Dilaagii Norway oo laga yaabo in bulshada dib loogu soo dhexdaayo

Dhaqaatiir baarta cudurada maskaxda ku dhaca oo maxkamadi u xilsaartay in ay baaraan xalada caafimaad ee Anders Behring Breivik, oo ah ninkii gaystay xasuuqii ka dhacay Norway jasiirada Utøya 22 jully galaaftayna nafta 77 qof oo 2 ka mid ahi soomaali ahaayeen, ayaa sheegtay in ninkaas maankiisu uusan sax ahayn markii uu dilka geysanayay.

Hadii hadalka dhaqaatiirta aan dib loogu noqon oo sida ay u soo saareen loo qaato sida sharciga Norway qobo waxaa meesha ka baxaya in ninkan xabsiga lagu hayo si loogu ciqaabo xasuuqii uu gestay, waxaana taasi badelkeeda la gaynayaa halka lagu xanaaneeyo dadka dhimirkoodo aanu caafimaadka qabin ilaa inta uu bulshada qatar galin karo.

Sida laga soo xigtay khubaro dhinaca quunaanka ah, hadii loo arko in xaaladiisa caafimaad hagaagtay oo aanu bulshada wax qatar ah ku hayn waxaa suurtagal ah in uu bulshada markale ka soo dhex muuqdo oo la siidaayo,taas oo uur-kutaalo xanuun badan ku reebi karta eheladiii uu dadkooda xasuuqay.

Nidaamka cadaaladeed ee reer-galbeedka ayey waalidu caan ka tahay ayadoona inta badan dadka dambiyada dilka ah geysta, si ay sahalanaato amaba meesha oga baxdo caqaabtii ay mudan lahaayeen,ay sheegtaan in aysan maskaxiyan dhamaystirayn markii ay wax dilayeen.

Saciid Cabdi Cusman

Somaliska.com

Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Jimcale says:

    Waa taas cadaalada reer galbeedka. Midkooda xasuuq geysta waxay leeyihiin waa waalanyahay, midkii anaga ah ee ficil kaas la mid ah ama ka yar sameeya waxaa la oronayaa waa argagixiso.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. Abuxudayfah says:

    Nin Muslim ah , haddii uu ficil Sameeyo Muslimiinta dhan waa Wada Argagxiso ayay dhahaan , Kitaabka Quraankana way Gubaan , balse nin Reer Yurub Norwaygian ah haddii uu sameeyo , maxaysan Norwaygianka dadka ah Agagaxiso u NOQON ??

    Cadaaladeey Sheegtaanba Waa Ka Ceeyrtoonyihiin….

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  3. massago says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  4. Khadija says:

    La jiifiyaana banaan aan maqli jirey iyo qaali huurshe sheeko xariiradii laga sheegi jirey waase tiiyoo cilmiyeysan oo shaati weyn loo geliyey.
    Haddii uu maskaxiyan jiran yahay siduu qorshaha intaas la eg u degi karaa kow centerka meel ku dhow xaruntii dowladda ayuu qaxiyay, hadana arday masaakiina oo meel kale oo jasiirad shir u haystay ugu tegay asagoo weliba dharka poliska soo xirtey iskana dhigey inuu warbixin uga sido qaraxii ka dhacay centerka Oslo markay isu soo baxeena baas mariyey asagoon kala reebeyn.
    Waxan rajeynayaa ineysan maxkamaddu go’aan ku gaarin hadalka dhakhaatiirta ee ay guddi kale oo dhakhaatiireed oo ka duwan kuwii hore u magacawdo si ay runta uga sal gaarto.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. dhanka saxda ah says:

    waxaan tageersanahay waxa kasoo baxay dhakhtarada, oo ah inuu yarkaasi jiran yahay, cause of dadkiisa ma laayeen ee kuwa uu neceb yahay ayuu layn lahaa, somalideena kuma badna dadka qaba xanuunada maskaxda, lakiin european ka ayaa la nool cuduradaas, inta badan while ay somalida la nool yihiin dhaqaale daro iyo qabyaalad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  6. gacal says:

    sc all sln kaa dib waa macquul inuusan maskaxiyan wanaagsanayn waayo inta badan dadka an iimaanka lahayn o an khaliqa xiriir la lahayn maskaxdoodu ma dhameestirna nolosha haday dhibyar ku qabsato inuu isdilo xata wey dhacdaa layaabna malahan inuu dad laayo waana suurtagal in barnaamijkan argagixisada o galada ku wareegay ay kasoo horjeedaan o xalkale ay isku dayaan any way meel lagu haayaba ma qabo in dadka lagusoo dhexdaayo maskaxdiisoon fadhin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1