Dhibaatooyinka masaajida lagu hayo oo baaritaan lagu samayn rabo

0

Qaar ka mid ah ururada muslimiinta ah ayaa damacasan in ay sameeyaan baaritaan balaaran oo wax looga ogaanayo hanjabaadaha iyo dhibka lagu hayo masaajida Sweden inta uu la egyahay.
Idaacda Sweden ayaa baahisay in gudiga musliinta Sweden ay aad oga walaacsanyihiin in sanadkii tagay waxyeelo la gaarsiiyey dhow masaajid iyo xarumo kale oo lagu tukado.
Sida la sheegay sanadkii tagay waxaa sara u kacay hanjabaadaha masaajida ka dhanka ah. ” Waqti unbaa naga xiga inta qof laga dhaawacayo amaba laga dilao,” sidaa waxaa warbaahinta ku tiri Helena Hummasten oo gudiga musliimta Sweden ka mid ah.
Helena ayaa sidoo kale sheegtay in ay ogtahay in dad badani aad u cabsadaan markii ay masaajida aadayaan.

Baaritaankaan ayaa la sheegay inay maalgalin doonto hay’ad dowli ah oo Sweden u qaabilsan in ay kaalmayso ururada diinta ku dhisan ee wadanka ka jira.
Horaantii January ayey ahayd markii masaajidka Stockholm ugu weyn albaabkiisa lagu xardhay calaamadii xisbigii Nazi-ga.

Dhowr masaajid oo kale oo uu ka midyahay halka masaajid ee Sweden ku yaalah oo maalinta jimcada ah adinkiisa banaanka laga maqlo ee xaafada Fittja ku yaalana waxaa la soo dhigay madax doofaar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here