“Cunsuriyadu waxay ka midtahay nolol maalmeedkeena”

Mowduuc ay gabar Soomaali ah ku qortay wargeyska Expressen isbuucaan ayaa kiciyay dareen adag oo ku saabsan cunsuriyada lagu sameeyo dadka madoow qaasatan Soomaalida. Gabadha lagu magacaabo Bilan Osman ah arday barata saxaafada ayaa qortay mowduuc dheer oo ay kaga sheekeynayso cunsuriyada ay la kulanto maalin kasta.

Waxay mowduuceeda ku furtay hadal ay ku tiri walaasheed oo 12 sano jir ah oo tiri  “Waxaan rabi lahaa in uusan midab kayga sidaan u fool xumayn”. Bilan ayaa si qiiro leh uga hadashay cunsuriyada ay kala kulantay iskuulka, shaqada iyo wadooyinka. In macalimiinteeda ay midabka dadka madoow ka dhigeen wax lagu qoslo ama liita. Waxay intaas ku dartay in xaaladu siday ahayd caruurnimadii iyo maanta oo 2014 la marayo uusan jirin isbedal weyn.

Waxay cadeysay in ay tahay Swedish isla markaana tahay Soomaali, oo ay la kulantahay cunsuriyada labada dhinac ah ee lagu hayo dadka madoow iyo Muslimiinta. Bilan ayaa intaas ku dartay in aysan doonayn in mowduuca ay kaga hadasho nolosheeda oo keliya balse ay doonayso in ay soo bandhigto cunsuriyada lagu haayo 180 000 qof oo ah dadka madoow kuwaasoo ku nool Sweden. Dadka madoow ayaa la kulma cunsuriyada ugu badan ee dhinac kasta leh. Dadka madoow ayaa marka ay dariiqyada marayaan lagu aflagaadeeyaa midabkooda.

Ugu dambayntii ayaa Bilad ugu baaqday bulshada Sweden in ay wax ka qabato oo laga wadahadlo cunsuriyada maalmeedka ah ee lagu hayo dadka madoow, in walaasheed oo 12 sano jir ah ay ka xumaado midabkeeda iyo in caruurta la mid ah lagu sameeyo cunsuriyad joogto ah. In shirkadaha aysan shaqaalayn dadka madoow. Iyadoo ku soo afjartay in ay ka daashay qorida mowduucaan iyo cunsuriyada 2014.

Sidee u aragtaa cunsuriyada ka jidha Sweden? Ma kugu dhacday oo ma la kulantahay cunsuriyad? Ku darso fikradaada.

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

31 Responses

  1. Abdul says:

    Haa dabcan waan la kulmay waliba marar badan! laakin waxaa iga xasuusin ah dadka lagahooda ku imaaday inaan anaga nahay aan ka wax ka barano kadibna wadankeeni aan ku laabano mustaqbal laakin meesha kuma lihin dhalinyaro meeshan aan wax ka barano kadibna waxbarashadeena aan la laabano, waxaa jiro maqaal laga qoray reysul wazaaraha Sweden oo ahaa wadankaan shaqo la,aan kama jirto markii la yidhi maxaad ula jeedaana waxuu yidhi dad swedish ka ah shaqo la,aan ma hayso! taas oo kuu cadaynaysa dhamaantood inay ka siman yahiin cunsuriyada, ma umalaynayo Raysul wazaaraha ama odayga boqorka wadanka u ah Allaah baa boqor ahee inay haday jjidka adigoo goynaya ku arkaan inaysan kaa joojinaynin!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  2. mustaf says:

    anigu waxaan kunoolahay sweden muddo,7 sano kudhaw, wax lasheego oo dhibaato ah maan arag,nin somali ah ayaan ahy,lkn kolay magaalooyinka ama gobolada waalagayaabaa in ay kukaladuwanyihiin arintaa cunsuriyada, somali hadaan nahay inagaa cunsuriyiin ah oo dhexdeena ayaan kabilownay ,qabiil iyo shaqsi nacayb ayaa inagu badan. taas aan ka hadalo,intaanaan kahadlin tacaadka ama madowga kale inagu hayaan. allaa mahadle

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 1

  3. dulamne says:

    anigaa dulman oo eey somali 500 oo sano ku jira kumeysi cidna kama hadasho waa yaab waa yaab wali ma ka qortay jimcaale arimaha noocaas oo kala ah somali ayaa isku xun gabdhan wey fududahay somali meey ka hadasho kaliya by

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

    • Ayaan says:

