Dowlada Ingiriiska oo mamnuucay khaatka

Wasiirada arimaha gudaha UK Theresa May ayaa go’aan ku gaadhay in ay mamnuucdo khaatka. Dowlada UK oo sanadkaan khatbilowgiisii gudi u saartay arinta khaatka ayaa gudigaas soo bandigeen in aan loo baahnayn in khaatka la mamnuucyo iyagoo sheegay in uusan la mid ahayn daroogooyinka kale balse wasiirada ayaa go’aan ku gaadhay in ay ka soo horjeesato talada gudiga oo ay guud ahaan khaatka ka mamnuucdo UK.

Mar ay ka hadashay sababta ay u mamnuucday khaatka ayay sheegtay in gudigu ay sahladeen khatarta amaanka ee la xiriirta khaatka. Waxay sheegtay in khaatku uu hada mamnuuc ka yahay wadamo badan oo Yurub ah isla markaana ay ka cabsi qabto in UK loo isticmaalo goobta khaatka laga soo galiyo Yurub. Waxay kaloo intaas ku dartay in mamnuuca khaatka oo faa’iido u yahay kooxaha bulshada ee dhibaatada ku qaba.

Mamnuuca ayay sheegtay in si degdeg ah lagu dhaqan galin doono, iyadoo qofkii jabiya uu mutaysan karo xabsi gaaraya ilaa 14 sano.

Iyadoo ay khaatka horay u mamnuucday dowlada Holland ayaa UK waxa ay ahayd isha keliya ee khaatka ka soo galo Yurub, qaasatan wadamada Iskaandaneeviya sida Sweden , Denmark iyo Norway ayaa dhibaato weyn ku qaba qaadka laga soo galiyo UK. Arintaan ayaa noqonaysa mid si weyn looga soo dhaweeyo wadamadaas.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Aqliga abgaal says:

    Qaatka waa Quudkeeneey xeey noogu gooyeen. Xagee ka haleynaa hada xamaraan iska aadsahaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  2. Aqliga abgaal says:

    Qaatka waa Quudkeeneey xeey noogu gooyeen. Xagee ka haleynaa hada xamaraan iska aadsahaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  3. No name says:

    that is what i wait for long time. i am so glad. Khad is bad and it is not good for our boys future. down down khadka iyo waxii cuna

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. hodan says:

    waa wax fiican, waan kufaraxsanahay in qaadka laga joojiyo. waxaan ilaahay karajeenayaa in aduunka daafihiisa oodhan laga mamnuucaa qofki lagu qabtana xabsi dheer lagu xukumo, saaqidiinta ayaa yaraan lahaa.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. farah says:

    Ujeedada ururka:
    Ururka magaciisu waa difaacidda qoyska iyo xaquuqda bani adanimada eey ku leeyihiin umadaha kale eey ku dhexnoolyihiin.Ururkaan oo ah urur ay ku midoobeen dadka uu saameeyay go,aanada aan loo meeldayanin ee loo isticmaalo ummada ama qowmiyadda Soomaaliyeed.
    Ururka waa urur kamadax banaan ujeedo siyaasadeed. Anagoo ka danqaneyna dhibaatada u waaxda socdaalka ku hayo qowmiyada ku nool sweden ee soomaaliyeed ayaan go aansanay inaan sameysano urur ay kumideysanyihiin dhamaan ummadda soomaaliyeed ee uu saameeyay go,aan kasta oo axdidarada ah ay ka qaadanayaan waaxda socdaalka iyo dhamaan qeybaha dowladda.
    Ururka ayaa ah mid aan lagu dooneyn wax lacag ah kamid noqoshadiisa maadaama xubnaha u badan ay yihiin dad dhibaatadu ay saameysay.
    Ururkaan ayaa waxaa la aasaasay 13-06-2013. Ururkaan ayaa ah ujeedadiisa inuu wada shaqeyn buuxda la yeesho dhamaan ururada kale ee u adeega xuquuqda qoyska iyo arrimaha bani,adanimada.
    Shaqada ugu muhiimsan ee ururku qaban doono waxay ku wajan mideynta qoysaska umadda Soomaaliyeed ee in muddo ah kala maqnaa ee ku nool Sweden ama dibaddiisa. iyo la shaqeynta dhaman qoysaska u baahan caawinaada xagga gudashada waajibaadka qoys ee saaran iyo qaabka ay ku horumarin karaan qoyska iyo ummdaha kale.
    Dhamaan xubnaha ururka ayaa wax kabadali kara qoraalkaan.
    LA XIDHIIDHA LANBARKAN 0767413038 RUUN
    waad mahadsaantahiin dhamaanteeen wxaan naahay isku dan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Madka says:

    Asc farah bro dadka waa badanyihiin ay heesato hadana waa la fasaxay ayaa la leeyahay ee dadka dalka dibadiisa jooga seey uga qeebqaadan karaan ee ugu sahlan maxaase arinkaas ka soo kordhay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. hassan says:

    asc farah walal dadka aan caruurta laheen arinkooda maxaa laga yidhi hadaa wax war ka heeyso walalo waanu bahanahaye nosoo gudbi jimcaale wax badan waan weydiyay balse malaha jaanis buu u wayay uruurkaan mayahay mid u dodaya dadka singalka ah waayo xaq waan u leyahay xasakeeyga inaan la nolaado mahan in dadka lagu xujeeyaa waa in caruur joogtaa walalo naga caawiya arinkaa waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Amina says:

    Asa madka walal nuguso xidha xaskaga jogta Sweden iyada ayey ufududahay farah aniga mashquulnoday ooiri geli westka xayaysiin ahaan Hassen walal waxan ilaahkagar rajaynayaa awlaad bari ah nuguso biir wlal maalita wansobandhigaynaa 15 augusti ninwalba dhibkisa wada shaqanwacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0