Dowlada oo ka noqotay yarayntii taageerada ardada

2

Ka dib cadaadis iyo cambaarayn badan oo kaga timid dhinaca ardada, mucaaradka iyo macalimiinta ayaa raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt waxa uu ku dhawaaqay in dowlada ay ka noqotay qorshihii ay ku doonayeen in ay ku yareeyaan lacagta taageerada ah ee la siiyo ardada.

Qorshaha oo bishii hore uu ku dhawaaqay wasiirka dhaqaalaha Anders Borg ayaa ahaa in lacagta taageerada ardada (Studiebidrag) la yareeyo 300kr. Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dowladu halkii ay ka yareyn lahayd lacagta taageerada ay ku siyaadin doonto 1000kr taasoo ah arin aad uga farxin doonta ardada.

Isbedalka ay dowlada degdega u samaysay ayaa muujinaya sida ay uga walwalsanyihiin doorashada soo socota iyo mustaqbalkooda. Waxaa la aaminsanyahay in xulufada dowlada looga adkaan doono doorashada 2014.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here