Caruurta oo daawada lacag la’aan looga dhigayo

5

Ka bilaabata bisha Janaayo ee sanadka 2016 ayaa dhamaan caruurta ku nool Sweden ee da’dooda ka yartahay 18-sano waxay daawada ku heli doonaan lacag la’aan. Sharcigaan cusub ayaa ah mid ay si weyn u soo dhaweeyeen waalidiinta ku nool Sweden oo horay u bixin jiray lacag marka caruurta daawo loo soo qoro.

Sharciga oo uu baarlamaanka ansixiyay ayaa loogu talagalay in lagu mideeyo helitaanka daawada ee qoysaska kala dhaqaalaha duwan. Horay ayaa waalidiinta waxaa waajib ku ahaa in ay bixiyaan ugu badnaan 2200kr iyadoo markasta oo waalidka ay daawo lacag ka bixiyaan ay kaarar soo qaadanayeen. Hadda ayaa guud ahaan lacagtaas meesha laga saarayaa.

Waxaa sidoo kale sharcigaan qabanayaa caruurta magan-galyo doonka ah iyo dadka sharciga loo diiday ee da’dooda ka yartahay 18-sano ayaa iyagana daawada lacag la’aan ku heli doona. Daawada lacag la’aanta ayaa ah mida ay dhaqaatiirtu soo qoraan balse waxaan ku jirin daawo dhaqameedka iyo daawada sigaarka laysaga gooyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here