Björn Söder oo la dacweeyay ka dib markii uu Islaamka wax ka sheegay

Afhayeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden Björn Söder oo ka tirsan xisbiga SD ayaa ka dib weerarkii Paris boggiisa Facebook ku qoray fariin uu kaga hadlayo dhacdadaas isagoo hadalkiisa ku soo koobay “Diintii nabada ayaa muujisay wajigeeda dhabta ah” taasoo uu ula jeeday in Islaamku ka dambeeyo weerarkii lagu qaaday shaqaalaha Wargeyska ka soo baxa Paris ee Charlie Hebdo. Hadalkaas ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta Sweden, iyadoo lagu tilmaamay mid uu masuuliyada weerarkaas dusha uga saarayo Muslimiinta.

Söder oo lagu yaqaano in uu yahay nin cunsuri ah oo aad u neceb Islaamka, ayaa sanadkii hore noqday afhayeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden. Ka dib hadalka uu ku qoray Facebook ayaa waxaa dacwad boolis ka gudbiyay Veronica Palm oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga Socialdemokraterna (S) ugu jira baarlamaanka. Veronica ayaa dacwadeeda ku salaysan waxa loo yaqaan “Hets mot folkgrupp” oo ah naceyb ka dhan qoymiyad.

Ka dib weerarkii doraad ka dhacay Paris ayaa cabsi weyn la soo daristay Muslimiinta ka nool daafaha Yurub, iyadoo laga cabsi qabo in cunsuriyiintu ay ka aargoostaan Muslimiinta aan waxba galabsan ee ku nool qaarada Yurub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Farhiya says:

    Alle ayaan ka magen galneey galada iyo dhibatadoda eey musliminta ku hayan iyo islam necebka qasatan yurub. dadkana oo is qarxinayo oo dhibatada musliminta u so jediidayo. illaahow naag qabo ayakana adaa awood lehe.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  2. luul says:

    asc
    waxan leyahay colaada alle ha dajiyo nabada dadka ayey deeqdaa mida kale dadkan leh dimaqoradi ayan heysanaa dimaqoradiyada ma wax dadka qaar lagu dulminayaa waxkasta oo ey sameeyaanba ma aha in ey diimaha fara gashtaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. sucaad nasir says:

    alle hanaga qabto galaada dhib iyo dagaalka ey ku hayaan muslimiinta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1