Dowlada Sweden oo ku fadeexowday qowmiyada Romada

Booliska Sweden ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo daristay fadeexad balaaran oo ku saabsan qowmiyada Romada. Beatrice-AskFadeexadaan ayaa la xiriirta ka dib markii ay soo shaacbaxday in booliska gobolka Skåne ay sameeyeen liis ay ku diiwaan galinayaan dadka jinsiyadooda tahay Romada.

Booliska ayaa sheegay in sababta ay u sameeyeen liiskaan uu yahay in ay ku diiwan galiyaan dadka galay dambiyada sida tuugada, balse sidoo kale ay diiwaanka ku dareen dadkale oo qaraabo ama xiriir la leh kuwa dambiyada galay. Taas ayaa keentay in xitaa caruur aad u da’yar lagu qoro diiwaanka booliska iyo dad kale oo aan wax dambi ah galin.

Ka dib markii ay soo shaacbaxday arintaas ayaa cambaareyn balaaran loo soo gudbiyay booliska, iyadoo qaasatan la tilmaamay in ay sharci daro tahay in dadka la diiwaan galiyo iyaga oo aan waxba galabsan. Ka dib fadeexadaas ayaa boolisku qirteen in ay qalad sameeyeen iyagoo laftooda isdacweeyay oo hada baaritaan ku socdo sidii boolisku ay u dhaqmeen.

Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah wasiirada dowlada iyo xisbiyada kala duwan ayaa cambaareeyay dhaqanka booliska. Wasiirka cadaalada Beatrice Ask ayaa raali galin ka bixisay ficilada booliska isla markaana cafis ka dalbatay Romada.

Dadka Romada oo boqolaal sano ku noolaa qaarada Yurub ayaa ah kuwo si joogto ah loo cunsuriyeeyo isla markaana laga xaqiro xuquuqdooda. Romada ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin dadka ay ku badantahay tuugada iyo dambiyada kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. luul says:

    asc dhamaan walaalaha muslimiinta ah sverige waa demokrati mexey u dhahaan waaba ogyihiin in ey dadka qaar xaqoodi duudsiiyene kuwas nagama jeclo ee indhihiina ha soo jeedaano oo yaan afmeen ah leydinku sirin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. muxudiin says:

    asc sida ay aniga ila tahay qof tuug ah ama xili walba denbi ku jiro laguma difaaci karo diin qabiil jinsiyad i w m waxaa iga talo ah dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka sweden ineey ka fogaadaan waxyaabaha aan kor ku soo xusnay oo dhibaatada u keeni kara mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. walaal yaal maxaa la dhahay dadka singalka oo aan wali xaquuqdooda lasiin war u sheegta xaquuqdiina dowlada swden si aay go aan idinka gaaro hal mar mudaharaada ee ogeysiiya war daddow hadey fududahay oo aay swden dadka qaadyasaa oo mar hadii aay xirato waa bas ee ha laga koco fadhiga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. xawo says:

    wall halakco o hadalkaliya lama rabo lkn ficil baa loo bahnyahyhadaba samee inaa dadka isuguyertid dadka wa udiyare ani waxa joga gotebug dadka wa udiyar hawshas mudaharadka lkn halahelo nin gacan banan oo isaga hawsha dhamenkara dadka isugu yerikara hal malina 2sano iyo singalba hasoo baxaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Amina says:

    Waxan nahay diyaar waxa nootagan farta xawo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. salmaan yare says:

    anigaa igu horeeyo xaawo dadka sobaxa dheh dadka singalka iyaga warkooda waaba xiranyahay wax war xita ka haayo malahan daka markii ay caruurta kamaqnayeen markasta waa la banaan bixi jiray hada markii ay dadkooda u imadeen maba oga dhibka markaas heestay inuu anaga wali nagu danbeeyo war somali waa isku mid qofba marka uu rerkisa helo hadalkisa mal aarkaayo thnks all

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Ahmed says:

    Bror Jimcaale ma contract ayaad kusooo qqadatey inaad ogaato dad Somalia marka aad leedahey Imisa lacag ayaad Somalia u dirtaa bishii qalad ha ii fahmin waa su’aal aan kaa rabo jawaabteeda hadii eey macquul tahey thanks bro?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. maalinta isniinta ah ayaan diyaarinayaa yataboori ee adinka malmo iyo stockhlom ayaa balansan mudaharaadka meel kastoo aad joogtaa aan isku mid noqono qof kasta war gilya oo ha laga mudaharaado gobolda dhamaan si aan igu ra,yi noqono yaana loo kala harion maalintaas qof walbo ha loo s heego mudaharaad ayaa jira ku dheh anaga waan bilaabeynaa subaxa isniinta insh,alaah sidaa ogaada qof walbo haduu is dhaho waa ok somalida singleka dhamaan waa furanyahay yurubta ee maxaa swden ku dhacay war adinkaa nilaka arkey kaca ciil ayaa i haayo walaahi dadka meel kasta oo aay joogaan ha kacaano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Xirsi says:

    Waa Runtaa Ahmed ee Suaaashaas Jimacaalow dib ugu noqo maxaa kaa galay inta la diro, waaba yaabe ma dawlada ayaa ku tidhi soo ogow waa Suaal aan cidina kaaga soo jawaabeen oo khaldan waana in aad Raali galisaa Taageerada boga ku xidhan meelbaad kaga dhacdee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. abuukar says:

    hadii su aal leeydiin weeydiiyo imisa ayaa reerkaada u dirtaa bishii ma ahan wax dhibaato kaaga imaan karto maxaa yeelay waa wax la wada og yahay in qof walbaa oo ku nool sweden ay familkeeda jiraan soomaaliya bil walbana ay biil gaarsiiso oo ay u dirto sidaas awgeed halkaan aan uga hadalno dhibaatada na haaysata anaga iyo walaalheed soomaaliyeed oo ay familadooda ka maqan yihiin mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk boga somaliska waxan sualaya sxb inadaiga so jwabtnaa waan raba wayo siyasada somaliya logaga hadli wayaay yaab anaga aragnaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0