Dayax gacmeed dhulka ku soo dhacay

Dayax gacmeed ay leedahay hayada NASA ee Maraykanka ayaa dhulka ku soo dhacay kaasoo la filaayay xalay. Dayax gacmeedkaan ayaa la sheegay in shidaalka uu ka dhamaaday isla markaana aan la kontorooli karin iyadoo xitaa NASA ay ku adkaatay in ay ogaadaan halka uu ku dhacay iyo saacada saxda ah ee uu dhacay.

Waxay sheegeen in uu ku kala firdhaday dhul gaaraya 500km oo inta badan ka tirsan badweynta basafiga iyo agagaarka qaarada Afrika. Nasa ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay ogaato halka uu ku dhacayo dayax gacmeedkaan oo culeyskiisa ka badanyahay 1000kg balse waxay sheegeen in uusan wax qatar ah ku ahayd dadka maadaama uu ku gubtay marka uu dhulka soo galay oo boqolaal qeybood u kala goay.

Dayax gacmeedkaan ayaa la diray sanadkii 1991 isagoo ay ku baxday 750 milyan oo dollar.  NASA ayaa qiratay awood la’aanta ka haysatay in ay qiyaasaan goobta uu ku dhici doono. Haddii u dad ku dhici lahaa ayaa la sheegay in NASA ay saarantahay masuuliyada in ay bixiso wixii magdhow ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Guuleed says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 10

    • Jimcale says:

      Sxb iyaga xitaa ma garanayaan meesha uu ku dhacay ee waxay sheegeen in uu dhul gaaraya 500km uu ku firiray. Marka warka si fiican u akhri inta aadan eedeyn soo jeedin.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  2. ramla says:

    hilmaam hadal kumajiro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. smartboy says:

    dadka qaar fahankoodu wuu maqanyahay. bal ruuxan muxuu jimcaale ku heystaa. sxb dayax G wax og maleh meeshuu kudhacay kuwii lahaa waxaa ugu wardanbeysay isagoo dhulka soo aaday ee mucaarad nimada iska daa.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. abdiasis says:

    s.c.w
    soomaalidu si fiican wax uma hubsadaan ! waa wada seef la bood hadda bal qofkaan fiiri wuxuu eedaynayaa qof kale laakiin hadduu si fiican u akhrin lahaa war bixinta wuu fahmi lahaa . hal sadar baa la khrinayaa kaddibna warkii baa lala boodayaa . waa yaab!

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  5. beelo says:

    nikan guuleed la baxayoow walal maad wax hub satid mise goraalka ayaadan si buuxda u agriye agoonin igana raali ahaaw mida kale wuuba soo faah faahiyey jimcaalee sow maadan arag xitaa ayada ayaan ogayn meesha uu ku dhacay marka walal intii aan lees aflagaadaynin hurta aan wax hubsano ayaan idin dhihi lahaay goladaan soomaliskana way mahadsan yihiin sida shafta leh oo ay mar walba agbaarta noo soo gaarsiiyaan adna walal iga raali nogo hadii aad hadalkayga ka xumaato a s c

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Somaliyeey says:

    Cajaa ib
    waxaan la yabanahay sida aad ooga wada hadasheen fikirka iyo dhaliisha guuleed ka gudba qof walba ma ahan in uu ku noq noqdo waxa uu ku jawabay qofka kale suasha waxa ka jawabay jimcale adiinka ka gudba waa maxay fakirka
    ‘ Maxaa dhacay soo NASA ma aysan dhihin Sweden ayuu ku so dhacayaa Isbuuc ka hor miiyey noqotay fashil Waxay ku qiyaseen quburada NASA in uu ku so dhici doono GÖTTEBORG , Mida kale jimcale dayax gacmeed ku waxa uu la egyahay mugisa ayaa la dhahay 545 kg adiga na waxad ku dartay 405 kg halkeed ka soo gurisay ?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2