      Dulamne walaalo horta dhibta laga hadlayeey waa mid somaliyeed, gabdha aad arkeeyso oo dhibta sheegateeyna waa gabar somaliyeed. mideeda kale waxaad tiri meey somaliya tan taal ka hadasho, ma ku fakarteey gabadhaan in eeysan waligeedba somaliya tagiin oo dhiibtaad sheegeysaba eeysan waligeed arag? waxa eey ka hadleeso waa xaquudeena hadaan nahaay muslim iyo somali, waana mid u bahaan in mar walba kor loo qaado inteeysan nagu dhicin taan hesata walaleheena south afrika jooga. intadan fudeed ku sheegin, gabar kaaga war roon wadenkeey ku dhalatoo ku korteey dheeh maansha alaah in aan helneey maanta dad xaquuqdeena kor u qaada. cafwan

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  4. Haaruun says:

    DULMANE SXB WADANKENA NABAD KAMA JIRTO WAANA LA WADA DULMAN YAHAY CIDA RAAXO KU JIIFATO MALAHAN EE WAXA KA DARAN WADANKAN AN JOOGNO OO NABADI INEY KA JIRTO CAALAMKA LAGA OGYAHAY HADI LAGU CUNSURIYEYO MEEL AD AADID MA TAQAANID KAAGASI DARANE WAABA WADANKA UGU ROON AYAN IS LEYAHAY HADII LOO FIIRIYO EUROPE KUWA KALE WAABA KU DILAYAN HABEENADI HADEY KUGU ARKAN STATION TRAINKA.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. shakuur says:

    Ereyga CUNSURI ayaa wadankeena naga soo qaxisay…qabiil an isku soo cunsuriyeynay, isku soo dilnay. Marka qof swedish ku cunsuriyeeyo haka calaacalin. What goes around, comes around.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  6. muumin says:

    asc waan idin salaamay marka hore marka xiga runti waa arin fool xun oo lagu sameeyo dadka madow iyo dadka muslimka ah waana wax laga xishoodo in qof kugu caayo midabkaaga 2014 wadamada iskandenfiyaanka oo dhan waa ka jira lakiin sewden ha ugu badnaate marka isaga taga oo ku laabta wadankiina hooyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Gabadh Sool says:

    gabdh yar oo walshay ah ayaa tiri hooyo markan lasocdo waxay dhahaan hooyadaa maryo badanaa ma goroyaa markaa cunsuriyada carurtay ka bilabantaa markay la sheekaysanayaan caruuraha laaleeg ee swedesh ka ah tasmooyane man arag cunsuriyad kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  8. xussen says:

    asc wsm dhamaantiin salaan kadib hurta weey jirtaa cunsoriyda laakin waxa jirta 2 arin oo inta badan eeysan dadku arkin ina la cunsoriyeeynayo iyo inkale mida koobaad wadankaan qofku waxa oow kuleeyahay inta badan kuma dhaxyiraado dadka madoowgaa meesha eey joogaan 1 mida kale luqada oon sifiican loo aqoon lamadaas oo iskaashaday dadku ma arkaan ina la cunsuriyaye iyo inkale marka 100 kii sameeyo cunsuriyada wax yar ayaa lafahmaa anigane wax qabaa meesha ugu ween cunsuriyada waa wax barasha waa yoo wax barashada book kastoo lagabarto afkaan waxa kuquran waa qof ajaanib ah kaliye taasine waxa eey dhashay qofka kunool wadankaan 50 år mayaqaan sharcida wadanka iyo meelaha loomaro meel hadeey xiranto meeshoow kasoowareegilahaay kiibartayne umadiisa ma is arkaan marka cunsuriyada sida loola dagaalo wadadii loomarilahaay dadyaqaano majiro hadoow jirane waxa oow leeyahay aniga ima heeysato maxaa iga galay tusaale ahaan gabartaan cid kusiida garab marka eey weeydo weey iska aamosi kadibne ayidaa laga dhigayaa qof dab shideeydo waxa eey noqoni hada kahur ayaa wiil waxa oow jiri waxan tirineeynaa inta xaafada joogta habar qumayaa wiilashiikale ayaa waxa eey kudhaheen hooyadaa koow kadheh maya ayoow yiri waxa eey kudhaheen waalaga reeybayaahe hurta koow dheh markoow yiri kow ayeey ku dhaheen waa kaligeed marka hada gabartaan markaguleeyahay waxa sheegayo cunsuriyada waa kaligaa marka dabe ayidaa iska aamosidoonto markeey weeydo dad kadagaalamayo cunsuriyada tani waa aragti deeyda ok baay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xussen says:

    asc wsm weey jirdaa cunsuriyada laakin lama haayo dad kii kadagaali lahaay oomarkasta siiyo waqti
    badan gabartaan marka eey weeydo dad kudaageero weey iska aamosi sidii kuwiika hure waxbarshada ayaaba ah halka oow kabiloowda macalimiinta maahan ee waa bookta dadka wax laga baro kuli waa
    invandrare studerar invandrare

