Booliska Stockholm oo ku fashilmay joojinta rabshadaha ka socda magaalada

Xaafadaha ay u badanyihiin soo galootiga ee ka tirsan Stockholm ayaa habeenkii 5-aad waxaa ka dhacay rabshado lagu gubay rinkebyiskuulo, saldhigyo boolis iyo baabuur ka badan 15. Rabshadaha oo bilowday Isbuucii la soo dhaafay ayaa ku faafay daafaha Stockholm iyadoo xaafado badan ay dagaalo joogto ah ku dhexmareen booliska iyo kuwa rabshadaha samaynaya.

Booliska ayaa isugu habarwacday joojinta rabshada balse waxaa muuqata in aysan ku guuleysan arintaas, iyadoo dhalinyarada dambiilayaasha ah ay booliska la ciyaarayaan bisad iyo dooli. Sababta ka dambaysa rabshada ayaa lagu sheegay dil ay boolisku u geysteen nin oday ah oo bishaan bilowgeedii lagu dilay xaafada Husby.

Dhinaca kale ayaa siyaasiyiinta iyo dadka qaar ay leeyihiin waxaa ka dambeeya shaqo la’aanta iyo kala qeybsanaanta bulshada ee ka jidha xaafadaas. Cunsuriyiinta ayaa sheegay in ay sababtu tahay dadkaan aan ilbaxa ahayn ee soo galootiga ah kuwaasoo wadamadooda soo gubay hadana Sweden ka bilaabay qarbudaad.

Si kastaba ha ahaatee, ficilada ay u kacayaan dadkaan lagu sheegayo dhalinyarada ayaa ah kuwo aad looga caroodo iyadoo ay muhiimtahay dadka ku nool xaafadaha soo galootiga, sida Husby, Rinkeby, Tensta, Hjulsta iyo kuwa la mid ah in ay meel cad uga soo jeestaan ficiladaan dambiile nimada ah ee lagu waxyeelaynayo xasiloonada wadanka.

Dhacdooyinka ka dhacaya Stockholm ayaa dhaawac weyn u geysatay muuqaalka Sweden ee caalamku ku aaminsanyahay wadankaan, iyadoo warbaahinta caalamku ay ku soo qulqulayaan Stockholm.

Hadaba sidee lagu joojin karaa rabshada? Maxaa talo ah ama fikrado aad ku darsanaysaa ? Maxay kula tahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa rabshadaha ka socda Stockholm?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. ahmed says:

    sababta dhabta ah ee ka damaysah waa shaqo la,aan iyoh cunsuriyad ay dhalanyarada kala kulmeen suuqa shaqada swedan oo ah meel aad lagu cunsuriyeeyoh ajnabiga ku nool swedan waxaa lagu xalin karaa in dhalanyarada shaqo loo sameeyoh waayoh qaarkood 15 sano ilaa 20 sano ayay wax soo baranayeen waxaynah u baahanyihiin shaqo asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. ugaas yare says:

    walaahi dhiwaato waaye rabashadaan lkiin hala is joojiyo rabashada ma fiicno .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. abdinaser says:

    aniga walale waxaan joogaa sweden 3 sano , sista [ret baan ku jiraa schoolka , markaan imi sweden wax ma soo baran , luuqadda 6bilood baan ku dhameeyey walooy igu raagtay oo swidhishku igu adkaa , waan shaqeeyaa oo boende dadka soo galeetiga baan ka shaqeeeyaa bishii 30000kr baan qaataa alxamdulilah , somalida iyadaan dadaalin , Somalidu waa cunsuriyiin , anigu gabooye ahaan ima raacaan aniga markaas gaalka saan ula socday ayaan faaidaystay, , muqdisho guri aan rabaa inaan ka dhisto , ee Somaliyeey ka kaca hurdada cunsurinimo ma jirtee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 2

  4. khalid says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  5. yusuf somali says:

