Dhibaatada qurbaha, qamriga iyo dariiq ku noolaashaha

Wiilka lagu magacaabo Abdi Mohamed waxaa uu Sweden so galay sanadkii 1983 isagoo 8 sano jir ah, isagoo xiligaas ka dib aan dib ugu noqon wadankii isla markaana aan la kulmin familkiisa. Abdi Mohamed oo warbixin dheer uu ka qoray wargeyska Situation Stockholm ayaa ka waramay dhibaatada ka haysata qurbaha, daroogada iyo jaceylka uu u qabo in uu mar dib ugu laabto dalkiisa oo la kulmo hooyadiis.

“Ma arag hooyaday ilaa xiligii aan ka soo tagay, ma xasuusto siday u egtahay, xitaa ma haayo sawirkeeda” ayuu ku yiri wargeyska´Abdi Mohamed, oo hada ku nool dariiqyada Stockholm isaga oo isticmaala maandooriyaha, qamriga iwm. Waxa uu sheegay in xiligii hore uusan jeclayn in uu ka hadlo isticmaalka maandooriyaha balse hada uu dareemayo in la gaaray xiligii uu xaqiiqada ka hadli lahaa iyo familkiisa.

“Labo sano ka hor waxaan wacay hooyaday, aniga oo u sheegay in waqtiga kale ee aan soo waco aan kulmi doono. Balse dib uma aanan wicin aniga oo ku mashquulsan qamri cabid iyo isticmaalka daroogada. Hada waxaan doonayaa in aan ka baxo, waxaan galayaa caafimaadka oo waqtiga ugu horeeya ee aan ka baxo daroogada waxaan wici doonaa hooyaday oo waxaan u sheegi doonaa in aan jeclahay” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata Abdi Mohamed.

Dhibaatada ku dhacday Abdi Mohamed iyo Soomaalida la mid ah ee ay ku adkaatay nolosha qurbaha ayaa ah mid xanuun badan, iyadoo aad dariiqyada Stockholm iyo magaalooyinka kale ku arkayso dad Soomaali ah oo wadooyinka qamri ku cabaya oo aan haysan cid daryeesha. Dadka Soomaalida oo lagu amaani jiray in ay isdaryeelaan ayaa u muuqda kuwo ka leexday wadadaas markii ay qurbaha yimaadeen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. omari says:

    Walaalkaan dhibatada heysato aad bey iitabatay, waana dareemayaa dhibaatada haysato. Wey isoo martay aniga ilaaheyana mahada leh. Walaalken iyo walaalaha kale lamidka ah allah dhibaatada haka qaato, wado kheyr allah hatuso. AAMIIN.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  2. nawal says:

    ilahay hasohanunsho walal kaducayso hooyomacan ilahayna hakabixiyo dhibatada adkujirtid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  3. abdulkadir says:

    allaah ha ka saaro lkn isaga lee is duleeeyay illaah ma dhihinoo khamri ha cabina ma diidinoo hadalkii illaah ka xaaxaabi hee ayaku dayanina iska dhaaf khamri ku soo noqo nolosha

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 4

  4. luul says:

    asc
    waxan leeyahay ilaahey ha kaa reebo balwada balse warka jimcale ee ah somalida markey qurbaha timid ayey diiday in ey is kaalmeyso horta waa sax in ey sii kala fogaa neyso soomaalida lkin weligeed soomaali uma naxariisa jirin aalkoliste

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  5. wadani says:

    jimcale, adigaa wariye ah e ma isku dayday dhalinyarada wadada qamriga iyo daroogada ku isticmaalaan inaa ka wareeysato daaruufaha kukaliftay? soomalida badankood qofka qamriga iyo daroogada isticmaalo uma arkaan bini,aadan. taasina waaqalad weyn… aniga waan wareeeystay kuwa qamriga iyo daroogaada isticmaalaan, weli kuwa iibiyo daroogada xitaa. jawaabta ankahelayna dadbadan mafilankaraan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  6. Waaya Arag says:

    Badanaa dadka ku nool qurbaha waxaa ku kalifa balwadaha waa isku buuq xaga maskaxda ah (Stress and Depression) iyo cadaadis ku yimaada noloshiisa, gude iyo dibadba. sida nolosha looga dhaco wadankana aad bay u sahlantahay.Somalida ayaase ah sababta uugu weyn ee dadka sii galiya beerta, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in qofka lagu cunsuriyeeyo ama lagu caayo waxaas uu dawada ka raadinayay, laga yaabi lahaa hadii dad badan si degan loola hadlo oo loo waaniyo inay iska daayaan. dadka caba khamriga ama xashiishada waxaan ku waanin lahaa inay yihiin iyagu kuwa wax ka badali kara noloshooda. noloshana fursado badan ayaa kusoo maraya habeen walba oo madoow maalin cad ayaa ku xigta.maalin walboo xuna maalin fiican ayaa ku xigta.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  7. harmaaw says:

    maxay ku kugu jawaabeen? noo sheeg aan ogaane.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. laki says:

    waayo arak waaa tahay wlhi masha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ibrahim Omar says:

    asc soomali meel walbeey joogto allow dalkeeni oo nabad ah oo dagan oo dowlad daacad ka dhisantahay nagu wada celi, tan labaad ilaah hasoo hadeeyo dhamaan dhalinteena dhuntay Abdi Mohamed isna allah rajadiisa ha u sahlo ee ah in uu ka caafimaado hooyadiis dhashayna uu ola midoobo. aamiin aamiin aamiin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0