Booliska oo ka digay burcada wadooyinka

32

Maalmahaan waxaa Sweden ku soo batay dad lagu sheegay in ay yihiin shufto oo wadooyinka waaweyn laga sheegay. Dadkaan ayaa boolisku ku sheegeen in ay yihiin burcad dadka wadooyinka u istaagaya ka dibna sidaas ku qiyaanaya ama baaranaya. Booliska ayaa ka digay in aad u istaagto dad aadan aqoon.

Warbixinada ayaa sheegaya in burcadaan ay isku raacaan labo baabuur iyagoo wadooyinka istaagaya isla markaana iska dhigaya in ay yihiin kuwo u baahan caawimaad balse markii aad istaagto ayay kuu soo bandhigayaan in aad shidaal u shubto oo sidaasi ay dahab kugu siinayaan ama waxyaabo kale, qaar ayaa la sheegay in xitaa ay tuugonimo caadi ah kula kacayaan dadka u istaaga.  Qaar ayaa la sheegay xitaa in ay wadada bartamaheeda istaagayaan oo ay adagtahay si aad u dhaafto.

Burcadaan ayaa la sheegay in ay booliska ku adkaatay in ay gacanta ku dhigaan, iyagoo ka qaraabanayaa wadooyinka waaweyn oo xawaarahooda sareeyo isla markaana u kala gooshaya daafaha Sweden balse inta badan ayaa laga sheegay koonfurta Sweden. Booliska ayaa sheegay in ay yihiin burcad ka timid wadamo kale oo qaarada Yurub ka tirsan.

Hadaba ha laga digtoonaado shuftada!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here