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. Boowe says:

    subxaana laaah !! waa meel urtay oo u dhamaataye maxay tahay waxaaso dhan ? dadku miyaysan citizens ahen mise haday yihin waxa loo arka inay wadan kale ka imaaden waaba wax laga naxo inkasto ay meel kasta ka jirto cunsuriyada laakin waxan ay gabadha ka sheekeyneyso waa wax too much

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  11. dhagaha uun kala soco says:

    CUNSURIYADU WAY JIRTAA WANAN LA KULMAY, WAXA KALOO JIRTA CUNSURINIMO KA TAGAN WADANKEENI TAASINA WAA SABABTA AAN HALKAN U FADHINO AMA U JOOGNO, ISKU SOO WADA DUUBO WAXAAN KUSOO GABAGABEEYEY TIXDAN:-
    DUL IYO HOOSBA WAAN UGU DHIGAY WAA DIX DHAGAXEEDE
    ANUUNBA DAMQANAYEE DHAGUHU UMA DALOOLANE
    DADKAAN LA HADLAYO BAAN LAHAYN DUX IYO IIMANE
    BAL INAY DALFOOF TAHAY CAQLIGA DOONI LAGA SARAY
    WIXII HORE USOO DASHADAY DAGAL SANAYSAAYE
    DOC HADAY U WADA JEEDSATOOY DHOWRTO DANAHEEDA
    OOY DUUL WALAALO NOQOTOO DUUNKA KA HESHIISO
    DADKA KAMA YARAATEENE WAY IS DABAR JARAYSAAYE
    DUBE MADAXA WAA ISKALA DHACDAA DAA IN ABIDKIIYE
    GOORTAY IS WADA DOOXDA DAAD USOO GALIYE.
    HADABA SOOMALAY MAANTA DAADKII AYAA INOO SOO GALAY UU SHEEGAYEY CABDILAAHI SULDAAN TIMACADE, DAADKAASINA WALIGII WAA INA SIDANAYAA EE DHABAR ADAYGEEDA YEESHA. RABI TALO KU FILAN.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • dhibane says:

      that is true taasi waa sax somali aduunka ayay ka takooran tahay maanta malin maalmaha ka mid ahana magaca somali sanka ayaa laga qabsan doonaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. caloww says:

    asc aniga sweden waxan ku nolahay mudo 5 sanadood ah waxan ay buunbunisay gabadha weli ma arag qof lagu sameyay way dhici kartaa mar mar lkin ma ahan mar walba ee yaan la iska eetamin tan kle swedishka wa dad ad ugu nugul ajanbiga marka loo firiyo wadama kle marka somalaay adinka wadinkisa kaso cararayu hala is atkeeyo calacalka hala yareeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. dhibane says:

    waa yaab aduunkaan soomaali oo cunsuriyad ka dhii dhinaysa!!!!!!! cunsuriyad somali iyada ayaa dhashay
    away dadkii lagu maaday lakufsaday la xalaashiistay dhiigooda iyo cirdigooda oo kugu midabka ahaa kugu
    afka ahaa kugu lahjada ahaa kugu degaanka ahaa ee aad u tqaiinay nasab dhiman midgaan madhibaan gabooye iyo wax lamid ah mawaysan tani nabsi ahayn mawaan soomaali wada takoornaan doonin nabsigu waa galin danbe!!!!!!!!!!!!!!!!!!!1

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. shariifka says:

    Sc Mudo aan kabadneyn bil ayaa aniga iyo gabar wadata gabar yar ayaa bas wada raacnay. markaan fariisanay waxaa meel aan sidaa nooga fogeyn kasoo hadlay cunug yar oo qiyaastii aan kaweeneyn 4 -6 sano, wuxuu cod dheer kuyiri dad madoow ayaa baska soo korey. Marka caruurtii ayaa sidaa ah dadkii weynaa bal kawaran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. sam says:

