Dood wadaag ku saabsan mideynta reeraha Soomaalida oo ka dhacay Norrköping

Booqasho aan ku tagnay Magaalada Norrköping ee Wadanka Sweden ayaa waxa halkaasi ka sameeynay barnaamij ku saabsan sida ay u arkaan Qoysaska Soomaaliyeed ee Familadeedu ka maqan yihiin Go’aanka ka soo baxay Dowlada Sweden kaas oo ah in Sanadka dambe dhexdiisa ay midoobi doonaan.

Marka hore Waxaa hadal kooban oo ku aadan Go’aanka Dowlada Sweden ka soo baxay ka soo Jeediyay Goobta aan Aragtida Qoysaska Soomaaliyeed ku aruurineeynay Xildhibaan Abdulkadir Ahmed  oo ah Mudane Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Norrköping .

”Anigoo ku hadlaya magaca xisbigayga Mp waxan soo dhawaynaa heshiishkan aan lagaarnay Dowlada waxaana filayaa in waalid badan oo ka walwalsanaa caruurtoda oo ku nool qaarad kale nolashooda hadeey ahaan laheeyd xaga cafimaadka waxbarashooda waayo caruurta waa caruurtii mustaqbalka hooyada waxay hooyo ku tahay inay halmeel kula noolaato ilmaheeda aabaha asna waxuu aabe fiican ku yahay inuu la noolaado cauurtiisa sidaan ogahay xisbiga Mp waligiis ayuu u tagnaa xaquuqda dadka soogalootiga tusaale ahaan 2005 waxaa uu ku qasbay dowladii xiligas haysay oo aheed xisbiga socaialdemokraterna inay cafis u fidiso sharcidonayaal gaaraya 30.000 waliba qaar ay ahaayen qaar dhuumasho kaga nool wadanka oo poliska uu radinayay si loogu celiyo wadamadoodii waxaana kamid ahaa Soomali ” Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Mr Abdukadir Ahmed oo ay ka muuqatay in uu aad uga xun yahay wax yaabaha hortaagan in la mideeyo Familada kala maqan.

Sidoo kale Dhamaan intii ka soo Qeyb gashay Barnaamijkaan Sidee u aragtaa ama uu kuula muuqdaa  Go’aanka Dowlada Sweden ka soo baxay waxeey isku raaceyn oo isku mid ay kawada noqdeeyn in ay ku qanacsan yihiin oo ay soo dhaweeynayaan waxeeyna u mahad celiyeen Jaaliyada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Norrköping iyo Wariyayaasha soo BooqdayneenBarnaamijkaan sameeyay.

Qeybtii dambe ee Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday Sidee dhibka uga baxnaa hadii aa nahay Soomaali? Sideen uga qeyb qaadaan Siyaasada Wadankaan?  Sidee Hormar ku gaari karnaa? Su’aalahaasi waxaa la weeydiiyay Xildhibaan Abdukadir Ahmed oo Barnaamijkaan Marti ku ahaa waxuuna ku jawaabay.

”Walaahi aad beey u fududahay marka afka laga dhahayo laakiin waxeey u baahantahay kaliyah waa anagoo gacmaha isqabsano iska iloowno qabiilka iyo xaasidnimada aan iska iloowno waxaana ogaatiin 2014 in dad badan ay codeeyn doonaan hadii alle idmo marka codkaaga sii xisbiga danta umdda Soomaaliyeed u taagan waliba anoo  dhahaya u abaal gud Xisbiga Mp kuna biir xisbiyada si aad u ogaato go’aanka danteena ka hadlaya  waayo hadaa ka maqanahay miiska  sharciga lagu gaarayo  go’aankasta filo  lakin hadaa miiska fadhiso Gacanta tagaanee waana diidaysaa markasta ogoow codkaaga waxbuu tarayaa ee aan ka qayb qaadano  dhanka siyaasada kalana ogoow xisbiga ku tagersan adi.

Isku soo wada duub waxuu ku soo idlaaday Jawigii loogu tala galay barnaamijkaasi ahaa Sidee u aragtaa Go’aanka Dowlada Sweden ee dib u bilaabeyso in ay mideeyso Familada Soomaaliyeed Waxaan u mahad balaaran u celineeynaa alle iyo Xildhibaan Abdukadir Ahmed iyo Jaaliayada Dhalinyarada ee Somaliska Ugdomsföreningen oo nagala qeyb qaatan qabsoomida Barnaamijkaan iyo intii ka qeyb qaadataybo dhanka dooda waxaana jaceyl nahay in aan tagno Magaalooyin Badan o oka mid ah Wadanka Sweden ogoow Akhristoo Magaaladaada waan ku soo fooleenahay Dhawaan.

