Dhaqaalaha wadanka oo hoos u dhacay iyo soo galootiga oo la eedeeyay

Wasiirka maaliyada Sweden Anders Borg ayaa saakay soo bandhigay miisaaniyada dowlada ee xiliga kuga taasoo muujiyay in shaqo la’aantu ay kor u kacday.

Inkastoo Sweden ay ka badbaaday dhaqaalo xumida ka jirta wadamo badan oo Yurub ah, ayaa hadana wasiirku soo bandhigay in ay xaaladu ka liidato sidii sanadkii hore marka laga eego xaga shaqo la’aanta oo ay ugu horeeyaan dadka soo galootiga ah iyo dhalinyarada.

Soo galootiga ayaa si guud loogu eedeeyaa in ay yihiin dhibaatada hortaagan in ay yaraato shaqo la’aantu maadaama ay in badan ku xiranyihiin cayrta oo ay ku qaadato qofka soo galootiga mudo dheer in uu shaqo ku helo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay guryo la’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn sida Stockholm, isagoo sheegay in taas lagu xalin karo in la fududeeyo kala kireysiga guryaha ee loo yaqaan gacanta labaad.

Dhinaca kale dowlada ayaa cadaadis ka saaranyahay dhinaca fikrada codbixinta iyadoo la soo bandhigay in taageerada xisbiga Social Demokraterna ay aad kor ugu kacday, halka tan dowlada ay hoos u dhacday. Haddii maanta doorashada la qaban lahaa ayaa dowlada looga guuleysan lahaa si aqlabiyad ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. Mohamed says:

    soo galootiga ayaa la iska eedeeynaa soo galooti yaana been laga sheegin wadankan waa waba fahmi la,ahay siyaasadooda suuqa shaqada maalin walba ayaan shaqa raadinaa erfaranhet ayaana dadka lagu wareeriyay marka sidee qofka shaqa ku helayaa hadii wax kasta lagu xujeeyay lager oo ah shaqada ugu fudud ayaa laga dhigay mid adag oo qofku oo san sahal ku heleeynin ilama ahan in soo galootiga oo dhan oo ku qanacsanyahay 3000 iyo wax la mida oo ceyr uga imaado qofna ma kaafiso 3000 wadankaan cid waliba waa ogtahay wabilaahi towfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 1

  2. somali dhalad ah says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 7 Thumb down 13

  3. MASSAGO Till Somali dhalad ah says:

    Horta beeen kuma sheegin yurub 2000 wixi kadib soo galay filin dhamaaday ay tikid uu soo jarteen lkn hadada saas ay tahay waxeey kun mar dhaantaa Somalia oo cawada waxaad cunto iyo meelaad seexato kama wal walaysid rabtaan iyo amaan inkastoo xiliga nafta laqaadaaa looxul maxfuud lagu qoray oodan kana hor mareeyn kana daba mareeyn. Tan kale oon rabo inana iftiimiyo Anders Borg maxaw u eedeeynaa Soogalootiga wadanka shaqa la,aanta kajirto ay dhinacooda kaqabaan waana wax sharci ay u lee yihiin ineey qaadtaan ciirta ama so dhaweeynta 2-mada sano ah

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 4

  4. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Ninkí shaqeysto ayaa sharaf leh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  5. Maxamuud .n says:

    Ninkan isku magacaabay somali dhalad haddaad moodday in cayda ay faantahay waa wax xun ilaah qofkii wax caaya waxaa uu u diyaariyey cadaab adag waa adookale oo munaafaq ah oo umadda musulim ah wax ka sheegay waliba adoo kaniisad ka shaqeeya oo caruurta gaalad xaarka ka dhaqa baad somali caayeysaa adiga isfiir oo kaniisadda ha ku dhiman diinta u soo laabo wax xalal radso

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. abdi says:

    Asc Runtii waa run waxa bada lagu eedeynayo soo galootiga sababto ah waxaad arkey dad badan shaqo helikaro hada rabin marka aad weydiiso wuxuu ku le yahey waxaan heesta 8 cunug maxaan shaqo ku fala marka waxaas wax fiican mahan ,,tan kale wiilka soo qorey 2000 dadka ka danbeyey eey aya afilinkooda cuney runti aniga wadankan waxaan imaadey 2004 hadana waxaan shaqo fasti ah ilahey iga siiyey kommunalka runta shaqadasna kuma helin jiif aan jiiftey waa dadaaley daadaalana wuu garaa ee fadhiga hala kaco waa iga talo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  7. cayrdiid says:

    anigu sweden baan joogaaa hadana waan shaqaystaaa alxamdu lihaah mida kale waxaad arkaysaa qof anan shaqayn hadana isla wayn waxaana u badan haweeenkeena jooga scandanevian-ka waxaa naga jaanis fiican dadka kunoool wadama english looga hadlo waayo dadkaasi waxaaay bartaan cilmi kan sweden jooga ama joogta maxaay barataa waxaay ku wareersheen fsi ga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  8. C/k says:

