Booliska oo loo furayo faraha magangalyo doonka iyo dadka visada ku soo galay Sweden

Ka bilaabata 20 bisha July ee sanadkaan ayaa guud ahaan booliska Midowga Yurub waxaa loo furayaa in ay baaritaan ku sameeyaan faraha laga qaaday magangalyo doonka iyo dadka visada ka dalbaday wadamada Yurub. Faraha oo horay ay u isticmaali jireen Hay’adaha socdaalka sida Migrationsverket ayaa hada booliska loo fasaxayaa in ay isticmaalaan haddii ay baaritaan ku samaynayo arimo la xiriira dambiyada sida argagixasada sida ay shaacisay EKOT.

Isbedalkaan ayaa imaanaya ka dib go’aan ka soo baxay midowga Yurub. Dadka qaar ayaa walwal ka qaba in haddii booliska loo fasaxo baaritaanka faraha in meel looga dhaco xuquuqda dadka magan galyo doonka ah balse Booliska ayaa cadeeyay in ay arintaan u isticmaali doonaan arimaha la xiriira baaritaanada dambiyada oo keliya. Kaydka faraha oo loo yaqaan Eurodac ayaa waxaa ku jira ilaa 400 000 qof farahooda, kuwaasoo la keydinayo ilaa 10 sano. Booliska ayaa sidoo kale loo fasaxayaa in ay baaritaan ku sameeyaan faraha laga qaaday dhamaan dadka ka soo jeeda wadamada ka baxsan EU-da ee visada ka dalbaday wadamada EU. Dadkaas ayaa waxaa ku jira xitaa kuwa lagu keenay qaraabada ee lala mideeyay familkooda.

Booliska ayaa hadaba heli doona aalado cusub oo ay baaritaanada ku sameeyaan si degdeg ah guud ahaan 28 wadan ka ee ka tirsan EU-da balse dadka faraha laga qaaday ayay walwal ku abuuri doontaa in farahooda boolisku ay akhrisan doonaan oo isticmaali doonaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ayan says:

    dadkii jabutiyanka ag iyo kenyanka etobiyanka ee somalida shegtay ayaa gacan lagu dhigayaa miyaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. Oscar says:

    waan ku farax sana hay in la ka la saaro faroole viso ku gal dhaman. …shaqo wacan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. Hajiga says:

    Ar maaahane waa hada Kadib saameynta haday yeelaneyso howshan ee maahan in QOF jabuuti iyo kenya midna u dhashaye waa dadka Africa kasoi qaata Visaha Hadana wadankale iskadhiiiba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Ayub says:

    Asc walalayl waxan rabaa inad arin iga jahil bixisaan suasha dadka laga keeno xeroyika qooxotiga o ay Sweden ay so codsato o UNHCR keeento pasaborka waayn ma 5sno ayeey ku qadaanayan mise sidaa daaadka isaso dibo ayey 8sano ku qaaatan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Asc
    Waxaan ahey wiil da’ yar oo jooga Switzerland iskuna dhiibey 15 jir waxn jogaa laba bilood swizka
    Waxaan rabaa Ina an Sweden imaado
    Marka ila taliya walalayaal sidaan Uga badbaadi lahaa in ay Sweden iso celiso jawaabtu waa xagiina

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Qalanjo says:

    Asc all somali Mahamed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Qalanjo says:

    Su aal baritanka ma wuxu quseyah dedkii hore ee faraha dhigtay mise kuwa hada kadib dhiganayo? ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1