Booliska Sweden oo ugaarsan doona dadka sharci darada ah

Maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 13 oktoobar ayaa booliska Sweden oo la shaqaynaya dhamaan booliska midowga Yurub waxay bilaabi doonaan olole loogu magacdaray Mos Maiorum oo lagu ugaarsan doono dadka sharci darada ku jooga wadamada midowga Yurub laguna tirakoobi doono.

Ololahaan oo uu soo jeediyay wadanka Talyaaniga ayaa laga fulin doonaa dhamaan qaarada Yurub iyadoo booliska Sweden ay qeyb ka qaadan doonaan. Dadka u dooda qaxootiga ayaa ku tilmaamay mid lagu ugaarsan doono dadka madoow iyo ajaanibta xitaa haddii ay wadanka Sweden si sharci ah ku joogaan ama ay ka midyihiin muwaadiniinta Sweden.

Ujeedada ololaha ayaa lagu sheegay mid lagula dagaalamayo ka ganacsiga dadka iyo maandooriyaha balse waxaa cadaatay ujeedka in uu yahay in lagu qabqabto dadka aan sharciga ku joogin Sweden iyo in lagu tirokoobo. Dowlada cusub ee Sweden ayaa diiday in ay hadal ka bixiso sababta ay uga qeyb qaadanayaan ololaha nuucaan ah, iyagoo dhowr jeer muujiyay sida ay u doonayaan in dadka loo fududeeyo sharciga.

Sanadkii hore ayaa booliska Sweden lagu eedeeyay in ay cunsuriyad ku sameeyeen dadka soo galootiga ah, iyadoo ay goobaha tareenada laga raaco ku joojiyeen dadka madoow iyo dadka u muuqda ajaanibta. Mashruucaas ayaa loogu magacdaray Reva.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Abdi says:

    Asc dhamaantiin intaas kadib.hadaan fakarkeega ka hadlo.hadii eey doowlada hada jirto eey ka qeeyb qaadato arinkaas ku saabsan in dadka sharciyada la wee diiyo .arinkaas waxuu noqondoona mid dooda badan dhaliyo sababtoo ah. Ayaantii horaba Markii sidaan oo kale eey polisku sameeyeen .waxaa qeela dhaan ka keenay.xisbiga shaqaalaha marka maantay arinkaas hade fuliyaan. Macnaheedu waxee tahay.qolaba markee qabsato waxee rabaan hasameeyaan.marka waxaana umaleenaya in poliska loo ogolaandoono arinkaas. Ayadoo qiil loosameendoono.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. sahra says:

    Yaaab badanaaa hadii sharci la.aan yihiin xitaa wadanka si sharci ayee ku jokaan oo wee aay diiwan galsanyihiin ee waxa kale mafahmin aniga yaab badanaa dadkan ileen meqa sharci hesan wadan oo diidma laka siiyey dadkaas hadii laqabto maxee kayelayaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. cabdi says:

    bismilaah aniga waxay ilatahay in uu san macnuhu ahayn dadka diidmada haysta lkn uu yahay dadka aan sifo sharci ah ku joogin isla markaadna aan dowlada u diwaan gashaynayn si kastaba ha ahaa tee waa arin culayskeeda wadata

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Zacki Abdi says:

    illaaheey masaakiinta bilaa sharciga ah ha ka siiyo, kuwa tuugta carabta ah ee xashiishada iibiya ee dukaamada xada kuwaas ayaa khadyaan laga taagan yahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Khadar says:

    Asc dadkaan xaaq ayay u leyihiin wax walba oo ay ku dhaqaaqan sababtoo ah wadan ka ayaga ayaa iska leh. Lakinse mida aan layaabay ayaa ah, qof danbiile ah oo cad in uu galay dambi wayn ayaa xabsiga kaga sidenayaa cajiib. Magalada aan daganahay wil somali ayaa wil kale oo somali wadnaha midi ka galiyay waxaana lagu muran sanaa waa dhintay iyo madhiman, nasiib wanaag waa ka kacay, 2 ba bilood ka bacdi kii midida wax galinayay oo magalada dhaxsocda ayaa dadki arkeen, ilaa iyo hada wax layaab leh ayay dadkii kunoqotay, marka waxaa iga suaal ah, ninkii idhibaaa saan hadii aan yeelo ma labo bilood ayaa xirnanayaaa,? nin walba wixii u rabo hasubiyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. Abdifatah jama says:

    sxb nin walba waxa uu rabo ha suubiyo maha wadanka shrci ayuu leeyay qof walba waxaa uu sameeyay sharcigeeda ayaa lagu qaadayaa marka sxb somali somali mindi galiayay sxb sharci gaara ayaa la qaadaya waayo iyaagaa isleh waana wada qaxooti haduu uu nin muwaadin swedesh ah galin lahaa wadanka ayaa laga tarxiili lahaa lkn somali waligeed ayay isdilaysay dadkan swedesh ah wax ku cusub maha lkn waxaa ku qusbaanaysa maraad muwaadin swedesh ah galiso mindi markaas sharci adag ayaa lagu isticmaalayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Khadar says:

    Sax waan gartay, lakinse xataa ayaga dhexdooda hadiiiii ay isdilaaan dhoor sano ayuu xirnadaaaa ka bacdi waa lasodayaaaaa. Waxaas xaq ma ahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0