Denmark: Iskuulkii ardada ku qasbay in ay tijaabiyaan hilibka doofaarka oo arintaas ka noqday

Sidii aan qornay bishii la soo dhaafay iskuul ku yaala magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark ayaa la cambaareeyay ka dib markii uu ardada Muslimiinta ah ku qasbay in ay dhadhamiyaan hilibka doofaarka.

Hadaba waxaa muuqata in maamulka iskuulka Copenhagen Hospitality College ay ka noqdeen go’aankoodii ka dib markii si weyn loo cambaareeyay oo lagu tilmaamay in ay yihiin cunsuriyiin. Maamulka iskuulka ayaa xitaa ardada u keenay nin isku sheegay in uu yahay Imaam masjid oo sheegay in ay caadi tahay in hilibka la dhadhamiyo. Iyadoo taasi ay keentay in qaar ka mid ah ardada Muslimiinta ah ay hadalkiisa qaataan.

Si kastaba ha ahaatee ardayga lagu magacaabo Ikram Korkmaz oo ka soo jeeda Turkiga ayaa arintaas ka biyo diiday isagoo isku maray dhamaan maamulka iskuulka ka dibna dacwad u gudbiyay wasaarada waxbarashada.

Iskuulka ayaa hada sheegay in ardayga aan doonayn in uu dhadhamiyo hilibka ama qamriga uu waydiisan karo in ardada kale ay u tijaabiyaan.

Dadka qaar waxay isku haystaan ma la dhadhamin karaa mise maya? qaar waxay leeyihiin lama  taaban karo? qaarna waxay leeyihiin lama karin karo. Waxaan jawaab ka sugnaa waa culumada waxay ka leeyihiin arintaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. ayan abdirizak says:

    Laxowla wallaquwata illa billah.Maxaa arintaan looga shakisanyahay.Weey cadahay in doofarka iyo khamrigaba xaraam yahay.Hilibka doofarka bakteriyo baa ku jiro oo xanuuno ayuu keena khamrigana waa loo dhinta oo xanuuno badan buu keno iyo weliba gaalada ayaa ku uro.Galko wuxuu doonaya inuu muslimiinta inoo dad daciif ka dhigo shaydaan baana wato.Ayaga ayaa qalbiga iyo jismigaba ka xanuusan marka ma hadalkooda ayaa la yeelaya anago ilaahay cafimad iyo imaan nasiiyay ? taasi waa su’aal.mida kale wariidiinta iney caruurtooda wacdiiyaan waa farad oo waa lagu leyahay.caruurta hadey dembi ama khalad galan ayagona waxba ka ogeyn arintasi dembiga waridka ayaa leh.Waxan waridka waajib ku ah inuu caruurtisa bulsho wanaagsan uso wareejiyo.
    Arintaani wax culumada la weeydiyo ma ahan,waayo inaga ayaaba og inuu khamriga iyo doofarkaba karahsi iyo xaraam yahay.Diinteena islaamka dhawac weyn baa garay ee in la digtoonado ayaa fiican oo la iska ilaaliyo gaalada sharkeeno.Caruur iyo dad waaweyn oo badan baa dhawac garey oo imaankooda hos u dhacay,gaalada daradood.Hada waxaa muhiim ah inaan inaga iska ilaalino sharkooda.waxey keliya doonayan iney diintena naga saraan,sheydaan bana wato.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Bashir abass says:

    As,ilahay ayada badan ayu qurankisa kaga hadlay ,waxa kamid ah surada maida ayada 4 ilahay shayo badan ayu kuxarimay waxa kamid ah no 3 wa khinzir ama dofar,waxa lamid ah eeyga walibo culimada marki lays garabdhigo ayga iyo dofar waxay alkhinziru awlaa minal kalbi,yacni eyga ayay kasokaysin hayan sabab?maxa yelay ayga waxa laysku wafaqsanyahay ayad quran ah iyo axadith kuso aroray bukhari iyo muslimbo in ayga hadi latabaro wuxu qabtay la cuni karo sido kale guryaha iyo xolaha u ilalin karo,iskudar aay iyo dofarbo hilibkoda wa xaran cunid warked daa lama dhadhamin karo hata culimada fiqhiga faracoda hata xaran mathalan aybaa ri rimiyay biqudritalah ilmahas wa xaran,nbiga cw waxu yiri hadi weelkinu afkagaliyo ay dhaqa 8 jer mid carratahay,haa laga fogaado, amaa khamriga wa kaduwanyahay kuwas hadi khamriga khal laga dhigo yacni sarqaan aan lahayn o hadad cabto maankada isbadal ku imanaynin wax dhib ah malahan wa sida cabitanka o kale,blse waxan kacodsan laha musliminta qorba jogta ah inay waxas qurunka ah kadheradan ilahayna utobadakenan,{F.G, ah waxad ogatan in khamrada sarqanka lagu xarimay blse dofar iyo ay waligod xaran ahayeen}as

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. Nimco says:

    Mansha’allah sida wanagsan e bashir noogusoogubiyay mowduucan ajir Allah kasiyo,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Yusuf olad says:

    Dofarka dhadhamin iska daye karintisa ayaba danbi ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Khadija says:

    Asc, walaalayaalow annigu aqoon diineed idinma dheeri balse waxaan ogahay inuu Alle quraankiisa ku xarimey Qamri, Qaansiir iyo Ribadaba. Waxaa nalagu soo galayaa dhadhamiya laakin ogoow waxaad dhadhamisa waxaa ku xigta inaad cunto taas waa wax la hubo. Caruurta muslimiinta Allahayow xafid meel kastooy joogaan adigaa Qafuuru Raxiimee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Geeeeeorge'joorge' Afrax says:

    Difaaca-Hilib-ka doofaarka! WAxaan og nahay in HILIB KHANZIIR OOW KU XARIMAN YAHAY quraan-ka: QURAN(2:174) IYO: QURAN(16:16)! lakiin ma og tahay in oow xitaa ku xariman yahay BIBLE-KA”BAAYBAL-KA” ARAG waa tan aayadaha KITAAB-KA Toraat ee xarrimeysa Hilib-ka Khanziir-ka–>(Old-testment: Leviticus 11:7-8) iyo cutubka kale ee ah DHOOWTRONOMI AMA-‘ Deuteronomy 14:8”
    Lakiin.Hilib-ka Doofaarka waxaa laga helaa oo ku badan; Nafaqada sida:calories, protein, several B vitamins, zinc and iron. oo dhamaan aas aas u ah nonolsha bani aadam-ka, ku waasoo aad ka heli karto, Raashin&hilib-ka caadigaa, sida kan Lo da, wixii la mid ah, WAx cudur Goon ah malahan Doo faar-ka, la xannaaneeyo, oo aan Qashimada Cunin!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  7. Abdullahi says:

    Subaxaana laah Allaw hanoo dhaween hilib doofaar iyo qamriba ee gaalada iska ilaaliya shartooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mohamud says:

    Allahumma ya muqallibul quluub thabit quluubana calaa diinil islaam. war islaamka waxa u dardaarmi lahaa in ay diinta bartaan si ayna cadawgooda iyo cadawga ilaahay u qaldin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0