Dowlada Sweden oo adkaynaysa arimaha Socdaalka

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa ku dhawaaqay in ay wax ka badalayaan arimaha BillstromSocdaalka. Isbedalada wasiirku sheegay ayaa waxaa ugu weyn in dadka sharciga loo diiday si degdeg ah wadanka looga musaafuriyo, in la adkeeyo mideynta reeraha iyo in la adkeeyo nidaamka ay dadku ku soo galeen Sweden.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay u sameynayaan isbedalada ay tahay in dad badan oo aan xaq u lahayn in ay Sweden iska dhiibaan ay culeys ku yihiin dhaqaalaha wadanka isla markaana ay hor istaagayaan dadka u baahan taageerada dhabta ah.

Wasiirka ayaa qaasatan sheegay in Soomaalida lagu adkayn doono sharci bixinta maadaama aysan dhibaato ka jirin Somalia. Waxa uu intaas ku daray in uu doonayo in dadka u dacwoonaya reerahooda shuruud looga dhigo in ay shaqo haystaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu wadahadal kula jiro wasiirada kale ee midowga Yurub si dadka ka yimaada wadamada Serbia iyo bariga Yurub loogu xiro viiso in ay ku soo galaan Sweden.

Wasiirka ayaa sheegay in arimahaan loo samaynayo si loo soo dhaweeyo qaxootiga dhabta ah ee ka imaanaya wadanka Siiriya kuwaasoo u baahan magangalyo degdeg ah.  Wasiirka ayaa ku celceliyay muhiimada ay leedahay in dadka u  dacwoonaya qaraabadooda lagu xiro shuruuda shaqada isagoo sheegay in shuruuda nuucaas ah ay ka jidho wadamo badan oo Yurub ah. Arintaan ayaa haddii la hirgaliyo waxay caqabad weyn ku noqon kartaa Soomaali badan oo reerahooda lala mideyn lahaa.

Hadaba qodobada ugu muhiimsan ee laga badalayo arimaha Socdaalka Sweden ayaa waxaa ugu waaweyn.

1. In dadka sharciga loo diiday degdeg loo musaaafuriyo, iyadoo booliska amar lagu siiyay midaas.

2. In la adkeeyo mideynta reeraha, iyadoo loo marayo shuruuda shaqada.

3. In viisa shuruud looga dhigo dadka ka imaanaya wadamada bariga Yurub.

4. Dadka caruurta isku dhiiba oo si qotodheer loo baarayo da’dooda.

5. Soomaalida oo sharciga lagu adkaynayo maadaama wadankooda uusan dagaal ka socon.

6. In la mamnuuco tuugsiga.

7. In la joojiyo lacagta la siiyo dadka magangalyo doonka ah inta ay sharciga sugayaan.

Tobias Billström ayaa mar la weydiiyay in ay arimahaan u sameynayaan maadaama ay ka cabsi qabaan xisbiga cunsuriga ah ee SD oo arimahaan ay ka midyihiin siyaasadooda, ayuu sheegay in aysan taasi sax ahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in ay dowladu u jilicday siyaasada qalafsan ee SD oo bilihii la soo dhaafay aad kor ugu kacay dhinaca cododka aftida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. abdi says:

    saas alarabaa wadan kena aan jeclaano wax aan qabsano somali meelkasto walaganacay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 12 Thumb down 8

  2. abukar says:

    asc wax walba oo soomaalida dhibaato ah allaah ka qabto waxaana ka xumahay in ruux soomali sheeganaaya uu yiraahdo sidaas ayaa la rabaa ama waan ku faraxsanahay .waxaan u maleeynayaa inuu yahay ruux wiil laawe ah ama ruux aan waxba dhalin hadii uu ahaan lahaa qof xaas iyo caruur leh sidaas ma yiraahdeen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 5

  3. abdi says:

    asc dadka beenta ka dhaafa websat maamaayin ayaa aqrisanye hadi kele warka mesha aad ka so xigatay ku so qor teeda kale ninkan waraysi u dhiibo waxa u danbeysay 3 december så marka isku xisho bro tack

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  4. qunbe says:

    asc marka hore jimcaale aadbanan kuu salaamaya intaa kabacdi walaal warkini ma mid cusubaa takale goorma ayuu qabsoomayaa fadhigan lagaga hadlaayo arintan wasiirku sheegay ee dhowrkan qodob ka hadlaysa markaa fadla noo soo shee wakhtiga dhigan yeelanayo barlamaan ku aadbaanan kuu salaamaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. qunbe says:

    waad mahadsan tahay jimcaale lakiin goorma ayuu qabsoomaya fadhgan barlamaanku ka ga hadlayo sharcigan cusub ee wasiirku sheegay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdi says:

    inay shuurada shaqada iyo guriga soowadaan way cadahay sababtoo ah xataa waraysigii waziirka bishii 12/2012 xataa way kujirtay ,arintaana yutub oo dhan ayaab hada kudhaqanta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abdi says:

    inay shuurada shaqada iyo guriga soowadaan way cadahay sababtoo ah xataa waraysigii waziirka bishii 12/2012 xataa way kujirtay ,arintaana yurub oo dhan ayaab hada kudhaqanta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Shuki xasan says:

