Tirada dadka qasabka looga musaafurinayo Sweden ayaa la filayaa in ay siyaado 30% sanadka aan ku jirto taasoo ay ka dambeyso heshiiskii dowlada iyo xisbiga Deegaanka ay ka gaareen arimaha Magangalyo doonka. Heshiiska waxaa ka mid ahaa in dadka loo diido sharciga si qasab ah looga musaafuriyo dalka. Booliska gobolka Skåne ayaa bilaabay nidaam cusub oo ay ku raadsanayaan dadka sharciga loo diiday ee dhuumaalaysiga ku jooga Sweden. Booliska gobolkaas ayaa sameeyay koox u gaara dabagalka Magangalyo doonka la diiday.  Kooxdaan ayaa baaritaan ku sameeynaya goobaha shaqada iyo warbixinada ay ka helaan dadka iyagoo soo xiraya dadka aan degenaanshaha haysan. Nidaamkaan cusub ee ay ku dhaqmayaan booliska Skåne ayaa natiijo fiican ka soo baxday iyadoo inta u dhaxeysay bilihii Janaayo ilaa Maarso 115 qof laga saaray wadanka marka loo barbar dhigo sanadkii hore isla waqtigaas oo 81 qof laga saaray wadanka. Waxaa la filayaa dad ka badan 3200 in si qasab ah looga musaafuriyo Sweden sanadkaan hada socda. Booliska ayaa sheegay in ay dad badan musaafurin lahaayeen balse aysan hayn goobo ay dadka ku hayaan. Sweden ayaa waqtiyadii dambe Soomaalida inta badan sharciga siineysa balse waxaa na soo gaaray warar sheegaya in Sweden ay dad Soomaali ah u musaafurisay wadamada dariska la ah Soomaaliya, taasoo sharci daro ah.

Dad badan oo Sweden laga musaafurinayo

Tirada dadka qasabka looga musaafurinayo Sweden ayaa la filayaa in ay siyaado 30% sanadka aan ku jirto taasoo ay ka dambeyso heshiiskii dowlada iyo xisbiga Deegaanka ay ka gaareen arimaha Magangalyo doonka. Heshiiska waxaa ka mid ahaa in dadka loo diido sharciga si qasab ah looga musaafuriyo dalka.

Booliska gobolka Skåne ayaa bilaabay nidaam cusub oo ay ku raadsanayaan dadka sharciga loo diiday ee dhuumaalaysiga ku jooga Sweden. Booliska gobolkaas ayaa sameeyay koox u gaara dabagalka Magangalyo doonka la diiday.  Kooxdaan ayaa baaritaan ku sameeynaya goobaha shaqada iyo warbixinada ay ka helaan dadka iyagoo soo xiraya dadka aan degenaanshaha haysan.

Nidaamkaan cusub ee ay ku dhaqmayaan booliska Skåne ayaa natiijo fiican ka soo baxday iyadoo inta u dhaxeysay bilihii Janaayo ilaa Maarso 115 qof laga saaray wadanka marka loo barbar dhigo sanadkii hore isla waqtigaas oo 81 qof laga saaray wadanka.

Waxaa la filayaa dad ka badan 3200 in si qasab ah looga musaafuriyo Sweden sanadkaan hada socda. Booliska ayaa sheegay in ay dad badan musaafurin lahaayeen balse aysan hayn goobo ay dadka ku hayaan.

Sweden ayaa waqtiyadii dambe Soomaalida inta badan sharciga siineysa balse waxaa na soo gaaray warar sheegaya in Sweden ay dad Soomaali ah u musaafurisay wadamada dariska la ah Soomaaliya, taasoo sharci daro ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. hanad says:

    sxb sare marka hore waan ku salaamayaaaa mr jimcaaaale
    waxaan rawaa in aaan ku weydiiyo sharcigan cusub miyuu saameynayaa dadka da’dooda kayar 18sano ee aan heysan wax famil ah ee loo celiyo’
    adoo mahadsan jwb ayaan kaa sugaa thnks by ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Jimcale says:

    hanad: inta aan ogahay dadka faraha ku leh wadamada dublin waa la celinayaa si qasab ah iyo kuwa la diiday. Somaalida badanaa Sweden ma celiso maadaama uusan jirin wadan lagu celiyo. haddii qof fara leh balse da’a yar la diido waxaan filayaa in la celinayo, runtiina arintaan sharci cusub ma ahan ee waligeed Sweden sidaan ayay ahayd balse horey si firfircoon dadka uma soo qabqaban jirin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. hanad says:

    walal waad mahadsan tahay jimcaale sida fiican ee dhaqasaha leh ee aad
    i soo jawaabtey ayaan kugu mahad celinayaa ‘ ilaahay hanoo gagaaro wsc?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. queen burco says:

    asc walaal jimcaale waxaan ku waydiiyay qofka isagu sheegtay in uu ka yimi waqooyi ee diidmada la siiyay isaga ma odhan karaa waqooyi waa nabad oo waa lagugu celinayaa jawaab baan kaa sugayaa walaal adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal siyaasada Sweden ee ku wajahan wixii aan ahayn koonfurta ilaa bartamaha Soomaaliya waxay u arkaan in ay tahay goobo nabad ah, sidaa darteed dadka sheegta inay gobolada nabada ah ka yimaadeen diidmo ayay u badantahay balse badanaan qasab kuma musaafuriyaan ee way ku dhiiri galiyaan in ay iskood isaga tagaan dalka.

