Booliska Stockholm oo joojiyay ugaarsiga soo galootiga

Booliska Stockholm ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan mashruuc ay wadeen bilihii ugu dambeeyay oo ay dadka polissoo galootiga ah ku waydiinayaan aqoonsigooda si ay u soo qabteen dadka sharci darada ku jooga Sweden.

Mashruucaan oo loogu magacdaray Reva ayaa dhaliyay cambaareyn balaaran oo loo jeediyay booliska, ka dib markii la ogaaday in ay beegsanayaan dadka madoow iyo dadka kale ee u eg soo galootiga. Booliska ayaa hada ku dhawaaqay in mashruucaan uu ahaa mid aan weyneyn isla markaana uu noqday mid hadalkiisa batay. Sidaa darteed ayay sheegeen in la joojinayo hawlahaas.

Bilhii la soo dhaafay ayaa la arkay booliska oo dadka soo galootiga ah aqoonsi ku weydiinaya goobaha tareenada. Waxaa kale oo soo baxday in dadka ay joojiyeen inta badan ay noqdeen kuwo wadanka sharci ku leh, arintaas oo fashil ku keentay hawlihii booliska.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo xitaa wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa cambaareeyay arimaha ay ku dhaqaaqeen booliska.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. mohamed says:

    waa arin fiican in la joojiyo waana taageersanahay sidaa thank you jicaale

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. cadde says:

    Asc
    waa arrin wanagsan waliba lagu farxo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. C/risaaq says:

    Good news!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. somali citizen says:

    in la joojiyo ma aheen xataa kuwa sharciga dhalashada haysto in laga jeexjexo oo muqdisho, hargeisa iyo djaboutiba lagu celiyo ayay ahayd dadkan dalkodii ayaa u bahan dalkallena way isku dhajinayan yaab, dad idinkoo kalaa ayaa dalkan dhistay ee waxba ha isku dhajininee ordoo berihiina qota oo dalkiina dhista

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

    • Mr Tapha says:

      xaq ayad ku hadashay, lakin laguma diidin inad horomarkodaa wax kaa qadato od dalkagi kula laamato.
      markastaba dalkaga ayunba wax lagu yahay

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Sam says:

      @somali citizen.
      hadii ay daacad kaa tahay waa arin aad u fiican lakin hadi kale aad iska hadlayso waxaa aad u fiican inaad adiga bilowdo oo tusaale fiican noqoto tustana dadka wadaniyada waxay tahay.
      lakin Sweden aan joogaa waxaan rabaa soo qoraa wax ilbaxnimo ah maahan

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Waaberi says:

    Adiga maxaa kaa. Reebey hadey dhab kaa tahey,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. somali citizen says:

    aniga maba joogo sweden wadankaygii aan joogaa qaxoontina ma ahi, wadadana bolice iima istaago oo layguma waydiiyo sharci intiinaa dalka ka maqan waan idinka marmi karnaa kaliya uun dhaqan xumida ad kasoo barateen wadamadaa galada ha noola imanina oo dadka ha naga baabiinina halkinaa jooga swedeshna noqda anagaa wadanka u maqan soona gaadhsiin doono halkaa qaxoontiga aad ku tihiin wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0