Dadka internetka isticmaala oo laga qaadayo lacagta telefishinka

3

Maxkamada ku taala magaalada Luleå (förvaltningsdomstol) ee waqooyiga Sweden ayaa go’aamisay in dadka TV-ga ka daawada Internetka ay tvwaajibtahay in ay bixiyaan lacagta telefishinka ee hada laga qaado dadka telefishinka u yaalo. Maxkamada ayaa amartay in haddii qofka uu internet ugu jiro ay waajibtahay in uu bixiyo lacagta maadaama uu internetka ka daawan karo telefishinka.

Go’aanka maxkamada ayaa ka dhigaya in dhamaan dadka internetka isticmaala ay bixiyaan lacagta telefishinka xitaa haddii aysan internetka ka daawan telefishinada sida SVT 1, SVT2 iyo kuwa la midka ah. Iyadoo ay horay dad badan dhibaato ugu qabeen bixinta lacagta telefishinka isla markaana ay dhowr jeer ka dacwoodeen in uusan telefishinka u yaalin guriga ayaa go’aankaan maxkamada waxa uu guud ahaan meesha ka saarayaa marmarsiyahaas, iyadoo hada ay waajibtahay in qofkasta uu bixiyo lacagta.

Shirkada Radiotjänst oo qaabilsan ururinta lacagta telefishinka ayaa sheegtay in ay sidii hore ku wadayaan qaabka ay lacagta u qaadayaan iyagoo dadka telefoon ku wici doona ama guriga ku booqan doono si ay uga dalbadaan in ay lacagta bixiyaan. Go’aanka maxkamada ayaa la filayaa in uu aad u kordhiyo dhaqaalaha ay Radiotjänst ka qaado dadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here