku e fahma warka muga see loga bixi karaa waaye muga su,aashu?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. cabdirahman guure ciire says:

    asc marka hore waan idin salaaamay aqristayaasha boggan asc wb salan kadib wxaan rajaynayaa in wax walba hagaagi doonan wax walbana alaah subxanah uu yiraahdo ayay qabsooman marka taa yaan la iloobin wasiirku maxuu go,aamikaryaa runti waxan rajaynayaa inay hagaagidoonta waqti dhaw hagaagidoonaan ., intaas kadib jinacale ninka layiraahdo masha alah waa nin fcn oo mudan mahadsanid sida hufan ee aad uga shaafinaysid suaalaha lagu waydinayo ugu danbayn waa idin salamay sxbada boggan ascwwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Abshir says:

    Asalaamu Caleykum, Run ahaantii waa inaan ogaanaa in uu Wadankan Sweden uu Anuunka na keenin nana irsaaqin, wax walbo ilaah ayaa ku caalim ah , hadii aan u soo laabto Hadalka wasiirka Runtii isma laha hadalada ay ku hadlaan dadka siyaasiyiinta iyo dadka shacabka caadiga ah, Marna haka filin qof siyaasi ah inuu qaladkiisa qirto, Dawladana Arintaan way nagu tijaabiyeen heerkana inay gaareyso ma aysan fileynin . Hada dhibaatada Soomaalida way soo shaac baxday waxayna mareysaa meel fiican, wayna ogyihiin in arintu ay tahay ” MOMENT 22″ oo ah ijiid aan ku jiido, Marka sheekada gebogebo waye, Inshaa alaah xaqeynana Ilaah ayaa nooga soo qaadaayo. Waxa uu ku marmarsiyoonaayona waa wax jira oo waan is naqaan Anaga ka Soomaali ahaan. Marka Qeyrka uun haloo badiyo inshaa alaah, dadaalka idaacadaha iyo telefeshinadana aan sii wadno yaanan aamusin yaana la cabsanin sababta oo ah waxaan nahay dad xuquuqdooda u doodaaya oo keliay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. ahmed says:

    ASC waxaan rabaa inaan iraahdo jimcaale aad baad u mahasan tahay waana sida loo baahan yahay in runta wax laga sheego.
    Qofka eedeynaayana waxaan dhihi lahaa jimcaale ma ahan dowlada ee waa qof u daneynaayo dadkiisa
    shaqo wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Qasinkarin says:

    Walalayalow horta arinka wasirka wa war siyasadeysan marka hordhac iyo niyad jab lama rabo intas kadib somalida sweden aya iska jifta oo jamac iyo somaliska war kasuga plz mesha wax qabta waxaan lashaqeysan lama cuno bananbaxyo sameya kulamo qata why? Marka dadala plz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. cade says:

    sax weeye aniga ayaa leeygu keenay bee shankun ayaa dhiibay naag ayaa i soo waday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. yusuf abdi says:

    wasiirka socdaalka hadalkii kasoo yeeray waa dameer iska ciyay balse warkiisa loo joojinmaayo arimaha soomaalida waxaan ka warsugeynaa 30ka bisha marso natiijada kasoo baxda barlamaanka dadka reerahooda ka maqan waxaan u sheegayaa ma jiro soomaali caruur ka ganacsato waad ogtihiin maaha arintaas dhaqankeena marka dadka yeeysan ka qalbi jabin arimaha aan sugeyno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Magacaaga...ali madeey says:

    soomaalida waxbadan ayeey dhibka haysto u adkeysteen markaan waxaan ku talin lahaa inta dhimana ineey adkeystaan. waxaan la yaabanahay waxa soomaalida ku adkeeyay in basaboor lagu xiro. hadana waxaa arintaas kasii daran maalinba maalinta ka danbeyso waxaa loo fasiraa siyaabo kala duwan basabor ayeey taagneeyd hadda waxeey taagan tahay somalida carurta ayeey ka ganacsadaan.waa yabka yaabkiisa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. ahmed says:

    to cade kan oo kale aa sheeganaayo somali waxaan ku lee yahay noo daa mageceena qaaliga ah waxa wasiirka wararka noocaas ugudbiyo waa adi wixii kula mid ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. anwar siciid says:

    aad ayaan kuu salaamayaajimcaalewaayo waxaadtahay nin ka kaliyeee marwalba nala soo socod siiyawararka midayaan kuwaydiinayaa jimcaale malagayaabaaarin kan sawiirku ka dhawaajiyay inay dadaalada somaalidahakiso waayo waawasiirkii dhamaaee socdaalka waayo waxaan hadaladiisa ka dhadhamayain aanu ogolayn soomaali wadan kiisa timaadawaayo sheekadii baasaboorka badal
    wuxuu ubadalay in ciyaalkalaga ganacsado marna madhacayso kaganacsiga ciyaalkawaayo waxaajirta midkale ooah in ay dadkaqaarkood kusoo kexeeyaan ciyaal ay yirahdeen anaasoo kor saday laakiin madhACAYSO ciyaalo laiib sado subxaanalaah mid kaleayaakuwaydiinayaa waxaan maqlay maxkamadu dadayay siinaysaafiisayaal taasna maxaa kajira waad mahadsan tahay walaal keen madaalaha ee aan marna naga caajisa nin jimcaale waxaawanaagsan in ay bilad sharaf iyo hawl karnimo lagusiiyo waayo waxaad tahay daacadqofkiidaacadana waligii wuu liibaanaa waad mahadsan tahay waanan kuu sooducaynayaaiinshaa alaah khayr ayaan kugu ogahay ascwrwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. najma says:

