Cunsuriyiinta, Qaniisiinta iyo Mudaharaadka

Maanta waxaa magaalada Stockholm ka dhacay dibad baxyo dhowr ah oo iska soo horjeeda. Sidii aan horay u soo qoray waxaa magaalada isugu soo ururay cunsuriyiinta neceb Islaamka oo ka kala yimid daafaha caalamka iyagoo ku qabtay bandhig qudbado laga jeediyay bartamaha magaalada Stockholm. Cunsuriyiinta ayaa tiradooda lagu qiyaasi karay ilaa 200-300 qof.

Dhinaca kale meel u jirta qiyaastii 100 mitir ayaan waxaa ka qeyb galay mudaharaad weyn oo isagana lagaga soo horjeedo cunsuriyiinta magaalada timid. Mudaharaadayaasha oo aad u fara badnaa ayaa ku qeylinay “Wadooyinkeena u dooni mayno cunsuriyiin” iyo hadalo kale oo ku waas la mid ah. Goobta ayaa waxaa xiray booliska oo xaqiijinayay in aysan isku imaan labada kooxood. Dhowr jeer ayaa meesha qalalaase ka dhacay iyadoo “baaruud” lagu garaacay booliska iyo kulanka cunsuriyiinta. Booliska ayaa dhinacooda isticmaalay sunta indhaha ka ilmaysiisa iyagoo xiray ilaa 3 wiil oo ka mid ah kuwii cunsuriyiinta ka soo horjeeday.

Isla goobta uu ka dhacayay mudaharaadka ayaa sidoo kale waxaa ka socday bandhiga sanadkasta lagu qabto Stockholm ee lagu magaaco “Pridefestivalen” halkaasoo ay isugu soo urureen Qaniisiinta ragga iyo dumarka ah ee isaga yimid caalamka. Cunsuriyiinta ayaa isku dayay in ay ka qeyb galiyaan qaniisiinta mudaharaadkooda, iyagoo sheegay in ay leeyihiin hal cadow oo ah Islaamka. Balse qabanqaabiyaasha bandhiga Qaniisiinta ayaa ka biyo diiday arintaas, iyagoo sheegay in iyagu aysan jecleyn cunsuriyiinta maadaama uu fikirkooda ku dhisan yahay koox tagoor. Waxay sheegeen in aysan ogolaan doonin in cunsuriyiintu ay isticmaalaan magacooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaab ahayd in goobta uu ka dhacayay muhadaraadka looga soo horjeedo cunsuriyiinta ay aad ugu yaraayeen dadka soo galootiga ah, iyadoo ay hogaanka u hayeen dhalinyarada Swedishka ah oo runtii si qiiro leh uga hortagay kulanka cunsuriyiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Naciima says:

    ASC Bulshada Swidhishka waa bulsho dhex dhexaad ah mana u bahna rabsho, hadii aad ufirsato dhaqankoda ka mid mahan in lagu mashqulo qofkale waliba dhalin yarada svenska ah waa bulsho wangsan ALLE hanunka ha wafajiyo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. abdirahman sh. dahir osman says:

    asc asxaabta aniga waxaan lee yahay cusuryiiinta waa balaayo wax aan faa iido laheen is ku aruursanaayo marka waa in aan fahamnaa islaamka iyo wanaaga uu lee yahay mida kale waa in aan fahmanaa dhibaatada ey wadan dadka aan bulshada naceb oo ey ka mid yihiin cunsuriyiinta somalidav wxaan lee yahay is fahma oo hal noqda oo is jeclaada oo is wanajiya o is walaashada oo muslimka walaalahaga ah si wanaagsan u la dhaqma

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. Ha dhihin sida says:

    walaal webka wan ka faideysanaa laakin arimaha noocaan hanoo soo tabin maadaama aanan waxba ka faideynin .wax badan ayaa naga maqan yeynan ku mashqulin qaniisiin iyo cunsuriyiin ee aan dalkeena u noqono una horseedno ummada iney fahmaan qatarta soo socota intusan waaga baryin halaga tago meshaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. Hassan says:

