Dowlada Sweden oo isku qilaafsan in qaxootiga laga qaado xoriyada doorashada deegaanka

Sida ay shalay qortay idaacada Ekot waxaa qilaaf ka dhex taaganyahay xulufada ku midaysan dowlada Sweden ee kala ah xisbiyada Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) kuwaasoo isku qilaafsan sida loo xalinayo dhibaatooyinka isdhexgalka, qaasatan arinta ku saabsan in soo galootigu ay wadanka ka deggi karaan halkii ay doonaan.

Socialdemokraterna (S) ayaa doonaya in sharciga wax laga badalo oo meesha laga saaro xoriyada ay leeyihiin qaxootigu in ay ku doortaan halkii ay wadanka kaga noolaan lahaayeen, iyagoo u baahan adrees oo keliya. Waxay doonayaan in qaxootiga ay Laanta Socdaalka iyo Kamuunda u go’aamiyaan halka ay degayaan.

Miljöpartiet ayaa arintaas si weyn uga soo horjeeda iyagoo aaminsan in aan bani’aadamka xoriyada laga qaadi karin oo ay waajibtahay in dadka soo galootiga ah loola dhaqmo sida Swedishka oo ay meeshii ay doonaan wadanka kaga noolaan karaan. Miljöpartiet ayaa ku doodaya in xalka uu yahay in kor loo qaado heerka nolosha ee xeryaha qaxootiga si aysan magan galyo doonka uga guurin.

Magaalada Södertälje oo ay qabsadeen Syrianka ayaa aad u doonaysa in aan magangalyo doonka la siin xoriyad ay ku doortaan deegaanka, maadaama kumanaan ay sanadkasta soo degaan Södertälje. Magaaladaasi oo ay si wadajir ah u maamulaan Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ayaa ku heshiiyay in qofka soo degayo magaalada la xaqiijiyo in uu haysto guri fiican inta aan oo ogolaan adreeska.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. gabaldaye says:

    marba marka kasi dambayso eeh qaxotigu so biro waxa kor u kaca cunsuryada oo kor u kici sa awododa waxana kor u kaca kadib siyasada ka dhanka ah ajanibta , waxa ay si daraan malinka ay siyasiyintu daremaan iin ay ku heli karaan cod fikirka cunsuriyaded oo kuwi kaleh ay is dhahan kaga qata SD codaad tiro badan o ay dhaman siyasada sd ay qabsato wadanka , wax yar aya kaa dhiman somalay waax bartaa waa taa kaliyah aad ku badbadi dontaan dagaalkan dhexdi hadi kaleh aad iska dhoftaan oo calamka aad kaa shaqaysataan , nolosha waxa ugu daraan meel aad kaa tagi karin oo aad arkayso iin lagu dulmi rabo ,hadi aad ledahay xirfad iyo cilmi calaamka aya fadhiga kaga kici walahi , luqada barta raciya english farsamo heer jamacaded ku dadala , wakhtigu waa uu cararaya bariito ayey noqon eeh haa ka walwalin dhankas

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. gabaldaye says:

    dalkan idinku malihidin , amba sharciga weyn yelo amba haa helin ajanib uun ba tahay kaa waraan hadi ay ileyn waa siyasad eh ay isbadasho siyasadu oo lagu dhawaqo waa iin la dhimo lacagta caydha kadibna is dabaar lagu dhaho oo laga goyo ileyn abaha mesha malaha eh dadkaygi yow cimliga inta ayna naga xidhan aan kaa barano waa waxa meel walba ku raci donaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 0

  3. nawal says:

    Gabadaye ruux caqli badan aaad tahay dadka jiif jiifo oo ilamaha iska dhalaya caydha ku xisab tamaya ka kaca dheh fadhiga oo wadanka in badan jooga jaahilnimana lasooo dhago waawayn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. abdiasiis says:

    Abdiasiis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdiasiis says:

    Walaalayaal waxaad kahaysiin wax aqbaara dadkii diidmada haystay iyo rer labosano wax aqbaara cidii nagu dhaanta hanoo sheegto idinkoo mahadsan pliz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. 2 sano says:

    abdiasiis sxb arintii 2 sano waa lakala saaray sxb hadii labada is qabto horey isku sheegten waa loo fududeeyay lkn guurka cusub waxaa lagu xujeeyay in ilmaha lasiinayo sharciga hadii hooyada ama aabaha wato ilamaha u saxiixo si isaga ama iyada diidmo loo siiyo sheekada meeshas ayay mareesaa ee saas ula socdo reer 2 sano waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. axmed says:

    aniga waxaan hayaa nin gadaal ka soo guur saday oo lasii yay ogolaasho ayaan hayaa aniga mar ka qof key rabaan ayay sii na hayaan key rabana waa loo diidaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. 2sano says:

    Axmed walaalo migration ka maa siyey mise arinkii su maxgamada buu ola

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. axmed says:

    migrationka ayaa sii yay sxb maxkamad maba lagarin sxb ilmo ayay isku dhaleen DN ayaa loo kala qaday saas ayaa lugu sii yay sxb ogolashaha sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. abdicaiis says:

    2sano waad mahadsantahay dadkii diidmada haystay bisha labaad iyo tansadexaad eesanadkaan baa wax loo furooyaa maxaa wax wara ka haysaan aad bay ubadan yihiin dadka diidmadahaysta bilaa sababna ay sharcigii ugu diideen qofkii walaalkeena oo aqbaarkahaya dadkii diidmada haystay in wax lafurayo in xaalku shib shib yahay bal hanoo faaiiideeyo waadna mahadsabtihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. amina says:

    Walaalayaal aniga kiiskayga
    Mxkamada malmö ayuu jiraa ilmahayguna waa helen sharciga hada waaba haystan marka sidee u aragtaan jawaab ta ka soo bixi inkastoo waxwaliba calaf tahay
    Waxaan nahay guurdanbe marka cidii igu qanta ama ay also daristay hay gu caawiyo jawaab walow aan u arko walid iyo ilmihiisa in aanla kala rebikarib

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. axmed says:

    waa sax waa run tada walaal saas ayaa sax

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. cabdale says:

    Amina markaas walaal Caruurtaada hadii sharciga la siiyay maxaa kaa dhiman, ma ninkaagii ayaa sharciga loo diiday bal noo sharac walaal.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0