    asc jimcaale aad iyo aad ayaa uu mahadsan tahay.insha alaah sidi an rabnay ayey noqonayaan wax kaasta.waxaa shar lo maleyo ayaa maraarka qarkoda qeyr noqdan.ilahey hanoga dhigo qeyr.somalina meelkaasta ay jogta haa ka dhigo.kuwi isku naxariisto.waxaa kale leyahay walidiinta caruurta ka maqan yihiin.insha alaah caruurtina.waad is heleysan,ee samarka badiya.anigana waxaa alle ka baryaya.ino odaygeyga ii keno..ile caruur aabe la.aan laguma koriin karo yurube

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Rooble says:

    asc
    horta dhamaan dadka akristayaasha ah iyo mudane jumaacle
    salankadib

    waxaa moodaa dhamantiin inaa ka fakaraysan caruurta iyo diidmadooda lkn maxaa isku waydiin waydeen war ninkaan waxa uu istahilaa in maxkamad lala fuulo oo dabiga wayn oo uu galay lagu ciqaabo

    waxaad xasuusatan in hadalkaan uu yahay mid meel fog garaya oo aan ku ekeen afka ninkaan waxaa nagu sifoobay in aan nahay tuugo ka ganacsada caruurta see surta galku tahay qof in uu gado oo lacag siisto ilmihiisa

    anagu waxaan nahay dad muslim ah oo dhaqan leh waa in ninkaan lala fuulo maxkamad calamiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. faadil khaliif says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxee rabaan ayey n shegayaan lkn waan arkeena meshii ay wax ku dambeyaan hadi la dhiman lkn horay uma arag somali caruur toda gadanayo lkn baahi way u adkesan karan mahe caruur magadano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. wax i waydii says:

    ASC ALL, INTA KA DIB WAXAA XUSID MUDAN IN LAYSKU KHALDAYO SIFAHA AAN SHARCIGA AHAYN EE LAYSU SOOGELIYO WADAN KA SWEDEN EE AY U BADANTAHAY SOMALIDU IYO CIRAAQI YIINTU TASO AH IN QOFKU QOF AANU WAX ISQABITAAN AH KA DHEXEEN AY ISO SOOGUURSADAAN KA DIBNA AY ISKEENAN WADAN KAN AYNU JOOGNO EE SVERIGE.HADABA ANIGU WAXAN AAMIN SANAHAY IN TAAS LO SHEEGAY WAXDA QABILSAN SOCDALKA(MIGRATIONSVERKET) OO AY U SHEEGEEN SOOMAALIDA DACADA U AH DAWLADA SWEDEN EE AAN ILAHAY KA BAQAYNIN EE WELIBA CAJALADA FASILA EE TAASOO DADBADAN NAGATIVE AY KU HELAAN MARKAY SHEEGAAN IN AANAY AHAYN MEESHII AY SHARCIGA KU HELI LAHAYEEN.AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN DHAMAAN MAMULKA SOMALISKA.COM SIDA AAN UUGU HEELANTIHIIN ARIMHA SOMALIDA AN DHEXGALKA BADAN LAHAYN KANA WARKA HAYNIN WADAN AY KU NOOLYIHIIN,IN AAD WAXKASTOO SOO KORDHA AD LA SOCOD SIISAAN MARLABAAD AYAN IDINKU HANBALYEYNAYA, TACK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. najma says:

    asc walaal jimcaale waxaan raba inaa ku suaalo adigoo rali iga ah maxay kulatahay warkan wasiirka kasoo baxay inay kunoqon doonto somalida hadana sabab kala mise raajo aya jirto walaal mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Najma hadalka wasiirka waxaa ka soo wareegay waqti, waxaa ka dambeeyay heshiiska ay gaareen xisbiyada dowlada kaasoo lagu heshiiyay in wax laga qabto mideynta reeraha oo DNA laga qaado dadka waloow aan wali goaanka ugu dambeeya la gaarin. Marka rajada way fiicantahay insha Allah bishaan dhamaadkeeda ayaan filaynaa war fiican.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. asc wr wb wallo says:

    jimcale wallo wan ku salamay waxaan donaya inan ku weydiyo sweden hada hadii ey dadkii ogaladeen ma wadi karan qof ey soo korsadeen jawab baan ka sugaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. asc wr wb says:

    jimcali waxaan ka hilmamay ma wadi kara wiil an u ahay ayeeyo oo ey dhashay gabadheyda oo dhimatay ma la iga ogalyahay wallo jawab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. najma says:

    asc jimcaale walaal suaal walaal waxan maqlay in goaanki wali la gariin o lagari doono bisha 5aad 4teeda ee walaal ruun miya mise waiska hadal walaal jawaab ayan ka sugaya adiigoo rali iga ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0