 

Qore iyo isku dabaride
Abdifatah Lajecloow
Email: xaqiiqda@live.com
Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Wanaag doon says:

    ASC.

    Waad ku mahadsantahiin doodaha iyo fikiir aruurintiina laakiin arinka dooda ee Norrköping lagu qabtay waxaan u arkaa xayeeysiis la xayeysiinayo Mr. Abdukadir maxaa yeealay Cabdulkaadir sow maahan nin kii dhalin yarada norrköping iyo waalidiinta dadka ka maqan yahay ka niyad jibin jiray in ay is abaabulaan oo ay sameeyaan oo ay banaabaxii ka dhacay Stockholm ka qeyb galaan. Hadda miyuu soo baarugay oo Somaliska naf ka raadiyay iyo ha ley xayeeysiiyo. Aduun yooy xaal qaado. Qof waliba maalin buu dadka isku xaeeysiiyaaa. laakiin waan soo dhaweynayaa haduu hadda gartay in loo bahan yahay in la midoobo oo qof kaligii Lokal furtay uusan waxba tareyn. Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. LA YAAB says:

    ASC.

    Waxaan la yaabaaa Dadkii na dhihi jiray Somaliska.com been mooyee wax kale ma haayo oo arimaha familiyada in ay maanta Xayiiysiin iyo doodo soo galiyaan Somaliska.com. Somaliska waxbaba ma ogee waa kuwii dadka dhumainayay maad iska deeysaan. Maxaase idin daba dhigay adinka waxba idinkama maqnee. maxaaa hada loo soo baraarugay. yaaab.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Eng Cadnaan says:

    Asc Asxaabta Somaliska iyo Asxaabta kale ee Barnaamijkan soo abaabulay iyo Wariye Lajecloow dhamaan Salaan Qiimo Badan waxaan aad uga xumahay fikirka qaldan ee aad soo qorteeyn labadiisa qof ee iga horeeyay waa nasiib daro dad wanaag meel ku sheegaya in aad ku tilmaamtaan xumaan fadlan ka daaya waxaad dhaheysaa dadka wanaaga jaceyl mar kale isku daya in aad ilaalisaan anshaxa webka iyo dadka wax ku qora waadna mahadsantidiin dhamanatiin @ Reer Norrköping Amaan baad mudan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. ibraahin says:

    Asc walaalayaal aan ilaah kacabsano aan dhowrno islaamka sharcigiisa ah waa inuu carabkaga ka amaan galaa dadka walaalaha ah ee u taagan danaha umadeena anigoo dagan magalada uppsala ayaan waxan iskudayay inan dad somali isku keeno laakin iskuma imankaran waayo somalida waxaa ka buuxan dad nocan oo kale waxay iska qorayan waxan soo jedinlahaa maamulka somaliska inay wax ka qabtan si usan unoqan websidkan mid fadhi kudirar ah markale anaga waxaanahay somali isku diin ah isku dhaqan ah dalkeenii ban gubnay halaga foojignado dayacada xanta oo diinta mamnuuncday hada ninka aad waxka shegaysan faaido ayuu jogaa waayo danbigiisa baa qadanaysaa walow aan arko dad mel iskugu yimid xayaysin ay noqonayn waxaan amaan gar ah usoo jedinayaa maamulka websidkan iyo waliba wariyayasha isku taxluujiyay inay soo bandhigan waxay ay soo qabteen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Wanaag doon says:

    Asc.

    Bacadal salaam walaalayaal aniga wax dhib ah ma qorin ee waxaan qoray fekerkeyga qofna kuma xad gudbin waxaan sheegay waxii ay ila aheyd maxaa yeealay qof shalay diidanaa arintan asagoo xildhibaanimo ku helay codka dadka Soomaaliyeed in uu maanta Somaliska isku xayeysiiyo intaas baan ka hadlay.

    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Maxamed geeljire says:

    kkkkkkkkkkkk WAR KUWAAN MEESHA FADHIYO WAX KAMA MAQNO ***aflagaado shaqsi Somaliska waa ka mamnuuc**** KAN MAAMULAHA LAGU SHEGANA WAXOOW KA AHDLI KARA MARKI CARUURTISA AMA DAD KAMAQANYAHAY ISKA SEEXADA WALALYAAL ANAGAA DADKENA BANANKA JIRAAN ILLAHY HANOO KENO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Jamaal says:

    asc walaalayaal salaan kadib waxan la yaabay dadka qaarkis u gafaya dad walaalahod ah kaba sii daran hadana dumarkena u gafaya waayo dumarka waanala dhasheen waana dhaleen marka halaga fogaado cayda kuwa waxas oo kale qoraya waa dad aan caqli u saxib ahen marka dhowr oo ilaali xaqa walaalkaa ama walashaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. qalad saxe says:

    waa yaab yaab maxaa loo gafay dad ka gabdhahan waa gabsho shidan anba waan aqaan ilam kama maqno laakin dadkooda kamaqan ee yaala jaaifaysan nin kama doonanan jaalyad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. kowsar says:

    aadban ugu faraxsanahay go aanka idiinkana aad ayaad ugu mahadsantihin wax yabaha fican ood uqanatan umada somaliyeed mel kasto eey ka joogto wadanka in kasto anaga adan naso garin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. jaahil neceb says:

    asc dhamaan somalida kuhadasha wanaag. Ninkan wata maxamed geeljire waxan ku dhihi lahaa ha u gafin umada somaliyed ee danahooda u soo daayay inay umada somaliyeed wax u qabtaan hana kusheegin jaaliyada ayeey niman u soo doonteen anigaba waan garanaya labadan gabdhood nimco iyo dhoofo waa laba gabdhood oo dayaxa lagu raadiyo iskalan wayn adigoo kale ***** geeljire bilaash ulama bixin waxay ila tahay inay ku diideen markaa sidaa ayaa qararka kaakeenaysa ee afkaaga qurmoon ha kusoo taagin ****.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. MAXAMED D GEELJIRE says:

    KKKKKKKKKK WAAAN LAYABAY NINKA U DOODA DAD AAN ANIGA KA OGAHAY IN AAN CAYAY IGA DHIGAY DADKAAN SAXIIB MARABO ADINA HADAY KU NACEEN ADIGAY KU TAAL SAXIIB WAXAA SHEEGAY QORAALKA QALDAN DAD ILAMAHODA KA MAQAN YAHAY KA DHIGTEEN ***Aflagaado shaqsiyeed waa ka mamnuuc boggaan. Fadlan arintaan yay markale soo noqon- Mahadsanid Maamaulka Somaliska***

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. walala says:

    asc wr wb walal jaamac waxaan kaa codsana ninkaan caytamaya oo ladhaho maxamed geeljire comadigisa ka saar meesha waxuu meesha ku soo qoray wax qaldan magac dadeed iyo gabdho masaakiina walla ka bixi qoraalkiiisa waan ku tuuga walal qaladkisa madaawankarno maadaama ooow afkiisa dad magaciisa ku sooo qaaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. qadar says:

    kkkkkkkkkkk waa qararrkaaaaaaaaaas geelijire tyst waryaa edeb malihid umada nabad gali qaraar kaa muuqda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. angola says:

    salaman marka hore marka xigta aad aban u so dhaweynaya go anka lakin c.qadir dudubte iyo maxed kedsnase hanaga daayaan dadka ay visaha benta ah oo ay sinayan malin walba oo ay niyada kaga so ridayan thanks alot

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Maxamed Geeljire says:

    kkk Angole kkk maila aragtay visada bugtaa lol waa imanayan dadka loogu talagalay meshan kkkkkkk kedsane abtiga beenta naga daaya ma adkesan karno riyaa na dishay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. MASLAXO says:

    Angola. Thanks brr. Well done. Abdikadir Dudubte waa nin kii diidanaa howlaha lagu abaabulayo dadka ee lagu dhiirigalinaa in banaan baxii Stockholm aan ka qeyb qaadano maantana waxa uu leeyahay Familada ayaan u doonaa. taa waa yaab.

    Gabdhaha sharafta mudan ee shirka yimid iyo dadka kalaba waan uga mahadcelinayaa howsha ay qabteen. Walaahi labada gabdhood waa gabdho qaali in badana bulshadooda u ololeeyo in ay ka qeyb qaataan dadaalada familiyada.

    Waligood shirka kama maqnaan waliba waxeey dagan yahiin oo ay uga yimaaadaan ÅBY oo Norrköping u jirta 10 daqiiqo mahadsanidiin.

    Cabdiqaadir Gugubte waa nin walaal wanaagsan oo masuul ah laakiin waa ka seexday howsha u ololeynta familada kala maqan yaan loo qaadan in Abdukadir aniga wax ka sheegaa marna ma doonayo in aan shaqsi ku xadgubo laakiin shaqada qofka waa la dhaliili karaa.

    waxii qalad ah waxaan ka bixinayaa raaligalin.

    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. RAGEEDI says:

    ar SOMALISKA been badan DUDUBTE ma xildhibaan eh sxbow dadka somalida been ha u sheegin sharciga saxafadana meel ha uga dhicin qofka wax uusan eheen ha ku tilmaamin beentada kale lakin iska wado {magareshinka aya la xariiray ima suura galin alaabtaas caan aya ku noqotay badal} abaa ahaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0