Dowlada Sweden oo ku dhawaaqday isbedalo lagu samaynayo sharciga baasaboorka

45

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday isbedalo lagu samaynayo sharciga muwaadinimada. Isbedalaan oo aan ahayn kuwo waaweyn ayaa waxaa ka mid ah in sharciga lagu qoro qodob muujinaya muhiimada ay leedahay muwaadinimada Sweden. Waxaa kale oo ka mid ah in kamuunada waajib looga dhigo in ay xaflada qaadashada baasaboorka u sameeyaan dadka cusub.

Waxaa kale oo ugu muhiimsan in caruurta ku dhalata wadanka ay si toos ah baasaboorka u qaadan doonaan, haddii labada waalid midkood uu leeyahay baasaboorka. Ugu dambeyntii ayaa waxaa isbedalada ka mid ah in dadkii horey baasaboorka loogu diiday maadaama ay layaaheen baasaboor wadan kale, hada la siin doono baasaboorka.

Isbedaladaan ayaa la filayaa in ay dhaqan gali doonaan, bisha April ee sanadka 2015

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here