Booliska oo muujiyay qiimaha Soomaalida Sweden

Booliska Sweden ayaa shaaciyay in ay xireen baaritaankii lagu haayay xilbaanada Amineh Kakabaveh ee faafisay filim daacad ku ah Soomaalida. Sababta ay boolisku u xireen dacwadaan ayaa ah mid runtii aad looga caroodo isla markaana muujinaysa qiimaha ay ku fadhiyaan Soomaalida ku nool Sweden.

Dambi-baaraha qaabilsanaa dacwadaan ayaa sheegay in boolisku ay internet-ka waayeen muuqaalkii dacaayada ahaa oo horay loogu daabacay Youtube. Filimkaasi ayaa u muuqda mid laga tiray Youtube balse in boolisku ku sheegaan in ay waayeen filimka oo sidaasi ay dacwada u xiraan ayaa ah mid aan la aqbali karin isla markaana aflagaado ku ah Soomaalida.

Haddii ay doonayaan waxay xiriir la samayn karaan Youtube oo dib u soo celinta karta muuqaalka balse hadalka booliska ayaa muujinaya in dacwada Soomaalidu aysan qiimo badan ku fadhin, isla markaana aysan soomaalidu ahayn dad sidaa muhiim u ah.

Booliska ayaa sheegay in muddo dheer ay qaadanayso in Youtube ay soo celiso muuqaalka oo taasi ay tahay waqti dhumis. Waxay intaasi ku dareen in haddii qof kale uu muuqaalka soo arko in booliska u soo bandhigo oo dib dacwada dib loo furi doono.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Somali/svenska says:

    Aniga aya muqalka so dajiyay, wan baari dona hadiba dacwadu ku xiranty muqalka o la helo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 2

  2. Mohamed says:

    Muuqaalka waa lahayaa haday dhabtahay arintaasi

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  3. jeey says:

    Waa iska sheeko. Uma maleynaayo muqaalkii lawaayay dartiis in keeska loxiray. Tan labaad xisbigii ee katirsaneyd naagtaan waxba meeysan kaqabanin arinka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Ibrahim says:

    Muuqaalkaas Anigaa haya cida u baahan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Assalaamu caleykum. Salaan kadddib, haddii ay dhab tahey arrintaan maxaa lagudboon Somalida ku nool Sweden? Ma qabtaan in laga guuro ama is badal lagu sameeyo jirintaankeena? Is badal marka aan leeyahey Awaale waxaa uu soo qorey qiimaha Somalida Sweden ayey muujineysaa. Marka sidee ayaa wax looga badali karaa Soomaalida Sweden? Taas ayaan umaleynayaa iney muhiim inoo tahey ee aanan ku mashquulin flim-kaan. Suurta gal matahey in lamideeyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed ee Sweden?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. iimaan says:

    Asc walaalayaal arintan waa arin haysata soomaalida meel kasta oo ay joogaan sababtuna waxaa ugu muhiimsan aragtidayda labo arimio 1-soomaalida oo ah dad qabyaaladi kala fogaysay oo iyagu isku maqan midnimo la aantaa waxay keenaysaa in dantoodii guud iyi middii gaarka ahaydba ay waayaan wac difaaca 2- soomaalida ma ahan dad ku kalsoon inay sharciga dalka ka jira xuquuqdooda ku dhacsan karaan amaba haddii aan si kale u dhigo hanti uu quura inay si sharci ah xaqooda ku dhacsadaan sida inay yeeshaan looyar udooda xaqooda haddii aadan xaqaaga si sharciya u difaacan karin cid kuu difaacdana aadan hanti ku bixinayn weligaa xaqaagu wuxuu noqonayaa mid la duudsiyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Saafi says:

    asc aniga waxa qabo dacwadaan hala wado hadan somali nahaay yaalaga hariin wayo boliiska hadey didaan inay wadan oo dhahaan waaxirnaay waxaan dacoowda lageen kara marlasb iyadii oo cusuub boliiski hadan markeey kuso noqoto waxeey deremayinaan laga hariin.wana bilaawayan hadana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. baashi cade says:

    Asc soomaliyeey runta isu sheeg been xiyo war ayaad meesha kuhaaysaan waayo majirto cid hor tagikarto policeka ruuxkasta war aan waxtarayn ayuu hayaa yaa tuusikaro police waxa aad sheegaysaan runta waa maya afarta numbar ayaad modaan waxaan lahelikarin waad labaqaysaan car yaa rag ah oo policeka tusinkaro muqqalka beenta kadaaya websideka iyo faatadhahda aad qoraysaan kalsoni nafta ah ayaa naga maqan dhamaanteen haday somali aHaa laheed naagtaa cidkasta way kudag dagilaheed xaqiiqdi mana laga hareen dadkaan uliidanaa dadnimadii damiirkii xita waa burburay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. baashi cade says:

    In comment laqoro waxbo masoo kordhinayso facil ayaa loobaahanyahay moyee hadal badan haaan mabuuxsho kurdiga xitaa soomalida ungul elatareya ayaa difaacayso islaantaan dhuuban waxay nagu haysato waa diinta aan haysano yaa fahmikaro gowso abeeso heestay kaxiriiraan taa hakaaga filaaat o Mar aan dadnimo isgalino walalayaal hadalka bilaa ficiilka iskadaaya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. War qiiro jabaanka iska daaya oo ogaada in aad tihiin somali. Somalidu nin macal naag sowmaaha tan meel walbo qabiilka la taagan ee kala faquuqan ee anan isku xerneen. Waxaan dhihi lahaa somalida ayadaa is bahdishay kuna lumisay sharafteeda qabiil dartiis, ee yaanan lees wareeerin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0