    Asc dhamaan umada islaamka ah qaasatan kuwa soomaaliyeed Arinka hadii aan kala qaadno Rabshada waxa dhigayo maahan soo galootiga oo dhan sweden ajaanib aad u badan baa dagan waxa rabshada wado waa dadka islaamka ah hadii aan runta ka hadalno waana carabta ,,,iranta,,somalida waayo ma arkeesid Eretiryaan ama Gambian ama Thailand wax gubayo ani ahaan waxaan qabaa in dadkaas ay ahaayaan dad la soo cadaadin jiray sida syria waxaa heestay kaligiis taliye Asad iran waxaa heesto kaligiis taliye,,somalia waa dad ku soo koray rabshado mana yaqaanan dantooda inta badan dadka dhahayo sweden dadka bee cunsuriyeesa bal fiirsha sweden waa na soo dhaweesay waxay na siisay waxan cuno waxay na siiyay meel aan dagno iyo wax barasho marka maxaan ugu badalnaa inaan gubno guryaheena iyo hantideena ani ahaan waxaan leeyahay qofkii ka weyn 18 waa in ula dhaqantaa dowlada sida usa oo kale oo qofka loo masaafuriyaa wadanka uu asal ahaan ka soo jedo waxaa soo haray kan ka yar 18 waa in ciqaab xabsi ah ugu yaraan 5sano lagu haayaa si kale ma ku joogsan karaan rabshadana waxaa wado waa koox ka ganacsata Daroogada ilmaha soomaaliyeed ee halkaan ku dhashay iyo kuwii ayaga oo yaraa la keenay baa la wada baray ayaga ayaana iibsha been ma sheegayo indhaheega baan ku arkay walaahi aad baan u naxay markaan arkay ilma aad u da yar ka ganacsanayo daroogo maxaa laga filan karaa kaas iyo waxii u dhalo inuu ka shaqeeyo dan islam iyo mid somalinimo mida kale dhanka shaqada hadii aan u soo laabto sweden qofkii dadaalaa oo luqada bartaa oo ka soo baxo baratiga loo diro oo muujiyaa sabar iyo inuu waqtiga alaaliya waa uu helayaa shaqo ha dhawaato ama ha dheeraatee walaalayaa shaqada guryaha ma noogu imaaneeso hala dadaalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. yusuf says:

    asc dhamaan asaxaabta.Aniga fikir ahaan waxaan qabaa in dhamaan soomaalida ku nool wadanka sweden yar iyo weeyn ay faraha kala baxaan dhibaatada iyo rabshadaha wadanka ka socdo. Arintan soctoto waa inaan muujinaa inaan ka xunahay oo aan dhignaa banaanbax aan uga soo horjeedno. Walalayaal ma wanaagsano Dudun inaan dugsano hadana aan dareensano. waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Amin says:

    Anigu waxan qabaa nimadka iyo systemka wadanka ayaa ogol rabshadaha in wax laga qabtaa aad bay u fududahay oo bolisku ma owoodi waayin in uu kuwa rabshadaha wada ee gangiska ah gacanta ku dhigo xaaladana caadi kusoo celiyo lakiin systemka wadanka ayaa ilaalinaya danbiilayaasha fursadana siinaya in ay waxy doonaan sameeyaan baaliskuna aanu farsaari karin.
    waad maqlayseen hadalkiin raysalwasaraha wuxu yiri waa in loo sheegaa kuwa rabshadaha samaynaya wax ay wadaan in aanay sax ahayn qof danbi faraha kula jirana in gacanta laga qabto ayaa ka haboon in afka wax looga sheego. waa aniga fikirkayga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Abdi yare LFC says:

    walaalayaal gaar ahaa uma muslimka ah qaasatan kuwa somaliyeed dhibka jira waxaa ka masuul ah dowlada sweden waayo waxaan arkay dhowr dambiilayaal ah oo inta la xiray 3bil kaliya xirnaa oo ayaga oo cayilan qurxoon la soo daayay mid ka mid ah dhahayo ayaan maqlay maana la xiro waa soo nasan laheen oo daroogada xoogaa iga badatay camal kawaran nin la xiray hadane la siinayo baashaal sida cunada oo doono iyo banooni iyo game uu ku ciyaaro iyo daryeel waxaan qabaa in dowlada sharciga dambilaha wax ka dabasho kolne police ka hadii sharciga wax laga badalo hooshiisa waa qabsan karaa lkn dowlada ayaanba ogoleen kawaran hadii waalidka ilmaha canaanta ama runta u sheegyo la dhahaayo maxaa u dishay ama u canaanatay oo waalidka dambiila noqodo ani ahaa waxaan qabaa carab iyo somalia korkooda ayeey ka naxaan ee wax ha la tuso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1