Dowlada oo doonaysa in ay xirto iskuulada SFI

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu doonayo in albaabada laysugu dhufto iskuulada lagu barto koorsada SFI-ga. Dowlada ayaa doonaysa in SFI laga dhigo qeyb ka mid ah iskuulada dadka waaweyn ee (Komvux).

“Haddii aan SFI u wareejino waxbarashada dadka waaweyn waxay fududaynaysaa in koorsada lagu saleeyo baahida ardada iyo in ay la wadaagaan shaqo ama baraatiik” ayuu yiri wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag.

Dowlada ayaa intaas ku dartay in ardada la siin doono fursad ay ku doortaan xiliga ay koorsada luuqada qaadanayaan, iyadoo dhamaan kamuunada waajib looga dhigi doono in ay habeenkii koorsooyinka bixiyaan. Ullenhag ayaa intaas ku daray in ardadu ay sidoo kale heli doonaan fursad ay isku dhex qaataan koorsada luuqada iyo maadooyin kale ee dugsiga hoose ama sare.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ardada doonaysa in ay jaamacadaha dhigtaan tusaale ahaan ay halkii lagu qasbi lahaa in ay SFI soo dhamaystaan, ay toos u qaadan karaan waxbarashada sare iyagoo dhigta Swedishka.

Sidee u aragtaa qorshahaan cusub? SFI in la xiro oo lagu daro Komvux?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Mustafa says:

    Waa waxa lagu farxo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. Abdikadir M says:

    Arintaani waa hadal wanaagsan oo farxad leh qorshahaan waxoow ufiicanyahay dadka dhalinyarada ah ee hamiga waxbarasho leh . Aniga halsano oo aan waxbadan qabsan karay ayaa SFI waajib leeyga dhigay inaan soo dhameeyo marka waa fursad wanaagsan oo shuruud cuuryaamin ah meesha kasaareyso waana inlasoo wada dhoweeyaa dowladuna barnaamishkan dhaqsa uga howl gashaaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. qaxooti says:

    Bra

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. KHADIIJO BAASLAAWE says:

    ASC
    WALLAYAL
    WAA FIKIR FIICAN
    OO LAGU FARXO
    AAD IYO
    AAD
    AYAAN UGU
    RIYAAQAY

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. abdi says:

    Asc asxabta
    Aragtidayda ku aadan in la xiro SFI waa wax aad u wanaagsan sababtoo ah marki magaca sfi labixinayey waxaa bixiyey dadka midab takoorka ku fog oo ula jeeday dadka wadani ma aha wayxay sababtay in is dhexgalku adkaado oo dadka wax barashadii nacaan sidaas awgeed hadda ayay fahmeen in 3 da xaraf loo adeegsaday kala fogayn bulshada dhexdeeda iyo waliba waxbarashada oo aan hore u socon in dib u dhac lagu rido dadka soo galootiga ah mahadsanidin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. abdirahman says:

    SFI WAXAA WEEYEE WAA XABSI DADKA LUUGU TALO GALAY IN WIXII AY YAQAANANA LAGAGA MASAXO WAX DHAAMANA AAN LA BARIN, MARKAA WAAAN TAAGEERSANAHAY IN LA XIDHO.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. dhashane says:

    Waaxan u arkaa wax fican waxad arkaysa dad fadhiyaay 7 sano sfi
    Marka jamacad ayaay kabixilahateen
    Marka gorma aya lajoojonaya
    Laxiraya laynomashegin
    Waxalagayaba dhowr sano in ay qadatoo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. qadan 2 SANO says:

    maansha Allaah waan soo dhaweeynayaa jaanis aan jaamacad ku aadi karo hadiiba nala siinayo waa Alx sfi aaba naga soo dhaxbooday

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. qadan 2 SANO says:

    soomaaliyeey wax barta si wadankena aan u sii barno ama aan wax ugu qabano gabdhahana qaar waxaan kula talinayaa in eey wada dhaqaatiir dhan kasta ah waa bartaan wax barta ha is liidina qalbigiina galiya in aat tihiin dadka ugu sareeya uguna aqonta badan uguna fiican taas qalbiga ku heeysta insha Allaah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. askar says:

    waa wax wanagsan ciddi rabbta wax barasho

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. Lajeclowga says:

