Dadka soo galootiga ah oo shaqooyin badan ka helay Sweden

Warbixin ay soo bandhigtay Hay’ada Tirakoobka Sweden (SCB) ayaa lagu sheegay in ilaa sanadkii 2006 ay dad somaliska-jobbgaaraya 230,000 ay heleen shaqooyin cusub. Dadkaas ayaa inta badan waxay ahaayeen soo galooti. Tirada shaqooyinka ay heleen soo galootiga ayaa lagu sheegay in ay gaarayso 160,000 taasoo u dhiganta qiyaastii 70% dhamaan shaqooyinka cusub.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag oo la hadlay idaacada Sweden (SR) ayaa u sheegay in arintaan ay tahay horumar fiican isagoo intaas ku daray in ay ku guuleysteen in ay shaqo u abuuraan dadka ay ku adagtahay shaqo helida. Balse waxa uu qirtay in wali ay jiraan culeysyo qaasatan xaga dhalinyarada ah.

Warbixintaan ayaa ah sawir ka duwan midka dhabta ah ee ka jira Sweden oo ah meel ay ku adagtahay in dadka soo galootiga ah ay shaqo ka helaan. Dadka soo galootiga ah ee aan shaqada haysan ayaa aad uga badan kuwa Swedishka ah. Waxaa lagu qiyaasaa in qofka cusub ee wadanka Sweden soo gala ay ku qaadan karto ku dhawaad 10 sano in uu shaqo helo.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. F.M says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  2. hebel says:

    waxaas waa sheqo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Mohamud says:

    Wadankan shaqo iyo fursad waxbarasho way yaalaan laakiin dadkeena ku cusub wadanka waa inaynu fahanaa sidaynu uga faa iidaysanlahayn.
    Waxaan idinku caawinkaraa talo fiican cidii daneenaysa: Wadankan hadaad doonayso inaad ka shaqaysato marka ugu horaysa luuqada xooga saar waa furaha koowaad ee guushada, kadibna waa inaad samaysataa oo waliba barataa xirfad ka mida xirfadaha wadankan looga shaqaysto ee ad waliba isleedahay waad ku fiicnaan doontaa. Hadaa sidaa samayso waxaa si fudud ku heli doonta shaqo iyo waliba saaxiibo wanagsan oo mar walba ku garab istaaga.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1