Caawa saacada ayaa la badalayaa!

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti iyadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro.saacada Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00pm is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:00pm.

Saacada ayaa laga jaraa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar taasoo ku beegan 27 Oktoobar 2013 ayadoo marka saacada ay tahay 3:00pm laga dhigi doono 2:00pm.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden ayadoo tani saameeyn wayn ku yeelanayso saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Hadaba ha iloobin in aad saacadaada ka jarto 1 saac, maalinta Axada ee bisha ku beegan tahay 28, Oktober. Kombuyuutarada ayaa iskood isaga jari doona saacada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. hussen says:

    Dib u ee oo ka dhig 27ka Oktoobar bedelka aad ku qorteen 28ka Oktoobar.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. F.M says:

    Jimcaale wax baad isku qastay maanta mar bedel ayaad tiri 27 MARNA 28 SIDEED WAX KU WADAA. Warqada masajidadana waxaa ku qoran AXAD ISNIIN SOO GAEYSO HABEENKA ISNIINTA EE AXADNA BAXAYSO MARKA XILIGA WAX LA BEDELAYAA WAA 28/10 SIDAAS AYAAN U FAHANAY UMADDANA U FAHAMSII CAAWA HA ORANE.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Ismahaan says:

    Kkkkkk Somali wax kasta waad isku qabsataan hada xilliga saacada la bedelaaya maa isku heesataan. maxaa idinka galay saacad bedelka sweden in aad isku absataan war isku xishooda. weeydiya sweden waxii ku saabsan swedishka nagala taga is qabqabsigiina iyo dal bur buriskiina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  4. ali says:

    saaxiib looma dhamma saacad badalkaan waan, annaga haddii aan soomali nahay yaa nooga qayb galay markii la badalayey saacadda waa cidna sidaa daraadeed looma dhamma kkkkkkkkkkkkkkkkk, waa diidnay in la badalo saacadaa, ismahaan waad ku mahadsantahay hadalkaada anigana waan ku mahdsanahay inaan sheego in aan loo dhammayn sacad badalidda iswidhan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2