Dhaqtar diiday in uu daaweeyo haweenay Muslim ah

Haweenay Muslimad ah oo ku nool magaalada Malmö ayaa dacwad ka gudbisay dhaqtar ka dib markii uu diiday in uu sjukhusdaaweeyo. Dhaqtar ayaa diiday in uu haweeneyda daaweeyo ka dib markii ay diiday in ay gacana ku salaanto. Markii dhaqtarka uu gacanta u soo taagay ayay gacanteeda shafka saartay iyadoo salaanta sidaas uga qaaday.

Balse dhaqtar ayaa sheegay in uu arintaas ka xumaaday isagoo sheegay in uusan daaweyneyn haweeneyda. Warbixinta ayaa lagu sheegay in haweeneyda aysan codsan in dhaqtar dumar ah ay la kulanto oo ay sheegtay in ay caadi tahay in uu daaweeyo dhaqtar nin ah balse aysan gacanta ku salaami karin diinteeda darteed.

Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen – DO) ayaa sheegay in arinta lagu sameeyay haweeneydaan ay tahay cunsuriyad ku dhisan qofka diintiisa. Waxay sheegeen in aan qofka daaweyn loo diidi karin salaanta darteed. Arinta haweeneydaan ayaa la filayaa in sanadka cusub maxkamad looga doodi doono.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dood ay ka dhalato salaanta. Horey ayay u dhacday in nin Soomaali ah magdhow lagu siiyay ka dib markii shaqo loo diiday isagoo diiday in uu salaamo sheefkiisa.

Arinta aan la yaabanahay ayaa ah in haweeneydaan aysan dalban in ay la kulanto dhaqtar dumar ah, haddii ay u aragto in caadi in dhaqtar nin ah oo uu baaritaan ku sameeyo oo fiisateeyo qeybo ka mid ah jirkeeda. Soo taas kama weyna salaanta?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Osman says:

    Eller hur!!! waxan ka fikirayeyba ma aha wax kale madaama ay naagtu ogolaatey in nin baadho maxay salaantiisa u diiday??? somalida waxa weyn aya ka si ah qar ka mida ah. salaanta iyo jidhkaga nin ha ku baadho kee aya weyn somaliyey???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  2. ALI says:

    walaal mid ogaada ninka magdhawga lagu siiyey salaanta darteed maahan arin fiican oo lacag lagu qaato waa adoo gatay aayad diinta ka tirsan mana ahan arin uu ka dhabeeyey ninkii saas yeelay laakiin kadib ayaa laga daba qaatay kamana hadlin ee kistii ayuu ninkii iska qaatay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Daacad says:

    Asc Somaliska,

    Waalaal waxaan kuu sheegayaa in ninka soomaliga ahaa ee daganaa magaalada Trollhättan, in uu ahaa nin markii hore salaami jiray. Hal maalin yaa asagoo weyso qabo uyuu u imaaday markaa ayeey gacan usoo taagtay asaguna sifiican luuqada muwsan u aqoonin, markaasuu ku yiri naagaha masalaan no markaan weysada qabo, weysada ayeey naga jibinaayaa waa wasaq ayuu yiri. Markaa kadib ayeey tiri naagaha hadii aadan salaameynin halkaa praktik malagaa siinaayo markaasuu dacwooday.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. MR Aniga says:

    hhhhhhhhhhhhh waa aduun boga ka raran dhakhtar aad ogalaatay inuu xitaa ku qaawin karo oo laga yaabo in haweentay ayba waxyaabo badan laga baadhi lahaa oo jirkeeda uu taaban lahaa hadana inaad dhahdo ima salaamaysid lakiin waa i taa taaban kartaa waa arin yaableh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  5. Anwar says:

    Walaal lama cadayn karo in ay tiri waa caadi,aniga ayay arin taas u eg i qabsatay,intaan wadankaan imaaday waligeey la iima qaban tarjumaan aan ka ahayn kan migrationsverket,kaasna waa qasab oo waxaa loo baahanyahay in la xaqiijiyo luuqada wadanka aad sheegatay,waxaana ku hadli jiray ingiriis,dhaqtarkana way iiga diwaan gashanayd inaan u baahnayn tolk,balse maalin ayaan dhaqtarka tagay waxaa i qaabilay gabadhkalkaalie ah oo cadaan ah,waxa ayna ii wacday dhaqtaradii oo qol iigu timid,waxa ay wadatay gabadh Soomaali ah oo iyana kal-kaaliso ah,markii aan xooga dhaqtadii wada hadalnay oo dhibkayga u sheegtay,ayay iga dalabtay inaan dharka baxsho,labadii kal-kaaliso ayaa damcay inay baxaan lkn way ka diiday.calaa iyo xaal waan ka yeelay waxa ay ku wada hadlayeen Swedish wayna qoslayeen anigoo caraysan ayaan kasoo laabtay dhaqtarka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. salmo says:

    Osman walal wa runta lkn sowma ogid diiinta islamka way qabta in nin Dhaqtar ah aadla kulmi karto madama u caafimad kaga wax ku sabsan ka baarayo lkn salaanta qasab maha ooo wad diidi karta

