Diyaar ma u tahay in aad Somalia ku noqoto haddii lagu siiyo lacag gacan qabsi ah?

31

Kamuunka Borlänge ayaa soo jeediyay qorshe ay doonayaan in lagu yareeyo tirada Soomaalida faraha badan ee ku nool göteborgmagaaladaasi. Qorshaha ay soo dhaweeyeen inta badan siyaasiyiinta ka tirsan golaha deegaanka Borlänge ayaa isku raacay in la raadiyo lacag la siinayo Soomaalida diyaarka u ah in ay isaga guudho Borlänge oo u laabtaan Soomaaliya.

Ulrik Bergman oo xisbiga Moderatka (M) u fadhiya Borlänge ayaa sheegay in Soomaali badan ay ku jiraan xaalad adag, guryo la’aan iyo in ay shaqo helaan oo qaadan kata 7 sano. Waxa uu sheegay in qaar badan ay ku riyoonayaan in dalkoodii ay ku laabtaan. Waxa uu sheegay in Soomaalida la siinayo lacag gacan qabsi ah haddii ay ku laabanayaan wadankoodii si xor ah.

Kenneth Persson oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa sheegay in uu hubo in ay jiraan qoysas doonaya in ay wadankoodii ku laabtaan isla markaana ay jidho lacag la siin karo dadkaas.

Qorshahaan mid la mid ah ayaa hore waxaa u soo jeediyay xisbiga cunsuriga ah ee SD, kuwaasoo hada ka carooday in xisbiyada kale ay ku halayaan afkooda. Tan iyo markii laanta Socdaalka Sweden ay sheegtay in xaalada Soomaalida ay hagaagtay ayaa waxaa hoos u dhacay xiisaha loo qabo soo dhaweynta Soomaalida.

Dad badan ayaa si ku meel gaar ah ugu noqday Somalia, balse su’aashu waxay tahay yaa diyaar u ah in uu si rasmi ah uga guuro Sweden oo ku noqdo Soomaaliya haddii la siinayo lacag yar oo gacan qabsi ah? Diyaar  ma u tahay in aad isaga guurto nolosha qaboow ee Sweden oo aad ku laabato Somalia? Waa dood furan

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here