    To jimcale, iyo inta kale kale o wax kafahansjan sharciga waxan hesgna ani iyo carurteyda sharciga deganashada joktada ah e UT. Karka waxan xeresanay alins pass marka sharcigan manaquseya walale,jw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Odey Abule says:

    Baraf kaan aan ku jajabo maa la ii macee haa ,, wadakaanya aaba nabad oo ah mugaan sweden tack ,, ilmaheeg wadan qorax ay ii fadhaan Ceertaad i barteea Rabigeey aan ku sugaa iyo Dawadii Bilasha eheed

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. diiriye says:

    aniga waa ku racsanahay dowlada sweden sabaabto ah waa in umada laga qabta dadka labada sharci leh oo hadana isdhibaya
    qofkii xaqa u bahna buu wadaada ka xiraya ani waxaan aminsanahay qofkii falkaas ku kaca ka waantoow oo waxaad haysato ku qanac

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  11. SHUKRI says:

    JIMCALE, WALAL WA MARKI 5 AN SU,AAL KUWEYDIYO MAGARANAYO WAXA AD SAN IGU GALEYSO FADLAN,ALLAAH, HAKA ABAL MARIYE NOSO JAWAB WAN DAREMI KARA IN ADAN FURSAD UHEN LKN ISKUDAY,ok hadan,uso noqdo su’aasheyda wa? Walal aniga iyo ilmo an dhalay waxan jogna afrika, waxan codsanay familkena o sweden joga rafad badan kadib waxan helnay ogolasho wexey nasiyen parmet rasidansi iyo karar, o ah UT, kard waxey nagu dhahen wa,inad dalbatan alin’s pass waxey nagu tiri darad paskina wa laydin ogoladay lkn wax namasogarin wili marka walal arintan mana sameynesa mase waxan ku xaquq nahay dadka deganashada hesto o waxey qusesa qof an ogolasho hesan kali plz qofki kalo sharciyada sweden wax nagu dhamo hanoso shego,jizaka,LAAH,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal arimahaan wasiirku ka dhawaajiyay waa qorshayaal aan wali lagu dhaqaaqin, mida kale adiga arintaadu waa soo dhamaatay marka wax saameyn ah kuguma yeelanayso.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Sihaam, says:

    Asc,oll, jimcale, horta wadku mahad santahay howsha ad noheyso ALLAAH,SW, haka abal mariyo lkn waxad moda warbixinta in ey qabyo tahay o ah WAQTIGA EY DHAQAN GALEYSO,IYO WAQTIGA LA, AN SIXINAYO INTA KALE AAD BAN UFAHAN,NAY WANA WARBIXIN FAAH,FAAHSAN DAD WEYNAHA FIKRADA KADHIBTAY WAXEY U BADAN YIHIN TAAS FADLAN ISKU DAY IN AD NOSHEKTO,WAQTIGAS WADNA MAHAD SANTAHAY MARWALBO IYO MELKASTA,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. mustafe says:

    to SHUKRI HADAAN SUAASHAADA INTAAN GARANAYO KAGA JAWAABO WALAAL ARIBKAN WASIIRKU WAA HADAL UUN WAXKASTANA BAARLAMAANKA ANSIXIYA TA LABAAD ADIGA IYO CARUURTAADA HADAAD OGOLAASHO HAYSATAAN IYO UT CARDKA HORTA NASIIB BAAD LEE DAHAY PASSPORKA HALKAN SWEDEN BAA LAGU SAMEEYA HADII LAGU OGOLAADAY ILAA 3 AMA 4 WEEK BAY QAADATA INTA UU KU SOO GAADHAYO SAFAARADA MARKAA WELCOME SWEDEN INSHA ALAAH IYO BARAF BADAN WAXAN KUGU DARAYAA WARAAQIHII OGOLAANSHAHA LAGUGU SIIYEY UUN ILAANSHO IYO DECUMETGA KALE XAFIISKA KASTA WAA LAGA MARKAAD SWEDEN TIMAAD DADKII HORE U DAGANAA BAAD LA XAQUUQ TAHAY MAR HADII DEGANAASHO LAGU SIIYEY SAMIR INTA PASSPORADU KU SOO GAADHAYAAN

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Shukri, says:

    To,mustafe, walal jizaka LAAH,QEEYR, midakale, warqadaha ma leyga raba cidi isisay sow mahestan mase wey i,anfici, marwalbo horta wan hesta, ayaga, iyo UT, gaba, mida kale waxey isiyen warqad ey ku qorontahay, migrationsverket, beslutar att bevilja dig framlingspass, o waqti hebel ila waqti hebel ah micnaha 5 sano, lkn waxa hoskaga qoron farahaga iyo sawirdada aya qalad ku dhacay e hada ken ana wangeyay waxey igu tiri migration,ka go,an wukagaray,misna waxbo kamahayo ila hada mudo 2 bil ku dhow, any wey qer ALLAHA KADHIGO,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. muna says:

    cajiib arinkan waxbaa ku darsanmayo bishubaa hoorteyne ayaa iman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. maskiiinka says:

    umada bilaaaaaaaaaaaaaaaaaaa sharciga ah alaaaaaaaha usaqiro oo wax qayr qaba kasiiyo dad badan aya kudhex dhibaataysaneeee oo mudana jooga wadankaan faaataxada isugu mara umada muslimiinta ah ee dhibaataysan inuu alaah uugasoo qaado sharci isugu dara walaalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Odey Abule says:

    Aamiin Miskinka,, muga waad helee sharciga caloolumo iga reeb hadaadba barafkaan rabto mahaaga iska jog ,, unga waa guuroowheaa xamaraana u soconaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  18. Haashimi says:

    (Tawakal calalaahi wa kafaabilaahi waliil) waxaan tala saarasho dhab ah tala saartay ALLE isaga ayaana wax isiin kara iina diidi kara gaalka xun ee aan istijoon na waxba igama hor istaagi karo hadii alle ii qoray idinkuna asxabeey sidoo kale wax walba waxaa ka muhiimsan talasarasho dhab ah in eeynu ALLE tala sarano si uu noo kulmiyo inaga iyo qooyskaskeena kala fogaaday.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  19. ismacil says:

    ASC.DHAMMAAN UMADA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGAAN WAAN SALAAMAYAA.WAXAAN LEEYAHAY WAX WALBA WAA AMARKA ALLE .SWEDEN WAXAAYNU KU JOOGNAA AMARKA ALLE.MEESHA QURUSKAAGU KA BISIL YAHAY ILAAH AYAA OG.HADII SOOMAALIYA NALA GEEYANA WAA WADANKAYGII AAN KU DHASHAY MUDANA KU NOOLAA MEEL AAN KU DOORSANAYAANA MA JIRTO.ILAAHAY WAXAAN KA BARYAYAA IN ILAAHAY NABAD NOOGA DHIGO. AAMIN AAMIN.WAXAAN ILEEYAHAY HADII QUSUSKAYGU YAALO SWEDEN CIDKASTAA IGAMA KAXAYNKARTO. WAXAAN LEEYAHAY UMADA SOOMAALIYEED MEELKASTOO AY JOOGTO HA U DUCAYSO WALAALA HOODA DHIBAATAYSAN EE SHARCIYADA LOO DIIDAY EE SANADAHA BADAN JOOGAY WADANKAN.INSHA ALLAA DHAMMAANTIIN WAAN IDIN SALAAMAYAA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. ladan says:

    Walaal s/c ….
    Gabar yar aan ahay14år hadaanan sharcigii helay faamiökayhi mala ii keenaa pls iisoo jawaaba.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. mo shine says:

    wadankeenii somalia dhibkiisa ka jira sidaa sualo layskagama waydiiyo loogamana naxo why wadankan qaxoontiga lagu yahay dadka jeclesiiyay, midakalle hadaan maanta dhaho gabiga somalida haysata daganashaha halaga ceshado waxa la arkayaa dadbadan oo i cayaya se hadaan dhaho somaliya 20 sano danbe oo dagaala ha gasho wax jawaab ah helimaayo, hadaba ma dadkiiba illahb wadankoodii nacsiiyay mise wa inaga doqoniimo allah ha sahlo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  22. samiryare says:

    asc walalayaal marka hore aan u duceyno wadan keena marka labaad aan u duceyno walaalha joga wadamada yurub oo dhan ee ku hay sanin sharciga in oow illaah u sahlo sharciga walibo si dag dag ah waan daremi karnaa qofka aan sharciga heysan dhibkiisa ee illahoow adaweyno waxid eh he usahal walalaha muslimiinta ah meel kasta eyjogaan mida kalle ayagane waxa jirta hoyo iyo carurteeda kala fog ayadane illaah ha isku kenno ayagoo nabad ah iyo dhamaan heraha donaya in lamideyo illaah waxaan ugu maryaa in oow mideeyo ayagoo cafimaad qabo qofkista mesha oow ka ooman yahay illaah haka warabiyo aamiin yaa rabi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Falis says:

    Asc, dhaman bahda Somaliska waxaan ka xumahay si aad oo weyn dadka sheegana Somali ee ku jira Xisbigaan sidaan dadkena u neceb miyeyna isku xishoonayn kuwaas iska tanaasula dhihi lahaay. Tan kale Baarlamaan aan fadhiyaa qiimo maleh waligeen baan soo noolayn Soomaliduna waa dadka ugu neceb ceyrta ee dadka ha idinka baxaana siiya dhaha 5sano sharciga wadanka waa la idiin wada faarujin mar dhaw Inshalah Qeyr iyo horumar baan wadankeenii macaanaa kasoo caraftay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Raaqia Elmi says:

    asc dhamaan walalaha somaliska aan ku kulano
    arintan laga dhawaajiyay ee shaqadu maba xuma ee shaqo mala helayaa baa meesha taala
    raga somalidana waxaan ku waaninayaa inay iska ilaawaan maqaayadaha ay taagan yihiin oo mid waliba dantii uu wadankan u yimi ka qabsadaa si aad u hesho waaxad xaq u leedahay oo aad dadka wadanka jooga ula mid noqoto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0