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. seytuni says:

    asc dhamaan asxaabta marka ugu horeysa jimcaale ayaan u jawaabayaa lkn inta aan kuu jawaabin ma shaki ayaa kaaga jira in diinta islaamka ay xaaraan ku tahay in la gacan qaado ama la salaamo qof aan muxrim kuu ahayn waa xaaraam mana ku banaana diinta islaamka inla salaamo qofka kaa ajnabiga ah nabi MUXAMMAD SCW ayayna ka sugnaatay hadii aad daliil u baahantahayna waxaad ka heli kartaa tafsiirka suuratul mumtaxinnah tan labaad ee ah in dhaqtarku baari karo waa u banaan tahay mana aha inaad tiraahdo yaa weyn salaanta iyo baarista waayoo midna ALLAAH SWT ayaa u baneeyay mida kalena u diiday diintu ma aha wax sidi la rabo loo fasiran karo ALLAAH SWT ayaa nagu adoonsaday waana inaan sida ay tahay u qaadannaa wallaahu aclam.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

  8. luul says:

    asc kuligiin wixi an dhihi lahaa seytuni ayaa tiri marka diinta eynu barano waa wax mugdiga inaga saarayee

    wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. abdullahi says:

    dhamaan waan idin salaamay salan KADIB walalyaal qofkii qof ajnabi ah ku salaamo gacantisa waxay lamidtahay adiga oo dhenbil dab ah gacanta ku qabsatay marka ilahay ka baqa walalyaal waa iga dardaaraan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. ileeye says:

    SAYTUNA WAXAAD U EGTAHAY QOF AAN WAXBA GARANAYN HADANA DIINTA ILAAHAY ERAYO KA BAWSANAYA, INAAD FAHAMTO WEEYAAN JIMCAALE QORAALKIISA MARKA HORE INTAANAD U JAWAABIN, KHALADKAAGANA AAN KUU FASIRO, HORTA WAA XAARAAN IN AAD NIN AMA GABADH AAN MUXARIMKAAGA AHAYN AAD SALAANTO, ARINTA AAD KU QALDANTAHAY AYAA AH IN GABADHAN SALAANTA DIIDAY MASANA YEESHAY IN NINKAN RAGA AHI BAADHO DARUURO MA U GAYSAY AMA MEESHA MA GABADH DHAKHTARADA AYAY WADAY , JIMCAALE WUXUU KU YIDHI GABADHU MA AYSAN BALANSAN DHAKHTARAD DHADIGA (GABADH AH)AYADOO HELI KARTA EE WAXAY BALANSATAY DHAKHTAR lAB AH ( NIN AH )OO AY KU SHEEGTAY IN UUSAN SALAAMI KARIN BALSE UU BAADHI KARO, MARKAA SAYTUUNI IYO LUUL OO KU RAACDAY WAXAAN IDIN WAYDIIYAY BAAHIDA NINKAN U GAYSAY EE AYADOO GABADH HELAYSA KA DOOR BIDAY MAXYAY TAHAY, HADII AAN DHAKHTAR GABADH AH LA HELAYN TAASU WAA BAAHI GARA OO DANI KUGU KHASABTAY WEEYAAN BALSE TAN HADA LAGA HADLAYO, IDINKU BAL KA FAKARA DAD CAQLI LEH AYAAD TIHIIN MEESHA MIYI LAMA JOOGO, TEEDA KALE HA FADWOONIN WAX AANAD CILMI U LAHAYNA HA ODHANIN ILAAHAYBAA BANEEYAY, HADII KALE WAAD KA NAAS NAASIN DOONTA, WABILAAHI TAWFIIQ.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  11. seytuni says:

    asc dhamaan walaalaha fikirkooda halkan ka dhiibtay marka xigta Ileey walaal aniga qof aqoon leh ma ihi lkn waxaan sheegay kaliya inta ALLAAH SWT iga waafajiyay alx walaal waxaa igu tiri ha fadwoonin waxa aadan cilmi u lahayn oo ha dhihin ilaahay baa u baneeyay run ahaantii u maleyn maayo in aan ku qaldanahay in qof kaa ajnabi ahi ku dabiibi karo ama ku daweyn karo tan dalbashada ah ee aad soo hadal qaadayna qofka duruufteeda qaaska ah annaga war kama hayno waxaaba laga yaabaa in xanuunka qofka hayo dartiis aysan sugi karin waqti badan oo ay qof dumar ah ku dalbato mana jirto hadii duruufi timaado wax u diidaya inuu ninku daweeyo taa halkaa ayaan kaga baxayaa tan salaantana waa iska caam oo qofkasta waa uu fahmi karaa mana aha in gabadhan lagu eedeeyo maxay salaanta u diiday waa ay ku saxantahay in ay diido salaanta ajnabiga wallaahu aclam.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. F.M says:

    Laakiin Jimcaale dhaqtarku jirkeeda in uu taaba lahaa iyo in kale meesha kuma cada qasabna maahan dhaqtarka inaad u niyootid in uu jirkeeda taaba lahaa waan anqaa Sweden iyo dhaqaatiirteeda iyo sida ay u shaqeeyaan dhaqtaradu. Dhaqtaraduw ey dhageystaan badanaa dadka wax bayna ka qorqoraan, jirka markii la taabtaa waaba mar uu dhaqtarku wax fiican kuu qabanayo. Jirkana haweeneydu kama jiraneyn waxaa ka horeysain horta waxa haya la dhegeysto ka diba sheybaar amaba wax yaabo kale ayauu u diri lahaa. Dhaqtarku haduu jirkeeda rabo si hoose in uu u taabto waaba taaban lahaa waana u sheegi lahaa. Laakiin taasi ma adhicin weyna u sheegi laheyd haday rabto in ay la xiriirto naag markaas ka dib.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1