Doorashadii cusbayd oo la joojiyay

11

Dowlada raysal wasaare Stefan Löfven iyo xulufada mucaaradka ee kala ah xisbiyada Moderaterna, Folkpartiet, Centerpartiet iyo Kristdemokraterna ayaa maanta shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ku sheegay in ay heshiis gaareen taasoo baajinaysa in wadanka lagu celiyo doorasho cusub.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in loo suurto galiyo dowlada in baarlamaanka uu ansixiyo miisaaniyadooda, haddii cododkooda ay ka badanyihiin kuwa mucaaradka. Waxay kale oo ku heshiiyeen in ay ka wada shaqayn karaan arimaha difaaca, tamarka iyo daryeelka dadka waaweyn.

Heshiiskaan ayaa guud ahaan albaabada ka xiraya xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin siyaasada baarlamaanka Sweden oo ay 13% cod ka haystaan. SD ayaa ka dambaysay fashilkii hore ku yimid miisaaniyada dowlada, iyadoo ay u muuqato in dowlada iyo mucaaradka Sweden ay meel uga soo wada jeesteen xisbiga SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here