Daawo mid ka mid ah darawalada basaska oo garaacaya nin qaxooti ah

Dhacdadaan foosha xun ayaa ka dhacday magaalada Kalmar, iyadoo muuqaalka laga daawan karo darawalka baska oo si xun u garaacaya nin qaxooti ah. Darawalka ayaa sidoo kale erayo cunsuriyad ah ku dhahaya ninka qaxootiga ah oo ka soo jeeda Syria oo uu xitaa madaxa kursiga ugu dhuftay oo dhaawaca dartiis hosbitaal u galay.

Darawalka baska ayaa la sheegay in uu diiday in uu qaado ninka qaxootiga ah, kaasoo ka dibna sawir ka qaaday si uu u dacweeyo. Ninka reer Syria ayaa sheegay in darawalkaan uu dhowr jeer diiday in uu qaado qaxootiga.

Ka dib ayuu darawalka ka xanaaqay sawirka laga qaaday isagoo weerar ku qaaday ninkaan oo si xun u garaacay.

“Waligay gacan la’iima qaadin. Waxaan isdhahay Sweden waad ku amaan galaysaa oo marnaba ka filayn in darawal bas uu i garacaayo” ayuu ninkaan warbaahinta u sheegay.

Darawalka ayaa shaqada laga joojiyay ka dib dhacdada.

Halkaan ka daawo muuqaalka. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. luul says:

    asc
    waa ka xumahay ninka walaalkey ah sida foosha xun oo uu ula dhaqmay ninka xun oo cunsuriga ah mida kale ma ahan in qofka sawir qasab ah laga qaado waxa la qoran karaa baska nambarkiisa iyo wakhtiga uu diiday in uu qaado wey ku filantahay in uu intaas ku anmälleyo poliska. waxa ka sii fiican in uu magaciisa qorto hadii uu ka yeelo masa ila aha in uu ka yeeli lahaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  2. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Asc waa ka xumahay in dhawac ka soo gaaro bas adiga oo saran balse waxad wici kartey poliska cunsiga ee Allah ha kaa sabarsiiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Mohamed says:

    Ani ayaa kalmar ku nool waa arin laga xumado in maskiinka qaxotiga ah uu qaraaco

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. faay says:

    waa abaalkiisaa inlaga joojiyo shaqada welibana maxkamad lalasoo koro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Samatar says:

    No no sidee bu niin sidada ku qaraci ood sidi dumarki uu uu uuu udhahi adeerayal wixi cusurnimo afka kula imada afka uga jawab.wixi gacan kula yimadana jahanama kawarabi .

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. mo deq says:

    haduu somali ahaan lahaa ilaahow 10 sanaba hajire wuu iska celin lahaalee, lkn sawir inuu kaqaado maaheen waxaa ku filnaan lahaa bes waqtiga bus ka iyo taargada, bidii xuriyee bidii xuriyee…… waa tanaa xuriyada kalaq laq dheh hhhhh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Mustaqbalka says:

    Darawalka baska waday nasiib ayuu lahaa maxaa yeelay hadii ninka lagaraacayo uu soomali maxamed ahaan lahaa gacmaha madaxa masaaranlaheen ee wuu iska calinlahaa nin kusooweeraray miyaa gacmaha madaxa usaaranlaheyd aad ayaan uga xumahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Mmg says:

    SHURUUCDE IYO QAWAANIINTE CAALAMIGA AH QOFKA XAQ WUXUU ULEEYAHAY IN HADII LASOO WEERARO INUU ISDIFAACO, AFRIKA ASIA EY ,US AUSTR & ADUUNKOO IDIL XAQ WAXAA ULEEYAHAY INAAD IS DIFAACDO. .LUGU MA DHIHIN WIJIGA QABSO OO OOY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Ali Najiib says:

    waa su aale isaga maxaa gacmaha ka xiray oo uu isu difaaci waayey.?? sharciga sweden kuuma diidayo inaad naftaada difaacdo lkn ajaanibka qaar badani iyagoo isdifacikara xaqna u leh ayey baqaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0