Caruurta Soomaalida cusub oo loo sameeyay iskuulo qaas ah

19

Ka dib markii la furay mideynta caruurta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqnaa mudada badan, ayaa waxaa soo baxdaysoomaalida in ay jidho baahi ku aadan sidii caruurta cusub ay ula qabsan lahaayeen iskuulada Sweden. Si arintaas xal loogu helo ayaa kamuunada qaarkood waxay abaabuleen iskuulo loogu magacdaray “Introduktionsskola” kuwaasoo ah iskuulo lagu soo dhaweynayo ardada cusub.

Caruurta ayaa la geynayaa fasalo qaas ah oo keligood wax lagu barayo, iyadoo inta badan ay macalimiinta yihiin kuwo Soomaali ah. Iskuulada soo dhaweynta ayaa ardada lagu barayaa aasaaska luuqada swedishka iyo sidii ay ula qabsan lahaayeen marka la geeyo fasalada ay dhigtaan caruurta ka timid wadamada kala duwan.

Magaalada Borlänge ayaa tusaale ahaan waxaa ilaa hada la keenay 250 qof oo Soomaali ah kuwaasoo 80% ay yihiin caruur waalidkood lala mideeyay. Caruurtaas ayaa la geeyay iskuulada soo dhaweynta. Caruurta Soomaalida cusub ayaa ah kuwo aad u firfircoon balse inta badan aan lahayn aasaas waxbarasho maadaama aysan ka helin wadankii hooyo.

Dhinaca kale waxaa ku jira caruurta qaar da’weyn ku yimid wadanka oo qaarkood wax ka soo barteen Somalia balse qortay in aysan waxba aqoon, dhalinyarada nuucaas ah ayaa noqon kara kuwo ku dhibaatooda iskuuladaan loo aasaasay caruurta yaryar.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here