    Soo galooti maba arkin aniga meel uu wax uga sheegay, laakiin dhaqaaluu ka hadley bes Wasiikaani waase dhici kartaa in wax aan saas aheyn ka sheegay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. huseein says:

    dadka hala siiyo shaqo iyo guryo maadaama hadal ka aan leehay waxaa aad arki qof jooga shan sano oo jooga. Dad badan baa arki oo shaqo la’aan ah.maxaadaray dowlada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. raaxeye says:

    kkkkkkkkkkkkkkk ma ogi waxa daaray dowlada shaqa leey kuhaysaa mana siisooheee muruq maal ayaan nahay cml llz

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. najmo says:

    asc wan idin salaamay walee waxan maqli jiray waxa nin dhintay loo tabaa waa ka jooga waxmatara nimadiisa wa raga somaliyeedow meshaan ha caytamina hana soo af dheraaninee horta wax isku fala oo dhaha isku dalnaye maxa no dana dal ka qanisan sweden kana cimilo wanagsan oo tamarta korontada oraxda aad ka dhalin kartaan idinkoo leh labada bad ee iidiyan owshan iyo bada cas leh laba wabo leh xoolaha dhul u wanagsan taran iyo daqba lehayaad soo gubteen burcad badeed ka noqoteen ciyaalki iyo dumarki madaafic ku layseen malinba shaar noo soo xirateen mar qabiil qabiil mar ururo marna alshabaab war duli duli kale jirinbaa tahiine ninkan dalkiisa ayuu u naxayaahe wax isku fala ama ha idin gursadaan galada ee isku dhiiba hadal maba idiin banaane mashaqeysta yaal xasidiin isku wada ah ayaa tahiine anagana ayagaa no raga ileen rag ma haysanee

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  12. Sogalooti says:

    ASC RUN AHAANTII WAA QALDAN TAHAY DAWLADU WAAYO NIN MA JECLO IN UU KU NOOLAADO AMA UU QAATO WAX AY KU TILMAAMAN CAYRTA WAAYO HADII UU HELAYO SHAQO MAKAA IYAGIIBAA CAYRTA QAATA SWEDESHKU MAXAA LAGA SHEEGA SOOGALOOTI

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Khadija says:

    Haddaan nahay soo galooti waxaan noqonay looma ooyaan, markaan sidan leeyahay waxan ula jeedaa in meel walba oon shaqo ka banaan tahay shuruudo adag nalagu xiro hadana nala yiraahdo ma shaqeystaan.
    Dowladda wadankan car ha fududeyso sida wadamada kale ee USA iyo UK sharuudaha ganacsiga xortaa iyo shaqooyinka fudud ee dowlada bal haddii la arko soo galooti cayr raadsanaya. Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa hashu iyadaa cuneysa iyadaana cabaadeysa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. Khadija says:

    waxan ula jeedaa hashu iyadaa geela cuneysa iyadaana cabaadeysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Siikaawi says:

    To:najmo waxaan ku dhihi lahaa xishood

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Yusuf garaad says:

    Najma raga wixi kuxunyìhin sheegtay nagahana?aniga waxanba qaba somali waxa ay kadagi la’dahay wa dumarka,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. ciilkad raga u qabtaa waynaa yaab. says:

    HORTA DHAMAANTIIN ILAHAY KA CABSADA OO ILAHAY U TOOBAD CELIYA, WAXAAD QORAYSAAN IYO WAXAAD LEEDIHIIN OGADA IN IDINKANA LA IDINKA QORAYO OO MALA IIG GARBIHIINA SARAN TAHAY, DHANKA KALE GABDHUHU WAY XISHOON JIREEN, MEESHA RAG KU WADA HADLAYANA MAY IMAN JIRIN MARKAA INAAD CAYTANTO NAJMAAY WAA LAGA QURXOON YAHAY EE RAGA WAXBA HAKA SHEEGIN, WAA ABAHA IYO WALAALKA IYO KII KU DUMARAYSANAYEY BARI OO MIIDHANE, ISLA XISHOOD WALAALO, IDINKUNA HA U JAWABINA WAA INAN TEENI YARAYD OO INAGU CADHOOTAY OO KALE WA BILAAHI TOWFIIQ.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Abubakr says:

    Doqonkan dhigte durtay hadalkiisa wuxuu la mid yahay nin daad qaaday xumbo cuskay. waan daalnay saan meel walbo CV u geyneynay, hanagu eersheeganin ku dheh.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. haykal says:

