Caruurta Soomaaliyeed iyo dabaaldegga 1-da luuliyo

Waxaynu wada ognahay in soomaalida dhib badan ay soo martay illaa iyo haddana aanan weli laga bixin balse maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayso dhibaatada ina haysata, haddii ay noqon lahayd gudaha wadanka iyo dibada wadankaba.

Illaaha awooda wayn waxaan ka baryaynaa in uu dhibka inaga dulqaado Aaaamiin, dhibkaas oo ah mid anaga aynu isku hayno oo midba midka kale uu arki la´yahay.

Haddaba aynu iswaydiino su´aalahaan

1-caruurta yaryar ee soomaalida danbigaa dhacaaya maxay ku leeyihiin?

2-Xaqse ma u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan taariikhda wadankoodi hooyo?

3-In soomaalida maalin farxad leedahay sidee bay ku ogaan karaan

4-Qofkeese laga sugaaya in uu howshaa qabto?

Iyo su´aalo intaa kabadan markii aan iswaydiinay bay soomaalida reer flen qaban qaabiyeen xaflad si wayn loo soo agaasimay oo caruurta yaryar lagu barayo wadankoodii hooyo, dadka soo qaban
qaabiyey waxay u badnaayeen gabdho soomaaliyeed ee magaaladaan Flen .

Si kastaba ha ahaatee waxay xaflada ku dhamaatay farxad inkastoo dadka waawayn dareemayeen farxad , ciil iyo murogo.

Waxaan Illaah ka sakoow mahad u celinaynaa walaalkeen Jimcaale oo aan leenahay ciid wanaagsan walaal, waxaynu ku leenahay halkaa ka sii wad howsha aad umada u haysid gaar ahaan reer Flen oo waxaad aad uga qaybqaadatay dhisida masjidka Alhouda muslimiska centrum, howshana si wanaagsan bay u socotaa Illaahay ha´inoo fududeeyo Aaamiin.

Asc

Qore: C/caziiz Maxamuud Baliile
Ziizbaliile@hotmail.com
Flen
Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. waano says:

    asc wall yan wan idin salamay xuska wadanka san ayan u aqana ilmaha haloga shekeyo tariqta figrad ahan wax dhib ah ilama laha waliba waa ila ficantahay wlh rer flen alaha idin dhowro swedhan qebta kowad aya ka gashen walahi hadi layirahdo isku dubnan iyo diinta ka shaqentisa alaha idin siyadiyo anakana kuwa ku daydo walalahod alaha naga dhigo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. Bashiir Macalin { Abuxudayfah } says:

    Asc, Masha;Allah waxaan isku deyaa Txi yar oo Jacburis ah in aan Ku Cabiro , xaalada Dhalinyartaa.

    Isla Markaana Uga Jawaabo Tixda Su’aalaha walaalka.

    Waxayna tahay sida tan .

    Waa Su’aalo Da’waynoo.

    Dood Dheer u Baahan .

    Dalka Yaa U Maqan ?

    Daawo yaa U Haaya ?

    Da’yartaa Dayacane ,

    Ku Dayawday, Dal Shishee?

    Dardxumadiyo , Dib U Socodka .

    Dan Inooma Ahee Soomaalaay.

    Dantiina Garwaaqsada

    Da’yartii Dabinbeey Ku Dhaceen .

    Qaarbaa Dayoobay .

    Darxumana Haleeshay.

    Dib u Dhacbaa Ku Yimid .

    Dawgii Bay Ka Dhumeen .

    Doodose waxay Tahay ,

    Daawo Miyaan loo Hayn ?

    Daawo Miyaan Loo Hayn .

    Somalaay Ogaada

    Dib Haddaan La isugu Noqon.

    Daawana La Dhalin .

    Dhalan Rogbaa Dhici.

    Da’yartaan Ku Daryeel la’

    Dalalkaan Shisheeye

    Dal Miyaysan Lahayn ?

    Dawlad Miyaysan Lahayn ?

    Dad Miyaysan Lahayn ?

    Dawga Kale Haddaan eego,

    Ka Warceliyo, Waydiimaha

    Da’yartaa Dayoowday ,

    Danbigaa Dhacaaya ,

    Darxumada La Gaystay ,

    Ee Dalkoodii Ka Taagan ,

    Door Kama Aysan Qaadan.

    Dooduse waxay Tahay

    Da’yartaa Dayoowday .

    Danbigaa Laga Galay ,

    Daawadiisa Yaa Haaya?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  3. Massago says:

    SOMALIYEY TOOSO TOOSO ISKU ROOGSADHA HADBA KIINA TABAR DARAN
    TARAANTUREEYA WILIGEEYN WAXA AAN LA TIICAYAA OON LA TAAGDARANAHAY NIN TOLKIIISI KALATAGAYOO LAGU TACADIYAAN AHAYEE IYO ERAYA KALE WAXEY KAMID YIHIIN SIDA LOOBADALAY SHARAFTI IYO SHUMACI U SHIDNAAY SOMALIA BALSE WAXAN RAJEYNAA INAAN UUN KA BIXI DOONNO DHIBKA MALIN AY AHAATABA LAGAMA QUUSTO NAXARIISTA ALLAAH
    2012-1- JULY WAXAAN RAJEYNAA RAJADA BIRIGA JIRTO IYO MID KASII REEYSO INAAN UGU DABAAL DAGNO AC

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. harbi jamac says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  5. qabiil qaran ma noqdo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  6. Ayuub says:

    AbuXudayfah Abwaan Qarsoon ayaa ahayde ?

    MashaAllah walaal Qoraaladaadana waan Aqristay , sidaa kuw ad waad dadaalaysaa .

    Qoraa wanaagsan ayaana noo soo baxaa sidaan filaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. faiza says:

    maasha allaah grattis grattis grattis ayaan leeyahay dhamaan reer flen qaasatan somalida ku nool xaflada aan ku dhiirataan in aan ku bararujisaan dhamaan umada soomaaliye marka xigta waxaan leeyahay dhaam qaristayaasha hanbalyo mida xigta abwaanka cusub ee abuxudayfah waxaan ku leeyahay midkii oraahdiisa ku difaaca soomaliya kuna baraarujiyo allaha kaa dhigo webbka somaliska waxaan leeyahay ayagana hormarka aad gaarsiiseen ma ahan mid lasoo goobi karo waxaan idinleeyahay illaah subxaana qaadira wax ha idinla qabto insha allaah guul ayeey ku danbeydoontaa fikradiina wanaagsan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Sak says:

    Mashallah Flen way tagtey, yaa magaalo kasta sida nooga dhig.Dad isku duuban oo bila qabyaald, oo caruurtoda iyo diintooda hormariya.Ilaahy ha iin siyaadiyo anagana ilaahy faraj ha no furo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0