Dhagayso: 23 daqiiqo ayaa u dhaxaysa afurka iyo saxuurta

4

Maanta waxaan wareysi la yeeshay Abdifitah Abdullahi oo ku nool tuulada Kalix ee ka tirsan gobolka Norrbotten ee waqooyiga Sweden. Abditifah ayaa iiga waramay xaalada ay ku suganyihiin Muslimiinta halkaasi ku nool oo dhibaato weyn ka haysato soonka. Qoraxda ayaan ka dhicin Kalix iyadoo taasi ay keentay jahwareer ku saabsan sidii ay u soomi lahaayeen Muslimiinta.

Waqtiga internetka ayaa muujinaya in qoraxdu ay ka dhacdo Kalix 12:14 iyadoo soo baxda 12:37 taasoo ah 23 daqiiqo oo keliya waqtiga ay haystaan in Muslimiintu ay ku afuraan, tukadaan oo saxuurtaan. Abditifah ayaa ii sheegay in Muslimiinta ku nool degmada ay kala raaceen fatwooyin kala duwan iyadoo qaar ay la soomeen wadamada Musliminta, halka qaar kale oo uu ka mid yahay Abditifitah ay raaceen qoraxda.

Dhagaysi wacan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here