    Ruun ahanti hoorta anigu SFI wax yar ayaan ku dhamaystaay sadeex bilood lakin waa fikir fican dad badan ayu dhib ku haya siba gaar ahan somalidena o an iyaagu dhyamayn wakhti dheer ku qadata taas waa Ok in subject badan laagu dheex daro waa aalo ficaan ma xuuma

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. saki says:

    UMALAYN MAAYO IN LA XIDHAYO LKN WAXAA NASIIBA MALINTA LAXIDHO AJNABIGA CUSUB LUUQADA DAD KA LAGU DHIBAYO INAY HORE KA BARANAYAAN HADII LOO BILAABO KOMVUX OO LAGA XIDHO SFI

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. Oday says:

    aad iyo aad ayaanu usoodhoweynaynaa haddaanu nahay bulshada ku dhaqan Sweden. Idinkuna hadaad tihiin wargeyska Somaliska waa idiin mahad celinaynaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. samatar says:

    Runta markaan ka hadalno waa arin wanaagsan waana soo dhaweynayaa arinkaan mida kale anigu SFI waxaan ku soo xirey 2bil iyo bar laakin midaasi waan da*daalay ma oran karo. waayo waxaan isku klass eheen dad iga wanaagsan luqada dhan weliba iga caawin jireen uppsats iyo casharada kale ayaa weli klasskii ayey dhax fadhiyaan runtii maclimiinta wax weeye ciday rabaan wey fasaxaayaan cidey donayaan wuu iska dhax fadhinayaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. sayid ali says:

    Waa war lagu farxo aad baanu u soo dhawaynaynaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. eng mukthar says:

    Asc aniga fikirka ku aadan in albaabada loo labo SIF waan ku faraxsanahay sababtoo ah qofka dhalinyatada ah ee donaya inuu waxbarashada herkasare inuu barto sida jamacada iyo wixii lamid ah waxaa mark hore lagaga luminayay SIF halka sane ugu horaysa wana fusad qaliya waa inay dowladu sida ugu dhasaha badan u hirgalisa dhalinta dada yarna ee hitimaamiyada waxbarasho leh inay soo dhaweeyan mowqifkan fican

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. mandeeq says:

    waa arin aad uwanagsan SFI awalba dadka ayaa lagu lugon jiray ee waxba mesha kumahayaan an ka ahayn fadhi kudidir hala xiro waligisna yaan lafurin LKN gormee laxiraa mala shegay waqtiga go.aan ee laxirayo?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. asho says:

    Asc walaalayaal fikradan ah xiritaanka SFI waa mid aad u wanaagsan koley sidaan anigu qabo soomali badan ay ka heli doonto jaanis waxbarasho leh ,tnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Khalid Abdu says:

    Vi har alla väntat på detta ögonblick att komma fram och det har äntligen kommit och jag är glad att höra SFI slutar äntligen. waxaan ku faraxsanahay in aan maqlo SFI stängd.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. abduqadir says:

    waa wax lagu farxo arinkas somalida badankod waxey ku qaadataa mudo dheer dhameyna sfiga hadasfi waxba laguma barto waa waqti dhumis qofwaxaa arkeysaa 4 sano sfi dhaxfadhiyo waxaan leyahay waa guul usoo hooyatay ajaanibta ku nool dalkan swedan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. sfi mafiicna wayo qofku isagaa oo aan luuqada sifiican uguu
    halin ayaa la eeryaa baraatiigna malaha waana waax yaar oo
    xadiidan taasina kuma sahlaysoo luuqadana mana laha luuqado
    kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. deqa says:

    asc walalayal waa arin fiican wana soo dhawaynaynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. najiib says:

    jättekul wan ku faraxsanahay fikirkaaga cusub waana wax loo bahanyahay in hore loo sacdo tack somaliska.com

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0