    ASC Ramadan kariin, Illaah ayaa mahada iska leh oo ina siiyay Diinteena ismalka ah. waxaan u soo jeedinayaa dhamaan bushada islamka ee ku dhaqan Sweden in aysan ku mashquulin cunsuriyiinta waayo wax ay ka qaadi karaan maba jirto. Waxaa keliya ay u baahan yihiin in ay wanaag kula dhaqmaan bulshada ay la noolyihiin loogana daydo dhaqan wanaag, ixtiraan iyo furfurnaan taas ayaa way abuuraysaa in ay ku soo jiitaan bulshada inteeda kale.
    Waxaa laga yaabaa in ay ku soo hanuunaan dhalinyaro aan hadeer islam ahayn. uuna yaraado cadawgooda iyo naceebka loo qabo fekerkaan cunsurinimada meel laga jecelyahay maba lahan caalamka oo dhan mana sii jiri doono insha Allaah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. fatima says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk qaniisiintii danmark waaba loo ogolaaday ineey kaniisada isku guursadaan cajiib

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. maryama says:

    RAMADAAN KARIIM ANGA WAXAIGA YAABIYEY BULSHADA ISWIDHISHKA SIDEY EDEB U LEE YIHIIN ILAAHOW SOO HANUUNI AAAAMMMIIINNNN

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  7. Zamzam says:

    Asc/dhaman,salan,kadib,ha’ii danbeyan,cunsuri,iyo, qanis, qofba melba udaran e walala yal ya warkahayo ayantan arimaha familada masajiran dad ogolansho losoturay amaba familkoda lokenay fadlan igaso warama, hadad wax igudhantan JIMCALE, ayantan shaqoyin kale ayu kumashqulay bey ilatahaye?

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. cadar says:

    asc Ramadaan kariim walaalayaal sikasta oo ay uga soo hor jeestaan muslimiinta wax ay ka qaadikaraan malaha qaniis iyo cunsuri sababtoo ah muslimiinta ilaahaa marwalbo jecel oo nabadgalyo ku siinaayo meelwalba ay joogaan waxeyna ila tahay in aana dhag jalaq loo siinin waxay ku doodaayaan qaniiskana loo arko waxaan jirin ileen anaga dhaqan iyo diin uma lihine cunsirina haduu wax naga qaadikaro marhore ayuuba na baa,biin lahaa, ilaahay hanoo danbi dhaafi.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. Mustafa says:

    wcs wr wb , Zamzam walal waa runtaa qofba meel aya uu daran inagaa waxaa ino gu daran waa familadenaa , hadan suashadaa kaga jawaabo haa walal , aniga carurteydaa oo labo ah aya ogolashii laa ii siyey , karki daganashahana waxa lagu siyey safarada addis hada waxan sugeynaa bi’idnilah passporradii incha llah arintu way socota , allaha adi iyo walalha kalena idinka so xawlo haday qeyr inogu jirto , wixi qeyr ino leh allaha ina wafajiyo amiin
    waa bilahi tawfiq

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. khadar hassan says:

    kkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. khadar hassan says:

    qaniis iyo iyo cunsiri maxaa naga galy marka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. garyaqan says:

    ASC dhamaantiin somaaliyeey waa in aan fahanaa dalka iyo dadka iweden maxaa shaqo na loogu wayay soomaali hadaan nahay ok cunsuri miyaa i noo diiday shaqada xageey wax ka qal dan yihiin JIMCAALE JAWAAAAAB

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. abdulkadir says:

    waan idin salamaay dhamaaninta ku xiran webkan gaara ahan jicale
    waxaa aniga ii daran arinta familada ayaamahan xagee wax marayaan walalayaal .
    weli ayaa arkay qof la keenay ama qof loo keenay ehelkiisii uu udacwonayey ?
    fadlan qofkii wax igu dhaama jawaab ayaan kasugayaa
    thanks.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ahmed says:

    horta 909 mawduc anaga nomad qorin adiga iska qortay mida kale cunsiriyada ad ka hadlaysay dadkan adiga aya wadankodi ku dontay ma lihid maxa ka quseyan uga bax hadi ad necebtahay cusiriyada adigaba marka ad wadankaga jogto cidna kama cusiriyad xuma danta kugu qasbay moyen somali wa cunsiriyiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. cabdinaasir says:

    ANAAAAAAAAA WASO
    CONSIRE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0