    Asc walaalayal fikrad ahaan waxaan qabaa in dadkeena soomaalida ah wax weyn naga qaldayihin. Midda ugu horeyso meel kastaaba cunsuriyad way ka kirtaa umadi dad fiican iyo dad xunba wee leedahay. Balse waxaa layaab ah anakoo soomali ah oo cunsuraday is taag haddi la dhahoo kow aan ka taaganahay maxaa yeelay is dhex galka bumshada run ahaanti waan ku xunahay haaddi aan is dhex galnona waan ku ba’na ee dhinac loo dhaco ma lee hasayeeshe wadankan ilaahay baa run jaceyl ee cunsurinimada ka dhacdo waa fara ku tiris sibaa aniga ni la hadlayo wee igu dhacday anigoo maalin maalmaha ka mid ah ka adeeganayo Ica Maxi oo an telefon ku hadlayo ayaa waxa dhacay habar waayel ah si hadal aan naxariis ku jirin ama ka muuqata neceb ayey i dhahday “af swedish ku hadal”. Anigoo weligay qof waayel ah af lagaadeen ayaan si xun ugu jawaabay. Dhoor luuqadeed ayaan ku la hadlay iyadoo aan bahdilay oo aan tusayo aqoon la’anteeda. Somaalay dadka soo dhaweeya luquda barta qalbigina fura bulshada dhex gala. Wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ayaan says:

    Caloww walalkiis 5 sanaad ka hadlee, gabadhaan 21 jir sweden ku dhalatay , waxna ku baratay waaye, ma kula tahay in aad isku si wax aragteen? Mideeda kale gabadha nafteeda kama eysan hadlin oo kaliya ee wexey u shaqeeysa saxafada kaliya oo wadankan ka jirta oo ku taqasusey arimahaas. Dadka madoow in ey yihiin dad la cadadiyona baaritan dher oo la sameeyey jawabti ka so baxda ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. kadir says:

    cunsuriyada dadka ugu badan ee la kulma waa somalida somalidana sababo badan ayaa keenaya inay u nuglaadaan
    1 waa madoow
    waa muslim 100%
    taasna waa mida ugu badan ee loo yasayo lkn ina laha macasaabiriin ajarkeeda iyo abaalkeeda ilahay uun ayaan ka sugaynaa ilahayna iimaankeena haynoo siyaadiyo
    3dad aqoon heersare ah maah kooda aqoonta lehna wax yaabo yar yar ayuu iskaga qancayaa markuu naftiisa meeeleeyo kama fakarayo sidee dadka ugu faaiidaysaa adigoo waliba qasarayn ee shaqo abuur dadkaaga usamaynay
    adigana faaiido ka helaya
    waxaana rajaynayaa mar uun inaan ka bixi doono somaliada waxaan kula dardaarmayaa inay qofkii wadanka wax ka qabsanayay ay ku garabgalaan ooy kadaayaan daynta badan si qofkaas horu mar usameeyo iyagana wax badan ka faiidaan
    4 iyagoo ka googo,an qabiil iyo waxaan dhamin ku mshquusan
    ilahay haynaga koriyo ayaan leeyahay
    5 iyo waliba dhalinyaradeenii oo badankeedu ay halaysan yihiin gaalada in lagu daydo huru mar umaleeyey ragii masuulka ahaa iyana qaarbadan oo kamida ay cayr isakaga qanacsan iyo jaad iyo qabiil iyo fadhi kudirir
    intaasoo cudur oo is biirsanaya ayaan dhexda ka jirnaa iyo qurbe nacas
    haloo duceeyo wadankeena dadka inta caqliga kusii hadhayna wax ha uqabtaan si ay uyaraato cunsuriyada iyo baahida joogtada gaalka la hoostaganahay ina yasaya
    xikmad horaa dhahay wax ka qaraar ma jirto inaad dad ubaahato waa tiiyoo gaalo aad usii baahatay
    ilahay inama duleeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. MGCW FAADUMO DIRITO says:

