Daawo Sawirada: Kooxda barafka Somalia oo dib ugu laabtay ciyaaraha aduunka si weyna loogu soo dhaweeeyay Ruushka

Kooxda ciyaarta barafka ee Somalia Bandy ayaa markale ku qayb galaya ciyaaraha Bandy 2015 ee lagu qabanayo wadanka Ruushka iyagoo hada ciyaaray dhowr kulan oo dhamaantood laga badiyay balse la kulmay taageero aad u balaaran oo ay ka heleen shacabka Ruushka. Ciyaartii ugu dambeysay oo ay la ciyaareen xulka Shiinaha ayaa looga adkaaday 1-8 tasoo ah horumar weyn iyadoo kulankii ka horeeyay ay Germany wada galeen 1-12.

Marka laga soo tago ciyaaraha looga awood roonaaday kooxda Soomaalia ayaa hadana ay noqdeen kooxda ugu taageerada badan dhamaan kooxaha ka qeyb galaya horyaalka aduunka ee Bandy 2015. Waxaa sawirada laga daawanayaa caruurta iyo taageerayaasha ruushka oo calanka Somalia ku soo sawiray jirkooda iyagoo ku qaylinayay Somalia Guul Guul isla markaana lulaya calanka Somalia.

Kooxda Somalia Bandy ayaa sidoo kale caan ka noqday dhamaan daafaha Sweden ka dib markii laga sameeyay filimka aadka loola dhacay ee Trevligt Folk kaasoo la filayo in uu noqdo filimada ugu fiican ee sanadkii tagay laga sameeyay dhamaan Sweden ama qaarada Yurub. Filimkaas ayaa guud ahaan badalay aragtida laga qabo Soomaalida qaasatan kuwa ku nool magaalada Borlänge. Daawo Sawirada.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Mushtaq says:

    Waaw somaliyey tosooy is ku tirsadayeh hadbah Kina tardarane tagare wlikene viiiv Somalia

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  2. jc says:

    horta kuwaan meesha dadka ineey kaqosolsiyaan malookeenay? war meesha kataga icehockey weligiin meeldheer kuma gaareysiin. football mise basketball walaga yaabaa inaad aduunka dhagaha katuntiin laaakiin icehockey yusan waqtigiina dhumin.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 8

  3. wardhigley says:

    waa laga fican yahay daad wax la imaaday in aa xaqiirto ama aa niyad disho wax la imoow waxii wax uu tarayo ama horumar ah somalida waa la soo dhaweyna lakinsa in dada la caayo diin muslim ama shacab ka somalida raali kama ahaan in qof lagu faquuqo waxa uu wato

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. Kalmudin says:

    ilaahoow u gargaar dhalinyartaas sharafta dalkeena u taagan ameen ameen ameen.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. adoon alle says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  6. Amina says:

    maashaalaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. shiiqa says:

    “We have bought a Somali flag specially for the occasion, and the drum I got from my grandpa,” said Pavel Stepanov, one of the Irkutsk residents who came to the stadium to support the novices from Somalia. “I think I may have some Somali blood in me, so I will be cheering for the Somali team.”
    aad iyo aad aauga xumahay inaan arko qof aan somali eheen oo hadalkaan ku hadlaayo iyo dad soomaali eh oo hadalkaa arkay ku hadlaa waa wax kala fog run ahaantii
    Viva somalia

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. bilan says:

    wiilasha yaryar guul ayaan u rajaynayaa haniyad jabina ayaan leeyahay guul waaba haysataan halka aad gaarteen ayaad kasii fog gaaraysaan inshaa allaah dad ka idin caayaya inta idin taageersan ayaa kabadan codka calanka soomaaliga caynaya waxaan leeyahay dad kiina dhinac karaaca guul ayay gaareen london maalin laguma dhisin illaa hadaa ladhisaa hooyo kasta oo soomaaliyeed ayaa idin taageeersan guuuuuuuuul ayaan leenahay hanoogina. jimcaalana waa mahadsan yahay waa in la shaaciyaa oo lataageeraa dhalin yarada magacooda iyo calankooda u istaagay. guul guuul waan qiiroodey caawa alow dadka noo hagaaji allow dalka noo hagaaji alow qabyaalada naga daawee.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. bilan says:

    amiin aamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Yaabqaybshe says:

    Waa layaab Somali ciyaaro baraf ciyaarayso iyagoo Afrika ka yimi, waxaa ka sii yaab badan Soomaaliga isagoo gurigiisa fadhiya waxba aanan qaban ee layaaban iyaga ….!!!!! Kkkkkkkk labadaba waan layaabay. Anigana waan isla yaabay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. sharey says:

    masha alaah waxaanahaay wadaanki africa ugu horeeya ee coyarada bafarka ka kgeb galo taas ayaab shafaar wayn iso ah guuuuuuuuuuul guuuuguuuuuuuuu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ahmed says:

    Nice

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Ahmed says:

    ilaah yaa la ilaabin qalbiga ha ku jiro hana la daalo <3

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. Kariim says:

    looool, Yaa ku dhahay waa Icehockey, ciyaartaan BANDY AYAA LA DHAHAA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. samara says:

    masha alaha allowa ino siyadiiiiiiiiiiiiii hormarka gul somalia u so hoytay waye viv wiilshen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0