Dowlada Sweden oo 200 milyan ku bixinaysa waxbarashada ardada soo galootiga

7

Dowlada cusub ee Sweden ayaa shalay soo bandhigtay qorshooda ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee iskuulada ay liidato natiijada imtixaamada. Dowlada ayaa sanadka soo socda keliya ku bixin doonta lacag gaaraysa 475 milyan oo karoon sidii loo caawin lahaa iskuulada aysan ardada helin natiijooyin fiican.

Lacagta inteeda badan ayaa lagu bixin doonaa iskuulada ku yaala xaafadaha soo galootiga ee ardada aysan helin dhibco ay ku galaan dugsiga sare. Lacagta qaar ayaa loo isticmaali doonaa in lagu kordhiyo mushaaraadka macalimiinta.

200 milyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa taageerada ardada soo galootiga ah ee wadanka ku cusub, taasoo ka dhigan in ay heli doonaan taageero qaas ah iyo dad luuqadooda ku hala oo casharada ka caawiya. Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin oo ka hadlaya arintaan ayaa wargeyska DN u sheegay:

“Ardada soo gala iskuulada Sweden ee ka yimid dagaalada waxay qatar ugu jiraan in aysan bilow fiican helin. Waxaan ognahay in talaabooyinka nuucaan ah ay samayn karaan horumar weyn”.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here