Dowlada Sweden oo baaritaan ku samaysay cunsuriyada ka dhanka ah Soomaalida

12

Gudi ay dowlada Sweden u xilsaartay in ay cilmi baaris ku saameeyaan cunsuriyada ka dhanka ah dadka madoow ayaa soo bandhigay warbixintooda. Gudiga ayaa ka digay in sanadihii u dambeeyay ay aad kor ugu kacday cunsuriyada iyo dambiyada laga galo dadka asalkooda ka soo jeedo Afrika.

Inta u dhaxaysay sanadihii 2008-2012 ayaa cunsuriyada ka dhanka ah dadka madoow waxay siyaaday 24% sida lagu sheegay warbixinta. Qaasatan cunsuriyada iyo magacdilka lagu sameeyo Soomaalida ayaa qeyb weyn ka ah warbixinta, taasoo ay ku jiraan dhacdooyin muhiim ah oo ay ka midyihiin weeraro lagu qaaday Soomaalida ku nool daafaha Sweden.

Sweden ayaa hada waxaa ku nool 180,000 qof oo ka soo jeeda qaarada Afrika, iyadoo 50,000 oo dakdaas ka mid ah ay yihiin Soomaali. Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa sheegay in uu aad uga walwalsan yahay cunsuriyada lagu sameeyo Soomaalida. Dowlada ayaa loogu baaqay in ay wax ka qabato cunsuriyada lagu sameeyo dadka madoow isla markaana ay magdhow fiican siiso dadka dambiyada laga galay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here