      Waxaan maqlay dhowr kiis oo dad qasab lagu musaafuriyay, waxaan kale oo maqlay in uu jiro wadahadal ay Sweden la leedahay maamulada sida Somaliland oo ah sidii heshiis looga gaari lahaa in dadka la diido lagu celiyo halkaa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. daahir says:

    acs walaalo jimaale waan ku salaamaya marka hore walaalo su aal waxan ku waydiiyey qofka ka yimiday koonfurta somalia ee haysata afar diidmo ee lagu yidhi waxad katimiday woqooyig somalilnd maxa laga yeelay sxb iiga soo jwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abshir says:

    Asalaamu Caleykum dhamaan walaalaha Aqrista somaliska.com, Run ahaantii waxaan jeclahay in xoogaa faaffaahin aan ka bixiyo sharciga hada u yaal wadankan Sweden xaga sharci bixinta.dadka ka yimid ama isku dhiibay koofurta Somalia badankooda waa la siiyaa sharciga hadii uu qofka shaqsi ahaan isu qaldin, Laakiin haduu qofka isku dhiibo Somaliland ama Puntland waa loo diidayaa sharciga, aad ayay u adag tahay in qofkaas sharci la siiyo, oo waxa ay ku leeyihiin waa meel nabad oo lagu noolaan karo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. queen burco says:

    ASC walaal waad mahadsan tahay jimcaale jawaabtaada degdega ah iisha allaah wax walbaa khayr bay ku dambayn doonaan by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. deeqa ali says:

    ASC WALAL WAXAN KU WAY DIIYAY HALKABAY MARAYSA RAJADI DADDAKI LAYSU KENAYAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. DAAHIR says:

    acs walaalo jimcaale waan ku salaamay dee walaalo sALAN KADIB WAXAN KUN WAYDIINAYAA SU AAL WAXAY TAHAY SIDAY WALAALO DADKA KA YIMID KOONFURTA SOMAALIA OO LAGU HAYSTO WAXA KA TIMID WOQOOYIGA SOMALIA WALI MAY JIRAN DAD LAGU CELIYEY SOMALILND WALAAL IIGA SOO JAWAAB WAAN MAHAD SANTA SIDAAD UGUU JAWAABAYSID DADNKA OO DHAN SALAAMO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Jimcale says:

    Daahir qofka asaga ayaa laga rabaa in uu Migrationsverket ka qanciyo in uu ka yimid koofurta Soomaaliya. Haddii ay go’aamiyaan in aad ka timid waqooyiga markaas diidmo ayay ku siinayaan balse waxaa kuu furan in aad appeal ka xareyso. Dad ay ku xukumeen waa layni celinayaa waan arkay balse ma maqal cid ay ku celiyeen Somaliland, way jiraan dad ay ku celiyeen wadamada dariska la ah Soomaaliya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. AYAN says:

    walaal waan ku salaamey waxaan rabey in aan ku weeydiiyo arin taas oo ah hadii qof eey kayaalaan faro wadanada yuru oo imaado sweden oo is ka dhiibay fraheega la soo helay laidhahan ku noqo wadan kaas ayaa farahaagaa yaalaan oo na ku laaban mudo aan is ka joogey sweden xiligii la ii qabtan in aan wadan ka oga baxo eey iiga dhiman tahey 2 bilood. dad ayaa waye idhaheen labda bil markey kuu dhmaato isdhiib hadana waa lagu siinaa sharciga ee arintaas maxaa ka jira? till jimcale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. Jimcale says:

    Ayan walaal sheekadaas Somali meel ay ka keeneen ma garanayo. Qofka faraha ku leh wadamada Dublin marka ay farahiisa soo baxaan waxaa qasab ah in uu laabto haddii uusan laaban marka dambe qasab ayaa lagu celinayaa.

    Wadanka Giriiga dadka ka yimid lama celiyo balse sharci in la siiyo ma maqal. Way jiraan dad aad u yar oo iyagoo faro leh sharci la siiyay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. suldanka says:

    a/s/c? Jimcale walal waxan rabay inaa ku weydiyo dadka dacwada u qareysantahay mala qaadanaa mase waa la joojiye ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0