Dowlada oo yaraynaysa lacagta taageerada ardada

13

Wasiirka dhaqaalaha Sweden Anders Borg ayaa ku dhawaaqay in ka bilaabata sanadka 2016 in la yaraynayo lacagta taageerada ah ee la siiyo ardada (Studiebidrag) , halka la siyaadin doono daymaha ardada. 300kr ayaa laga dhimayaa lacagta hadda ardada loo siiyo caawimaada, iyadoo 1300kr oo dheeri ah deyn loo siin doono.

Qorshaha dowlada ayaa waxaa aad u cambaareeyay xisbiyada kala duwan ee ka jira Sweden iyo ardada. In ardada loo kordhiyo deymaha ayaa ah mid qatar ah. Qaasatan ardada Muslimiinta ayay dhibaato ku tahay in hoos loo dhigo taageerada ardada maadaama aysan qaadan karin daymaha ribada la socoto.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here