Cunsuriyiinta oo ku fashilmay doorashadii Denmark

Shalay ayaa waxaa Denmark ka dhacday doorashadii baarlamaanka iyadoo 10 sano ka dib looga adkaaday cunsuriyiinta qaasatan xisbiga Dansk Folkeparti. Xisbiga Socialka ayaa ku guuleystay doorashada Denmark iyadoo la filayo in ay meesha ka saaraan sharciyadii adkaa ee la hordhigay soo galootiga.

Sidoo kale Denmark ayaa yeelanaysa raysal wasaarihii ugu horeeyay oo dumar ah. Haweeneyda lagu magacaabo Helle Thorning-Schmidt oo hogaamisa xisbiga Socialka ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee raysal wasaare ka noqota Denmark.

Natiijada doorashada ayaa ah guul u soo hoyatay dadka neceb cunsuriyiinta oo sanadihii ugu dambeeyay noqday kuwo la wareegay Denmark balse doorashadaan ayaa meesha ka saareysa saameyntoodii.

Cunsuriyiinta ayaa ahaa kuwo guulo badan ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay Sweden iyo Finland isla markaana qeyb weyn ka ahaa dowlada Denmark balse jabka ku dhacay shalay ayaa la filayaa in ay wax weyn ka badasho siyaasada wadamada iskaandaneeviya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. cukaash says:

    aniga aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maa dama eey cunsuriyinta cadaadis saarayeen 10kii SANO ee lasoo dhaafay aniga waxaan kufaraxsanahay JABKA IYO HALAGA eey la kulmeen.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. Moh-diin says:

    Waa wax noo fiican hadii aan nahay dadka soomaalida ah iyo guud ahaan muslimiinta in ay guul dareystaan cunsuriyada iyo xisbiyada midigta fog waxaanan rajeynaynaa in ay ka suulaan masraxa siyaasadeed ee dalalka yurub iyo caalamka guud ahaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. galad says:

    asc all muslims aniga waan ku faraxsanahay jabka gaaray cunsuriyinta denmark hadana waxaan rajeeyna in cunsuriyinta sweden sidan oo kale ku dhacan INSHA ALLAH sidaas ayaa ku dhici doonto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. HASSAN KAAMILL says:

    Wn ku faraxsanahay lkn wale wadama badan ayey xog ku leyihiin waxey ku ficnaan laheyd in cunsuriyinta&argagixisada laga sifiyo adunka dhan ileyn kalama deyn rooneee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. fatima uqtu says:

    waa Guul ,, walaalaheyga soomaaliyeedow,, cunsuri ha dhaco oo naarta ilaah haku fogeeyo,, islaam neceb jahanamo hoygaaga ah,, waxaa macquul ah wixii norwey ka dhacey iney saameeysay cunsuriyiinta dhan mel walba yurub ka joogaan..

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. hamdi says:

    waaw 10 sanokadib heryadi ayay iska qaden shacabkii danmark farxad waye umad adunka oodhan usoo hoyatay wayo qof cunsiriya fa iido malahan sumcada wadankan hoos ayuu geya wuxuu u abura nacayb badan wuxuukalaqod qoda bani adamka oodhan marka wa wax lobahanyahay dadku inay u fakaran wadankoda kana dhigan mid u rufan calamka intisa kale is dhexgal wanagsan leh viva swedan hanolato danmark na wagulaysten dadkii samra sadkisa hela cunsurinimo waxan u arka inay la mid tahay gumaysi amaba kasidarantahay wadan uhaysto qofki kunoolna kaba sidaran wa gulmarka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. mohamed awes mo says:

    asc dhamaan baahda somliska
    salaan kadib 10 waan ku faraxsanhay in maanta ee ka cirib tirmi abaa
    cunsiriiinta waxaan rajeenyaa in sanahada soo socdo ee cirib tirmi doonaan kuwaad lala yaaban yahay dadkna dhibay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. lovelyrose says:

    aad ayan ugu faraxsahay in laga guulaysto cunsiriyiinta waxanan rajaynaya in xisbigan cusub uu wax ka badali doono arimaa soo galeetiga waxanan rajaynaya in ilahay uu isukaayo geeyo aniga saygayga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Qaasim hussein on says:

    Aslc walal jimacle wad mahasantahay ilahay hajibiyo wixi naceyb ku ah musliminta midakale waxan kuweydina 15 sebteber wa lasodhafay waxeyna balanta ahed in laga fadhisanayo arimaha somalida malaga fadhistay ama wa wali jwab jicale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. baariyoo says:

    wallaahi ad ayaan uga farxay in cunsuriyiinta laga qaado hoggaanka waddanka ee ilaahay saantooda haka dheereeyo muslimiinta meel walba ay joogan waxaana rabbiga na abuurtay ugu baryeeynaa soomaalida ku nool waddanka denmark ay guulo waaweyn kasoo hoyaan mideeynta reerahooda oo ah mudnaanta koowaad inshaa allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Dalnuurshe says:

    Asc jimcale waxan ku weydii waxyabaha tvyada laga sii daynayo e ah in sweden ay somalida u ogolatay reraha kala maqan maxa ka jira wararkasi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Dalnuurshe says:

    Asc jimcale sxb wararka tvyada ay shegayan in somalida sweden ay u ogolatay mideynta reeraha kalamaqan maxa ka jira warkas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. baariyoow says:

    ASC WALAAL DALNUURSHE TVGA SHEEGAY WARKAAS MIDEYNTA SOMAALIDA IN LOO OGOLAADAY WAA TV GEE WALAAL ,BAL II SOO SHEEG MAHADSANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Jimcale says:

    Dalnuurshe warkaas waan maqlay balse ma xaqiijin karo…markii aan xaqiijiyo ayaan soo qori karaa. insha Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  15. Axmadeer diikow says:

    Runtii aad ayaan uga xumahay in laga guuleysto xisbiga Folk partiet 🙁

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. sizii says:

    somali waxaan idin waydiinayaa dhulkaan aad ka hadlaysaan dadbaa leh idinka ma lihidiin dal an dalkaada aheen waa dareen ku joog waxa idinku haysta dhulka galada waad aragtaan caruurtiina ayaa la idinka qadanayaa maxay tahay intee ku ilowdeen dhulkinii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0