    Najmo walal raga somaliyeeed hadiii aadan ku qanacsanayn beryahaan danbe dumarka adigoo kale ahi JAMIIKE ayey raacaayeeen wadadaasina waa kuu fanaantahay raga caydooda ha daadaysan waayo aabahaa iyo walaladaa ayaa ka mid ah raga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. seynab says:

    najmo wan kugu racsanahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Hooyo somaliyee says:

    Smc To Najmo: Walaal dumar ayaad tahay ilaahay kacabso. Caro yaysan kulatagin oo waxaad ku hadlayso ilaali.Ogowna in Raqiib iyo Catiid ay kaaqoraayaan waxaad leedahay. Wixii dhacay waa dhaceen waxa dalkii kajirana waa wax xag ” Alaah” wax Looxul-Maxfuudka ku qoran cinda mabaajinkato!!! “Teda kale Walaal Magaca “Najma” Anaa laydhahaa ee xumaanta nooga daaa! Oo hadaad wax caayayso fadlan magackale soo qore!!!!!!!!!!!!wabilahi toow fiiq!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. abdi says:

    Asc dhamaan walaalayaal in aan is aflagaadeno wa wax laga fiicanyahey marka aan isku dayno in aan ka hadlno kaliya waxa meesha yaalo wadanka sweden shaqo la aan wey ka jirta wasiirkana wuu iska hadley waa soo galooti naceeb ayaa u geynayo hadana ..WADAN AAN WADANKADA AHEEN IN LAGA AMAANO WALIGAA HA SUGIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. csdefidow says:

    asc dhamaantiin inta muslimmnta ah ileen kuwa cadeestay gaalnimadooda ayaa nala wadaaga wapka.
    tankale nejma jawaab umaheeno ilaah ayaana laxisaab tamayay taasna halkaas aan uga gudubno.
    waxaan isweeydiiyay oon rabaa in aan halkaan kusoo ban dhigo horta markaad maqashaan soogalooti maxaad aad uga hadashaan ma adinka keliya miyaa soogalooti ah umad badan ayaad kamit dahiiin waxii eey maraana waad laqabtaan ee haku mashquulina gaaladaan warkooda ilaah waxii inooqoraan lakinmeenaa.
    tana maha wax lagu farxo joogitaankeeda shaqo waxaa iigu danbeeysay markaan soomaaliya kasoo tegay.
    meeshaana shaqo in eeysan jirin shacabka iyo doowladuba weey og yahiin ee arinkaan waa arin dabada kuhaya siyaasada wadanka iyo xisbiyada ee ka gudba.
    asc dhamaantiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. qURESHA says:

    ASC WALAAL SOMALIADA WEY SHAQEYSAN LAHEEDE MA IKAA IDIIN OGOOL SHAAQO SWEDENKA ODEYGEYA WAX KA SHAAO JACEEL MALAHA HADANE WUU LA YAHEY MARKA SOMALIDA DHAN MAHA WAXAN SHAAQEYSANEEN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. qURESHA says:

    BALSE ARAMHII ILMAHA ISKU KEENIDAA XAGEE MAREYSAA LAABO AA IKA MAQANEE ILAAHEY HA II KEENO IYO INTAA EY ILAMAHIISA KA MAQANYAHEENE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. najmo says:

    asc walaaha somaliyeed dhamaan YUSUF GARAAD IYO HAYKAL walaala yaal anigu ma cay raga somaliyeed wayo way ila dhasheen wiilala abahayna wiil somaliyeed buu ahaa ana gabar somaliyeedban ahay mida kale yusuf alaha ka cafiyo hawen wadanka ma u diidin nabad ragaa u diiday mida kale haykal aboowe alaahu ma najaynaa jemekan iyo wax u eg war aniga wiil aan somaali ahayn mawa igeeyo haduu islaam ila wadaago xataa mahi aboowe kuwa jamekanka raacay mida kale markan arkoo sweden say u hadlayso waxan ku xanaqa wiilasheena oo ayagoo dhulkaan ogaa leh melkasta masjidka ahay hadana ka dortay kaniisad inay arkaan subax kasto oo an eedan iyo masjid ka jirin maka taas waxan idiinka radinayeye dameer inaad isku yeeshan hadaa qalad u aragteen sorry dhamaan wiilasheena kkkkkkkkkkk dulqadku ka wada dhamaaday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. najmo says:

    asc to hooya somaliyeed eedo hadaa najmo lagu dhaho adeey ku taal magaca hooyadaa kaliya ma u ahayn sad anaba hooyaday aa iila baxade mana ka cararo wan ku qanacsanahay mana qadanayo magac an lee dhihin okej maka hadaa najmo lagu dhaho ma soo qadatid why isku qarinaysaa ma dadbaa soo dishay oo dabiile ma tahay wad ila qaldan yahay hadalkaga kow waa saxneed lakin gadan aad uga ciyaarte eedo sorry

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0