Booliska Sweden oo ugaarsanaya qaxootiga sharciga loo diiday

Booliska xuduudaha Sweden ayaa dhawaan bilaabaya in ay baacsadaan oo ugaarsadaan qaxootiga loo diiday sharciga Sweden kuwaasoo si qasab ah looga musaafurin doono wadanka. Dowlada ayaa ku amartay booliska in ay ugaarsadaan dadka sharciga loo diiday isla markaana ay degdeg wadanka uga saaraan.

Booliska ayaa hadda diyaariyay ciidan gaar ah oo shaqadooda ay noqonayso in ay ku wareegaan wadanka oo ay soo qabtaan dadka dhuumaalaysanaya ee la musaafurinayo. Dadkaasi ayaa boolisku geyn doonaan goobo lagu haayo inta laga saarayo diyaaradii ay wadanka uga bixi lahaayeen.

Michael Mattson oo ah madaxa booliska xuduudaha ee Koonfurta Sweden ayaa sheegay in ay filayaan in dad badan ay ka caroon doonaan in boolisku ay ugaarsadaan qaxootiga balse tani ay hadda noqotay shaqadooda isla markaana ay fulinayaan. Waxa uu intaasi ku daray in qorshahooda uu yahay in ka hor dhamaadka sanadkaan ay soo qabtaan 15000-17000 qof oo la musaafurinayo.

Booliska ayaa qaxootiga ka ugaarsan doono goobaha ay ka shaki qabaan in ay si suuq madoow ah uga shaqeeyaan iyo goobaha caweyska ee lagu yaqaano in ay soo galootigu isugu yimaadaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Buur hakaba says:

    Sweden MA sacuudi ayey noqatay ilaahow noo gar gaar

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Hanad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 16

  3. Ismahaan says:

    Hanad walaale hada wiilka wariyaha ah maxaad ku caysay? wali tano kale, yaabka yaabkis, ninka aqbaarta wadanka ayuu so qoray walaale hanad waxa uu sheegayana waa wax run ah oo journalada dhaan ayaa qoraya wadanka dhaan walaale ee ilahay ka baq oo cayda iska daa adiga oo raali ah! Tankale wiilka wariyaha ah waxaan ku leeyahay walaale halkas ka si wad howsha fiican ee aad bulshada u haysid walaale! Mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 2

  4. Hanad says:

    Waxaan ku Caayay Anshax xumadiisaan arkay uu Bulshada ku baahinayo, Waa reer Baadiye intuu Tahriib kusoo Galay Sweden Kadib website intuu Furtay Bulshada, warar aan sal iyo raad toona lahayn usoo qoraya, Kaba daraale waa xaasid aan caadi ahayn, kumaankun Website ayaan soo arkaa, waligay mid kan ka dulisan oo warkuu qorayaa ka bilaa dhadhansanyahay maan arag, wararkan uu soo qorayo maaha wax dadka faaiido u leh ee isaga ayaa jeclaystay in uu ku war war Galiyo umada somaliyeed ee Sweden ku dhaqan, mar uu yidhaahdo waa nili raafayaa iyo mar uu yidhaahdo xeerar ayaa niliisoo dajinayaa idiin gaara, markaa waa Use less ninkan faaido maleh reer baadiye yahow.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 5

  5. rajo says:

    Hanad gacanbaad utagtey ninka webka leh so maaha waanu kula aragney kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk😃😃😃😃

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  6. Moha says:

    sxb Hanad aqbaartaan ma ahan wax uu ninkaan iska soo qortay ee hadaad swedhish aqrin karto wargeeysyo badan oo sverige ayaa qoraya arintaan ninkaana intaas ayuu afsoomali kusoo tarjumay kadibna kuu soo geliyay ee ma ahan wax uu maskaxdiisa kakeensaday bro isdaji caayda waa laga fiicanyahay anagaba waan kaxunahay dad walaaleheena in si xun loola dhaqmo , ilaaheey ha ugargaaro muslimiinta oo dhamaan meesheey joogaan ,,,,, marka bro wax hubso intaadan ceeytamin wax suaalo qofka meesha uu kakeenay aqbaaraadka iyo wixii kale ee aad rabto waad weeydiin kartaa lkn caayda waa ceeb bro because webka dad waaweeyn aya iskuugu yimaaday marka haduu wax kudhiwana waala sheegtaa dhibkaaga lkn laguma xaliyo caay iyo qeeylo asc..

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. Asc walalahayga muslimanta ahow cayda ma banana iyo in ad qof wax.ku tuhunto wilkan waxa ino so qorayana malaig ma ahan.wu qaldami kara wuna saxnan kara lkn ma ahan in ad dhahdo asgo idil imaba canficin insha allahka dul qad wax badan ayaa laga faidey xuman kuma arag jimcale adiguna kheyr alle haku siyo wixii saxda ah ino so qor mar walbo asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  8. Saafi says:

    asc soomali setahiin aniga dadka soomaali waa layaba qofa wax qoraayo waa lacaayna qofa wax sheegayo waa lacaayna .dadka wax caayo 24.7 waa dad yaab leeh waxa fiican hadaad warka fiican hayso kan soqoor halugu dhageeyse te intaad wax caayn laheeden

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. mandeeq says:

    hanad qarar miyaa haayo oo dadka la ugarsanayo miyuu kamid ayahay waa asaga dadka afla gadeynayeee lolz qof walba bariskisa meshow ka qoran yahay waa tagayaa ee tartibtaa sxb lolz

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. Maaqabenka says:

    Ninkan hanad la dhahayo asaga ma diidmo hesto bro aniga meshas wa iskaga so tagay e iskaga so tag alx hada wa i kala kacday 1800 karon wa karestay alx dhaqaalo bdan hela wa i kala kacday mesha ha isku dha dhajinine somalay so noqda dhulkina barwaqo ah sweden wa ka dhamatay lacag la an a so wajahday kkk

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  11. Nuur says:

    Hadii didmo la idin siyey oo an waxba la.idin siineynin guri ama masaarif dhibkeeda ayay ledahay inat si joogtan waxa dhaanto inat wadankina iska aadan maxaa yelay illah ba joga mel walbo illahey naxristisa haqusanina
    Laakin dhibka mesha taalo dadba guryshoda usoo iibeyey hadat ku labtan wadanki mel ay hoydaan an haasanin illah hanoso gargaaro asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. rooble says:

    wll somalida maanta halkas iyadaa isdhigtay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0