Dooda Axada: Dabaal degga Juulka ama Kirismaska

Maanta oo taariikhdu tahay 25 December waa dabaaldegga maalinta Juulka ama Christmas taasoo balaayiin ka mid dadka caalamka ay u dabaal dagaan dhalashadii nabi Ciise (nnkh) inkastoo taariikhdu cadeysay in uusan dhalan maalintaan. Dabaaldegga Juulka ayaa la aaminsanyahay in uu ka soo jeedo caadooyinkii dadkii cawaanta ahaa ee ka horeeyay Kiristaanka.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Kirismasku noqday xaflad ganacsi iyadoo shirkadahu ay lacag fara badan ku bixiyaan xayeysiinta si ay faaiido uga sameeyaan hadiyadaha lays waydaarsanayo. Sidoo kale xiligaan ayaa ah waqtiga keliya ee dad badan oo Kiristaan ah ay fursad u helaan in ay la kulmaan qaraabadooda ama ay booqdaan kaniisada. Dhinaca kale ayuu Kirismasku yahay xili ay dhacaan waxyaabo badan oo lidi ku ah diinta Kiristaanka iyo Islaamka oo ay ugu horeysa sino, cabitaan. iwm.

Arinka yaabka leh ayaa ah in dad badan oo aan Kiristaan ahayn oo ay ku jiraan Muslimiin ay ka qeyb qaataan dabaal degga Juulka. Qodobkeena dooda maanta waa maxay sababta ay dadkaas uga qeybqaataan barnaamij ka soo horjeeda diintooda? Qaar badan ayaa ku dooda in Kirismasku uusan hada ahayn dabaaldegg diimeed ee uu noqday mid caalami ah.

Culumada Islaamka ayaa qaba in aysan banaaneyn in lagala qeyb qaato Kiristaanka dabaaldagooda iyo xitaa in loogu bishaareeyo “God Jul” iwm maadaama ay arintaas tahay in aan kala qeyb qaadanayno dunuubta iyo shirkiga ay faraha kula jiraan.

Fikradaada ku darso>>>

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Abu Marwo says:

    Asalamu Calaykum :_. Bahda Somaliska gaar ahaan Jimcaale aadbaa u mahadsantihiin.

    Sadar Muuqda su’aal ka dhan yeey soomaalidu dhahdaa ,

    Horta Alle mahadii waxaan Dood ka taagnayn ineey Diinta Islaamka Xarimtay , in laga qayb galo Ciidaha Diimaha kale .

    Culumada oo ah Dhaxlayaashii Anbiyadana waa noo cadeeyeen.

    Dadkaan Julka u dabaal degaa 3 arimood ayay sameeyaan waana Sedexda Islaamku xarimay ,

    1: Cunida Khaansiirka , 2: Cabida Khamrida :3 Zinada/Gogol dhaahfka.

    Marka walaalayaal ka digtoonaada ,

    Yaanan waxba lagu darsan xitaa Macalimiinta haddeey God Jul idin dhahaan ha ugu jawaabinina God Jul , maxaa yeelay waa Lakum Diinukum Waliya Diin,

    Haddana Maa Acbudo Maa Tacbuduun , Walaa Antum Caabuduuna Maa Acbud.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. muna says:

    ASC JIMCALE WANKU SALAMAY AMRKA HORE MARKA XIGTO WAD KU MAHADSAN TAHAY BARNAAMIJYADADA XISA BADNA OO AAD HAD IYO GORAALE INOO SOO GUDBISO.
    ANIGA WAXANA HEYSTAA CARUUR DHIGATO ISKUL IYO XANAANO IMA ADAN WAX LA DHAHAO SANTALUSIA IYO MARYKRISMIS XAFLADAHEEDA OO ISKULKABA AY KU SUBIYAAN LAAKIIN WAXEY SOO CUNAAN MISKA JULKA WAXEY DHAHAANO MALINTAS ILMAHA ISKULKA LAGU CASUMO ADUUNKA CUNTO WAXII YALAY LASOO SARAAYO MARKA TAASINA WAA QASABO WAA ISKULKA MALINTAAS KAMANA JARI KARO LAAKIIN INTA KALE WAN KA JARA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. abdikaafi says:

    asc wadsalamantuhiin aqyaarta kaqaybqadanayso barnamijka iyo bahda bogaan hadaan kadhiibto figrad arintaanayto waa run waxyaabaha lasameeyo cidaha wadankaan waa wada shirki lkn dhibkataagan marmarka qaar cashar ahaan baan uqaadanaa dadkeena waaween waa ognahay waxa lasheegayo meesha ay kuwajahanyihiin lkn caruurta waa xalaad adg malin hore waxaa cashar nalooga dhigay filin 2nin ooah kuwa ishabeeyo kadib sualona nalaka weediiyay marka somaliyay xalada waa aloow sahal ciyaalka ilaahey anoo asturo sabtooah koone kasta waa lagasoogalayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. MAHAD OMAR HUSSEin says:

    WAA ARIN DADKA MAALMAHAN KU BATAY BALSE MA U MALEEYNAYO INUU JIRO QOF AAN KU BARAARUGSANEEN BALSE QOF WALBA IYADOO OG BEEY HADDANA SAMEEYNEEYSAA WAXYAABAHA SHIRKIGA AH AAD U XUN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. wadani says:

    HADAAD DOODNO IYO HADII KALE,, MAXAAN SAMEY KARNAA DAD MASKIIN AH OO GACANTA UGU JIRO AYAAN NAHAYE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  6. Ragiihore says:

    Waleee somali ilaahay wuukawaday dhaqankoodii xataaa diintii islaamka ayaa kasiidhamaaneysa, walashey waxay dhahday ilmaha maalinka juul cuntada miiska kama baajinkaro wayna ii amaanaaan maalintaas oo waxay dhahaaan maanta cuntadii aduunka ? Kamana celinkaro subxaana laaah, ilmahaaas markuuu caqli iyo iskufilnaansho gaaaro (qaangaar) sidii cuntada caadiga ah ayuu usoo adeegan doonaaa suuqa, ileyn specaildaygiisa ayuu cunijiraye xarashbuuba uhayaaaaye, ilaahow somali somaaliya unabadeee oo umadii kala tagtay iskusooceli aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. arbetalos says:

    salaan kadib aniga waxeey ilatahay in wadankaan aan xaq uleenahay in aan hadalno ilmaheena qabsab lumahan in eey ka qeeb galaan ciidaha gaalada aniga ka waalid ahaan waan usheegay in aan marnaba u ogalaaneen in eey kaqeebgalaan ciyaalkeeyga dabaal daga diintooda waana eey iga aqbaleen oofasax ayeey siiyeen waalid walbo waxaan ku bogaadinayaa in eey qasab ku eheen markii lagaa dareemo jileec waxaa laguu adeeysanayaa awood lasoco

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. fardowsa xaji xuseen says:

    asc wr wb ani ahan wan kasoo horjeda god julka ama kirismiska wayo wa wax an diintena qabin kiristanka iyo muslimkana wa laba diimood o iska soo horjeda

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Abdifatah says:

    OGAYSIIS

    dad badan ayaan ogeeyn in ay tahay diin gaalada gaar u ah jul ka hadaba in Nabigeena Ciise C.S.W. layiraahdo waa wilkii alaah in la isugu hambalyeeyo waa kufri hadaba hadii lagu gu yiraahdo god jul Waa in aad ka aamustid oo adan jawaab ka bixinin walal ka islamka ahoow waa arin diin

    Jawabtana Waa Culumada islamka oo dhan
    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0