Denmark oo qaxootiga ka mamnuucaysa in ay guryaha ka baxaan

Inta badan baarlamaanka Denmark ayaa taageeray qorshe cusub oo qaxootiga wadankaasi ku nool looga mamnuucayo in ay ka baxaan xeryaha qaxootiga. Qorshahaan ayaa qaasatan ku wajahan dhalinyarada qaxootiga ah, oo lagu soo rogayo bandow. Ujeedada qorshahaan ayaa lagu sheegay in ay tahay in aysan dhalinyaradaan qaxootiga ah aysan kufsan gabdhaha reer Denmark.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii labo wiil oo qaxooti ah lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen gabdho. Qorshahaan ayaa ah mid waali ah oo haddii ay dowlada Denmark ay hirgaliso noqonaya mid nolosha ku adkaynaya qaxootiga.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Denmark ay soo bandhigto sharciyo lala yaabay, iyadoo sanadkii hore dhaqan-galisay sharci ay ku baaranayaan qaxootiga oo wixii dahab iyo lacag ah laga qaadanayo qaxootiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. luul says:

    asc
    sidey aniga ila tahay mid waa ku saxan yihiin midna waa ku qaldan wexey ku saxan yihiin in ey ka jawaban oo ey ka dhiidhiyaan anshax xumada iyo tacadiyada dumarka lagula kacayo
    mida ey ku qaldan yihiina waa in ey dad aan dembi lahayn xabsi guri geliyaan waxa ka fiicneyd in ey si kale u maareeyaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1