Caruurtii ugu badnayd oo iska dhiibtay Sweden

Caruurta aan la wehlin ee da’dooda ka yartahay 18 sano ayaa Sweden ka doortay wadamada kale ee Yurub sida lagu soo daabacay bogga Laanta Socdaalka.

Sweden ayaa sanadihii 2010 iyo 2011 waxay ahayd wadanka qaabilay caruurta ugu badan ee timid Yurub. Sanadkii 2011 ayaa Sweden waxaa iska dhiibay caruur gaareysa 2 657 qof oo inta badan ka yimid wadamada Afghanistan, Somalia, Eritrea iyo Ciraaq. Magangalyo doonka ka yimid Afghanistan ayaa 95% waxaa la siiyay ogolaasho.

Guud ahaan wadamada Yurub ayaa waxaa iska dhiibay 8 175 caruur ah iyadoo inta badan ay ka yimaaddeen Afghanistan.

Inkastoo ay sii kordheyso tirada dadka isku dhiibaya 18-ka sano ka yar ayaa hadana waxaa dhibaato ka haysataa Laanta Socdaalka halkii ay geyn lahaayeen dadkaan iyadoo ay diideen kamuunada Sweden in ay qaabilaan caruurta.

Wasiirka Socdaalka ayaa ku baaqay in kamuunada lagu qasbo in ay qaataan caruurta. Kamuunada qaarkood ayaa ka cabanaya in dadkaan caruurta isku dhiibay aysan si wanaagsan u dhaqmin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. abdi says:

    waa niman waa weyn oo caruur isku dhiiba hada waxaa ka sii daran dhaqan xumada eey lee yihiin iyo dhibka ugu weyn ey geeestan waa wax aad looga xumaado

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 6

  2. Dooyaale says:

    Waayuhu is bedel badanaa ,,,,,,,, waqtigaan Sweden imid dhalinyaraan ahaa , jiray 16 sano ,,,, markaan is dhiibay anigoo ehelkayga la socda ayay qolyaha CARUURTA QAABILA waxay isku dayeen , iney ila wareegaan oo iyagu i haayaan …….Ilaa aan ka soo dhuuntay oo aan kasoo cararay ehelkaygana u imid………….Waqtigaa aadeey u dad jeclaayeen …….balse maanta XAQUUQTIGA in la nacay ayaa MUUQATA siiba da’yarta …….sababtana dhalinyaradaa leh …..maxaa yeelay caruuuraa tihiin yay maqleen markaa ayay sidii 12 jirkii u cayaarayaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  3. somali dhalad ah says:

    kkkkkkkkkkkkkk hada nimankaan gararka leh oo dhahaya caruur aan nahy yaakayeelaya sidii ay ufashilantay sweden iney qaado familada ayad u fashilmi doontaan ee wadankiina iska soolabta wax yaalo malhn sweden waa mel gaajo ku aruurtay waana laidin nacay sidaad utihiin somali dawarsigaan iska daaya oo imaada wadaniina oola dagalama alshayadiin alshabab iyo balayadan wadanka qaseysa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  4. Abdullahi says:

    war waa yaab kuwaan 18 jir kaba waynyihiin eeeeemay xoogooda iyo caqligooda isticmaalaan maxay ku falayaan in nac nac afka loogaloyo oo waliba sidii 5 jirka camal loowareejiyo hadba meel war isku xishooda oo 20 jir isku dhiiba mese faro in la idinkaqaado aad kabaqaysaa ee wax walbaa waa nasiib Alle ogaada Somaliyeey mahadsanidiin w.w.w.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. dhaleecayn necebe says:

    maxaa idinka galay bal haday wayn yihiin iyo haday yar yahiinba idinku ma ogidin xiligay dhasheen, markaa waxaad ugu mashquushan ayaa khalad ah waar niyow positive noqda oo dadka iska aman siiya ama ha xumadan ama ha samadaane, afkiina iyo adinkiina halaga nabad galo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  6. bishaaro says:

    Haada ka hor ban nin weyn oo somali ah wuxu la kulmay <Gudman-kisa markas ba gudmanki yiri eheeeeeeeeey kan abuuba abo i noqonya se camal warkan iga celiya .. waa ceeb waa caro alle(swt) walahay qof cimrigiisa dhimay .. ilahaay (swt) waxaan ka barina cimri dheer iyo cibaado subaan. mid kale waxay moodan dadku in da'ada yar wax badan lagu helo .. ma oga in uusan qiimo sasa lahayn oo lo arko qof aan qaadi karin masuuliyad.. waxaad arkaysa mid leh waxaan ahay 15 haddana naago dhaxada kaga jira sidi nin taajir ah wax kala dabarya .. mar way is ilaawan marna way ciyaaran .. allow xaqa tus dadkeena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0