    ASLAMU CALEYKUM MARKAHORE DHAMAAN TIIN WAXAN UMAHAD CELINA WIILKA WEBSAYTKA ISKALEH JIMCAALE WADMAHADSANTAHAY SIDA AAD ISUGU XILSARTAY IN AAD NOSOKHORTID WAXYAABAH KADHACA SWEDEN HADAN KAHADLO RAYIGEGA CUNSURINIMADA AYKAHADASH BILAN OSMMAN WAA ARIN IDAREEN GELISAY SIDA AAD UDAREENTAY ADIGOO WADANKAN KUDHASHAY WAXAAN KU FARAXSANAHAY SIDAD ARINTAN UGU KHORTAY WARGESKA ADIGOO UDOODAYA CARURTA SOOMALIYEED EE CUSURINIMADA LADAREEN SIYAY ANIGU WAXAAN DHALAY AFAR CARURA CARIRTAYDA MIDA UROON SANAD KII LABIYTOBNAAD BEYKUJIRTA MARKAAN LASHEKEYTO WAXAY ISHEEGAAN MARKEY CIYAALKA ISWEDHIKA IYO IYAGU DAGALAMAN WAXAY KU CAYAN MESHA AYKA YIMAADEN IYO MIDABKOODA MACALIMIIN TUNA WEY NOO UKALA EXDAAN ANIGA XITAA WAXALEGU CUNSURIYEY MUSLINIMADAYDA
    HADII AAN USOONOKHDO MIDA SOOMALIDA MELKASTA AAN KANIMAADNO WAXAAN UGANIMID WAAN OGNAHAY WAXAAN U BAHANAHAY ISBEDEL XAGA DABEECADA WABILAAHI TOWFIIKH

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  19. madar says:

    Marka hore Cunsuriyadu meel kasta way ka jirta oo aduunka ah Lakin iinantan way ku dhalatay Sweden
    qofka ku dhashay iyo qofka aan ku dhalan isku aragti ma”aha qofka ku dhashay dadka wadanka leh uu naga yaqaan
    100 jeer. Anigu 4 sano ayan jooga dad badan oo xita cadaan aha iyo mado ah ayaan sxb nahay qaar way ku dhasheen qaar way ku dhalan gaadheen badan kood waxay aaminsan yahin in ay Swiidhshku yahiin dad cunsurgu ku badan yahay.wana wax laga xumaado Cunsuriiyadu meel kasta way ka jirta xata Soomaaliya dawana male Qurba kastna waa leeyay dad ku soo dhaweeya iyo dad ku Cunsuriyeeya waad arkaysa lakin waa laga socda.What we can do.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. jawab all says:

    asc dhamaantiin aniga waxaan ku arkaa gabadha qoraalka qortay sweden iyo cunsuriyada ayey ka hadashay lkn aniga waxaan aaminsanahay ra,yi waa lagu kala duwan yahay hadii lagu dhaho waa madow dahay ma ahan cunsuriyad sida aan aaminsanahay waa in aad igu jawaabtid si kalsooni leh oo aad dhahdo i am proud of what i am lkn hadii aad dhibsato ama niyad jab isku rido adiga aa is xumeeyey, lkn shaqo waa madoodahay lagu diido ama siyaab kale waa arin kale.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. faarax says:

    Cunsurinimada wey jirtay, weeyna jirtaa, weeyna jiri doontaa. Sida keliya looga bixi karo waa inaan wadankeena dhisanaa, qabiilkana iska iloownaa. Wabilaahi tawfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Amin says:

    bismilaah. Horta waan ku faraxsanahay in aan wada dareenay cunsuriyadu in ay wax xun tahay waayo hada ka hor maynaan ogayn oo waaba ku faani jiray, lakiin hadii aan hada ogaanay in ay xuntahay aan ka dagaalano mida dhexdeena iyo tan Swedish kaba.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  23. qosleye says:

    sxbyaaloow dhamaan somali dhan waa dulmane waxeyna ku jiraan bahdilaad go aan ey ka qadatey sweden ah in la cunsuriyeeyo dhankasta ha uga sii weynaado dhanka oo sharciyada hada waxaa arkeysaa kaamamko somali tiro dhaaftey oo ku jiro 5 years amo 6 yeras amo ka yarbo oo aan la siin wax sharci ah hada waa ka warqabnaa ka biloow 20012 ilaa hado soomali dhan waxaa ku socota diidmo bilaa sababo ah taasno waxay ka mid tahay cunsuriyada ugu ween sababta oo ah waxaa arkeysaa wadamo ay dawlado ka dhisanyahiin oo hadno sharciyada sweden ku siiso miiska sida ereteriya xataa nageria hada waa qataanoo marka halkaa waxa ka muuqato cunsuriyad u gaar ah somali dhamanteed waxaana ugu wacan inta ka masuulka ah arimaha somalida sweden hadabo waxaa kula talin lahaa somalida oo heesata diidmada oo ka buuxdo kaamamka in eey mudaharaad balaaran sameeyaan hadii kaleeto oo tani la diido somalida dhan halmar inte is raacdo ha aadaan wadamada kale halmeelno heeska dhiibaanoo sida norwey amo danmarka marka caalamaka waa ogaanaa somali dhibka ey ku qabto sweden horeena wax iska badalaan xaaladahooga saas aan qabaa oo ah rajado dhabta ah kaam iska fadhiiso sxbyaaloow caqli maahan dadaal aa la rabaa dhaq dhaqaaq aa la rabaa hadii kaleeto waxaa u diyaar garobeysaan dhib iyo rafaad sababtoo ah idinka aa isku soo xiray kaam xabsi ah inta sababo la aan la idinku siyeey negtivyo qalad ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Mohamed says:

