“Dad mahan kuwa niqaabka xiran”

Mid ka mid ah musharaxiinta baarlamaanka ee xisbiga Kristdemokraterna (KD) ayaa sheegay in uu doonayo in Sweden laga mamnuuco xirashada niqaabka ama indhoshareerka. Isagoo ku tilmaamay in aysan dad ahayn kuwa xiran indhashareerka.

Falco Güldenpfennig oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer xisbiga KD ee magaalada Borås isla markaana u sharaxan baarlaamanka ayaa ku doodaya in aysan habooneyn in ay bulshada dhex maraan dadka xiran niqaabka.

Mar la waydiiyay inta qof ee niqaab xiran ee ku nool magaalada Borås ayuu ku jawaabay in uu la kulmay hal qof oo keliya, isagoo sheegay in uu ka xunyahay xaalada ay ku sugantahay. “Waxaan hubaa in lagu qasbay” ayuu intaas ku daray.

Ma ahan markii ugu horeysay ee siyaasi ka tirsan xisbiga KD uu ka dhawaajiyo hadalo ka dhan ah Muslimiinta, iyadoo beryahaan dambe ay soo bandhigayaan wajigooda dhabta ah. Xisbiga KD ayaa ah xisbi Kiristaan ah, iyagoo u muuqda in ay la soo baxayaan dabeecadaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) oo ay siyaasadooda ka midtahay mamnuuca niqaabka.

Sidee kula tahay xaalada niqaabka ee Sweden? Fikirkaaga ku darso..

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. abdirahman says:

    asc sxb niqaabka waa sharci alle soo dajiyay qof bini aadan ah lagala tashamaayo waa hadal uun oo iska dhahay halagaa sheego qof walbo waa xur soo lama dhihin mase tooda kaliya ayaa xur ah

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  2. Abubakr says:

    Aniga waxaan qabaa horta ugu horeysa kan hadlay iyo kuwa uu u sheegay waa xoolo waliba wayba kasiiliitaan Rabi baan quraanka ku sheegay (اولئك كالأنعام بلهم اضل ) tan kale qofka niqaabka qaadanaayo haduusan iska dhicin karin ama afkooda uusan aqoonin isagoo Rabi ku kalsoon oo amirkiisana fulinaaya inuu xaq yahay iyo in kale u sheegaya oo waliba si macruuf ah. haduusan karin ha isaga tago meel laga jecel yahay ayaa jirto Arlada Ilaahayna waa waasic. Diinta gariib ayay ku bilaabatay weyna ku dhamaaneysaa ayuu yiri Nabigeena udgoonaa NNK. waxaan wax ka daran ayaa ka imaandoona Yurub. hadii lasii joogo.

    mahadsanidiin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  3. Mohamed says:

    Walaalayaal ninkaan waa gaal fakarkiisuuna sheegey, naceyb inuu noo qabana waa ay cadahey oo ciddii jaceyl ka rabtaa iyadey utaalaa. Laakiin bal aan isla eegno indha shareerku inuu yahey amarkii Allaah iyo inuusan aheyn iyo inuu waajib yahey iyo inuusan aheyn Madama dadka qaar ay leeyihiin waa amarkii Allaah oo qofka aanan xirney uu udhigmo ruux ka tagey amarkii Allaah.

    Walaalayaal shareecada islaamka iyo amarka Allaah ee ay ku qorantahey in niqaab laxirtaa ayaan rabaa inaan helo daliilkeeda. Aniga waxaan aqristey tafsiirka aayadda oraneysa { ولا يبدين زينتهن إلا ما ظهر منها} ويحتمل أن يكون ابن عباس ومن تابعه أرادوا تفسير ما ظهر منها بالوجه والكفين، وهذا هو المشهور، ويستأنس له بالحديث الذي رواه أبو داود عن عائشة رضي اللّه عنها أن أسماء بنت أبي بكر دخلت على النبي صلى اللّه عليه وسلم وعليها ثياب رقاق، فأعرض عنها وقال: (يا أسماء إن المرأة إذا بلغت المحيض لم يصلح أن يرى منها إلا هذا، وأشار إلى وجهه وكفيه)
    Aaayadda Abdullahi Ibnu Cabbaas iyo kuwii ku raacey waxaa ay ku fasireen Xijaabka in la’adkeeyo inta soo harteyna waxaa ay ku fasireen wajiga iyo calaacalaha gacmaha inta ka sokeysa canqowga. Xadiith-kuna waxaa uu sheegayaa in Nabigeena CSW uu yiri gabadhu haddii ay gaarto xilliga caadada (Qaangaarka islaamka) wajiga iyo gacmaha meel aan aheyn mabanaana in laga eego. Wax iibsiga marka layimaado waxaa culimadu sheegeen in wax laga iibiyo ama laga iibsado qof aanan wajigiisa la’arkin iney mamnuuc tahey. Intaas kaddib

    Wallaahu Aclam.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Aqfash says:

    Indha shareerka waajib ma ahan qur aan kaas aa soo qaadatay ne woxoo ka hadlayaa gabarta inta laga rabo inee qariyo iyo inta aan laga rabin oo aan waajib ka ku eheen sida waji iyo gacmaha إلا ما ظهر منها cabdulaahi ib nu cabaas woxoo ku fasiray waji iyo gacmaha lkn gacmaha oo dhan ma ahan ee waa calaacalaha iyo gacmaha dhabarkooda . Diinta sidaas ayee qabtaa in sha shareerka waajib ma ahan qolyahaan cusub ayaa waajib ka dhigeen lkn.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Aqfash says:

    Teeda kale mowduuca aa ka hadli rabtay iyo adilada aa soo qaadatay shuqul iskuma lahan walalle mohamed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Nöjd person says:

    Yes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SDYes! SD

    Vad skönt för oss svenska somalier som röstade på SD 2014. 13.4
    Nu slipper vi äntligen slamismen, moskeér och Bönerop på våra gator och torg.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3