    Dhamaantiin waan idin salaamey. Salaan kaddib hadal badan marabo inaan halkaan ku qoro lakin waxaan rabaa Kadir walaalka wata inuu soo bandhigo qaabka ugu macquulsan ee lagu maareyn karo in midkeena shaqeeya uu saacido kuweenna kale. Tusaale ahaan hadda magaalada aan daganahey waxaa shaqo ka heley ugu yaraan 14 qof, xafiiska aan ka shaqeeyo ayey dhamaan shaqada ka heleen waan isla shaqeynaa si kasta intaan yeelney ayaan awoodi weyney inaan ku midowno hal nidaam ah iyo wax isla qabsi. Marka Kadir walaale bal talada soo dhameystiroo ka soo arrimi qaabkaan wax uwada qabsan karno sida aad umaleyneyso.
    Waa walaalkiin Mohamed oo qaba cunsuriyadda in lagu jabin karo aqoon iyo in awood loo yeesho xittaa in faham waafi ah lafahmo qaabka diintu tiri haloola dhaqmo dadka aanan islaamka aheyn. Midda kale waxaan is leeyahey walaalaha qaar badan oo kamid ah waxaa ay qabaan in diinta nalaku dhibo taas maqabo ee waxaan qabaa wixii diinteennu ay qabtey ayaan hareer marnaa, taas ayaa sabab unoqota iney wax badan naga halaabaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. fartuun says:

    midabkeena wax ka qurxoon walaalayaal majiraan wlahi waa ku faraxsanahay midabkeena soomali cidi ka xun midabkeena iyagee utaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. somali says:

    hhhh horta dadka yurub ku dulman waan u soo ducaynayaa aniga oo jooga dalkayga hooyo iyo ciidaydii saw somalidu kumay yaacayn meesha wax kasta iyaga ayaa isku gaystay imikana iskaga kaalaya ama u adkaystade shittttttttttttt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. mahamed says:

    Gabadha ayaan wadato ma tii barnaamijkaan soo diyaarisaa waayo waxaan kula yaabey commandi kasta oo gabadha khuseeyo iyada ka jawaabeyso teeda kale in nala cunuriyeeyo aad ayaan ugu faraxsanahey waayo wadankeena ayaan jecel u qaadi laheyn wadankaana waa ka tegi laheyn wadankeena aamini laheyn. Waxaan markasta ku duceystaa wadankasta aduunka ka middo in la inaga naco oo sidda kuwa south afrika joogo la inoo bursado taas cashar ayey inoo noqon laheyd waxaa dhammaan lahaa jileecaan iyo gaaladaan ceyrta laga sugaayo qabiilkuna waa dhammaan lahaa .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  28. Deeq says:

    Waxan u maleynayaa Somalida inta badan komentiga bixinaysa waa marqaansan yahiin, gabadha waxa ay ka hadleyso wa dadka madowga ah iyo Muslimiinta dhibka lagu hayo, Somali cid soo haal qaaday oo ma jirto, dabcan somalida waa madow lakin maqaalka waxu ka hadlaya dadka madow iyo gabdhaha xijaban dhibka lagu hayo.Dadka Somalida iska xagxaganayo ee dhahaya waa cunsurriyiin ama wadankooda ha u noqdaan fadlan maqaalka aqri adigoon qayilsnen Somali qas uma aha maqaalka, Bilan waa gabar ardayad ah suxufinimo brata taageero baana ka heysata Somalida aan jaadka cunin iyo ajaanib iyo waliba swedhish ay wasiro ku jiraan.waxa kalo ogeyn dadka jaadka cuna in baarlamanka swidhan ay ku jiraa xisbi cunsiri ah kaas ooy Bilan rabto iney afka uga tiurto barlamaanka inta aysan dhibaato u geysan ajanibta iyo Muslimiinta oo dhan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0